Mareykanka oo ballan qaad culus u sameeyay ciidamada Somalia

December 8, 2012 12:56 PM1 commentViews:

Dowlada Mareykanka ayaa waxa ay sheegtay in Soomaaliya haatan ay u talaabsatay dhanka horumarka islamarkaana ay u baahan tahay sidii loo gacan qaban lahaa.

Safiirka Mareykanka u fadhiya dalka Uganda oo gaaray dalka Uganda ayaa waxa uu kulumo kala duwan la qaatay Mas’uuliyiinta dowlada Uganda iyo waliba safiirka Soomaaliya u fadhiya Uganda,waxa ayna kawada hadleen arimaha Soomaaliya iyo horumarka lagu talaabsaday.

Safiirka Mareykanka u fadhiya Uganda Soctt.H Delisi ayaa sheegay in Mareykanka haatan u bisil yahay sidii taageero dheeri u sii lahaa Soomaaliya oo u dhaqaaqday dhanka horumarka iyo sidii dalka loogu soo celin lahaa Soomaaliya haykalkii dowladnimo ee wadanka ka jirtay.

Waxa uuna Safiirka uu sheegay in Mareykanka uu balanqaadayo qalabeynta iyo tayeynta ciidamada Pooliiska Soomaaliyeed si awood ugu yeeshaan adkenta ammaanka guud ahaan dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Safiirka Mareykanka u fadhiya Uganda Soctt.H Delisi ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in Mareykanka uu horay u garab taagnaa Soomaaliya hadana uu sii balaarinayo taageerida Soomaaliya Mareykanka uu siinayo.

Kulanka labada safiir ee Soomaaliya iyo Mareykanka Dr Sayd Axmed Shiikh Daahir iyo Soctt.H Delisi ayaa waxaa uu imanayaa xili wadamada daneya arimaha Soomaaliya ay gacan weyn ka geysanayaan sidii dalka Soomaaliya uu ugu soo laaban lahaa dhabihii horumarka.

Ugu danbeynta Safiirka ayaa soo hadal qaaday howlgalka Midowga africa ay ka wadaan soomaaliya,waxa uuna carabaabay in guulo iyo hormar la taaban karo ay ka gaareen dagaaladii ay la galeem AMISOM.

1 Comment

  • ahmed rooraaye

    asc war shinbiriyahoow heesa naga dhaafa maraykanka ma taageersano dowlada somalia mana ogolo in ciidan somaliyeed oo xoog leh u dhiso dalka somalia warbixinta ayaaba ka fahmi kartaa waxuu dhahay booliska ayaa dhisaa war boolis shaqadiisa waa magaalo nabad ah oo danbiyo yar yar kuwa gala lagu soo xiro ee ma waxuu la dagaalamaa kuwo duurka galay oo xeelad dagaal mar mar banaanka uga soo baxaya iyagoo markaas ujeedooyinkooda fulinaayo marka xasuuso inta shir uu maraykanka la galay ciidamadii hore ee somalia mar walbana diiday in uu ciimadii xooga dalka somaliyeed dib loo unko maraykanka marwalba waxuu rabaa dowlad aan xuduudaheeda aan xiran karin oo daciif ah iasgoo illaalinaayo danaha wadamada dariska nala ah marka gacmo daaliska naga daayo haddii wax qabanaayo ciidanka hadda jiro ayuu mushaar xataa meel u saari la yahay hubeyn oo hubeeyo daaye 150 doolar xataa askari somalia uma ogola halka kuwa ugaadho oo siiyo bishii 1200 oo doolar marka somalida yaan ka qaldin warbixin aan wax ku ool aheyna yaanan la faafinin oo cirbada beenta ah aayana shacabka lagu jiifin wadanka cidna uma macna ceelna uma qodna ayuu ki jiraa

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks