Dhibaatooyinka BIYO-BAX la’aanta ee xilliga galmada qabasata dadka qaar!!!

March 4, 2014 4:00 AM1 commentViews: 6712

Dhibaatooyinka la xiriira biyo-baxa waxaa ka mid ah:

1- Biyo-bax la’aan (Anejaculation)

Waa marka qanjirka prostate-ka iyo marinnaha manida ay soo tuuri waayaan biyaha.
Biyo-bax la’aanta runta ah saameyn kuma laha dareenka galmada.
Biyo-bax la’aanta waxaa keeni karo:
- Dhaawac gaaray lafdhbarta (xangullaha)
- Dhaawac gaaray dabaqanaanta
- Qalliinnada qaar sida (Colorectal surgery [qalliinka mindhicirka iyo maroorka] iyo Aortoiliac surgery [qalliinka garwadnaha])
- Cudurka xasuus lumiyaha ee parkinson
- Sonkorowga dhalinyarada (Juveline Diabetes)
- Daawooyinka qaar sida: daawooyinka dhiigkarka, Daawooyinka diiqada, Daawooyinka waallida iyo Cabidda aalkoloda.

2- Shahwo la’aan (Anorgasmia)

Waa awood la’aanta in qofku shahwada dareemo (dareenka biyo-baxa oo maqan), waxyaabaha keenana badankood waa dhibaatooyin nafsaani ah (Psychological) sida fakirka iyo welwelka xilliga galmada.

3- Daahidda biyo-baxa (delayed ejaculation)

Daahidda biyo-baxa waxay ka timaadaa dhibaatooyin kala duwan waxaana ka mid ah:
- Dhaawac lafdhabarta ah
- Dhaawac guska ah (dhaawac neerfo)
- Daawooyinka dhiigkarka, waallida iyo niyad-jabka (diiqada)

4- Dib u noqoshada biyaha (Retrograde ejaculation)

Waa in biyaha dib ugu laabtaan kaadi heesta meeshii laga rabay in horay u soo raacaan ibta guska.
Waxaana keeni karo waxyaabahaan soo socda:
- Waxyaabaha keeno biyo-bax la’aanta ee kor ku xusan
- Ibta kaadida oo xiran ama ciriiri ah
- Afka kaadiheysta oo dabacsan ama iin leh
- Qalliinka saarista qanjirka prostate-ka

5- Biyo-bax daciif ah (Asthenic ejaculation)

Waa tabardarri la xiriirta biyo-baxa oo sidii la rabay qofku u tuuri karin, waxaana keena isla dhibaatooyinka biyo bax-la’aanta kor ku xusan iyo ciriiriyowga ibta.
Tani saameyn weyn kuma laha uureynta iyo bacriminta ugxantaba.

6- Biyo-bax degdeg ah (Premature ejaculation)

Waa awood la’aan in qofku sii heyn kari waayo biyaha.

Tani waxay la xiriirta kacsi la’aanta iyo hawlgabka kacsiga waxaana uga hadlay qoraal gooni ah.

7- Biyo-bax xanuun leh (Painful ejaculation)

Waa in qofku dareemo xanuun xilliga biyo-baxa.

Tani waa mid la kasbado oo mid qofku ku dhasho maahan, waxayna ka imaataa in marinka biyaha uu xirmo taas oo ka dhalato caabuqa prostate-ka iyo caabuqa ibta.

Dhibaatooyinka aan kor ku soo xusay waxay la xiriiri karaan waxyaabahaan soo socda:
- Sonkorowga
- Xanuunnada neerfaha
- Shilalka
- Caabuqa saxaaxa iyo kaadi mareenka
- Qalliin hore.

Daaweynta dhibaatooyinkaan waxay ku xirantahay da’da lamaanaha iyo nooca dhibaatadiisa.

Waxaa muhiim ah in la daaweeyo waxyaabaha keeno dhibaatooyinkaan tusaale ahaan cudurrada sonkorowga iyo dhibaatooyinka prostate-ka.

Waxaa kaloo jira daawooyin gaar ah oo la isticmaalo waxaana kula talin lahaa qofkii ka cabanayo mid ka ah dhibaatooyinkaan in uu la xiriiro dhakhtar ku taqasusay arrimahaan si daryeel dhameestiran u helo (haddii talo, daawo ama qalliinba tahay).

W/D: Xiriirka Caafimaadka Soomaaliyeed

Somalidoc

Tags:

1 Comment

  • ASALAAMU CALEYKUM WARAXMATU ALLAAHI WABARAKAATUHU
    salaan ka dib waa mahadsan yihiin dakhaatiirta website-kan macluumaadka caafimaadka dhigay.waa mid loo aayi doono oo dadka oo dhan khusaysa qofba markiisa. waxa aan leeyahay dadka ha lagu wargeliyo sida badan waan la aqoone.

    anigu waxa aan ka cabanayaa labo arrimood
    1. hawlgab kacsi uu keenay saarista qanjirka prostrate-ka
    2. dib u noqoshada biyaha (retrograte ejaculation?

    Waxaan codsanayaa in la iga la soo taliyo labadaa arrimood

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks