Dhakhaatiirta oo si aad uga walwalsan caafimaadka SOOMAALIDA qurbaha

February 8, 2014 4:00 AM2 commentsViews: 4850

Soomaalida ku nool reer galbeedka ayaa waxaa la arkay in markay qurbaha imaanayanaan ay caafimaad qabaan, sanado kadibna ay la soo daristo caafimaad xumo. Dhakhaatiirta ayaa arinkaas ku fasiray qorax la’aanta wadamada ay u soo hayaameen kadib markii ay arkeen sida uu u liito heerka fitamiin D Soomaalidii laga cabiray. Taas waxaa loo aaneeyaa maqaarkooda oo madow, hab-dhaqanka labiska, dhalmada isu dhow iyo iyaga oo aan ku fiicnayn cunada qaniga ku ah fitamiin D sida kaluunka.

Fitamiin D wuxuu kaalin libaax ka ciyaaraa habsami u shaqeynta jirkeena iyo caafimaadka guud gaar ahaan koriinka, murqaha & lafaha. Dadka uu hooseeyo heerka fitamiinkaas badankood ma laha wax calaamad ah, inkastoo laga yaabo inay isku arkaan daal, juuc-juuc iyo xanuun guud oo saameeya murqaha & lafaha. Dhibkaan waxaa si gaar ah ugu nugul hooyada uurka leh iyo caruurta ka yar 5 sano. Ragana waa asiibaa sida uu ka markhaati kacay Mudane Ahmed Mohamoud oo ku nool Kanada kana cabanaya lafa-xanuun loo aaneeyay fitamiin D oo aad ugu yar. Mar wax laga weydiiyay sababta loogu kari la’yahay inuu banaanka u baxo wuxuu ku jawaabay “banaanka waa qabow, hadaan socdana waxaan ku dhex lugeeyaa daaraha qafilan ee loo yaqaan shopping centre ama malls”.

Mudane Gail oo ah sarkaal degan Ottawa kana tirsan Somali immigrant community ayaa wuxuu yiri “haddii aad aragtid markay dadkan imaanayeen halkan iyo sida caafimaadkoodu isu badalo dhowr sanadood kadib waa adag tahay in wax kale lagu fasiro oo aan ka ahayn faqriga fitamiin D. Dr Cannel oo isaguna wax ku qora website www.vitamindcouncil.org ayaa yiri waa danbi waxa ku dhacaya dadka madow ee degan Ameerika iyo Kanada. Isagu waaba ku talax tagay oo wuxuuba hoos u dhaca heerka fitamiin D la xiriiriyay cudurada ku soo batay Soomaalida markay qurbaha yimaadeen sida autism, waalida, murugada, wadno-xanuunka, sonkorowga, dhiig-karka iyo stroke.

Soomaalida iyo dhakhaatiirta qurbaha ayaa is nacay kadib markay ku noq-noqdaan iyagoo ka cabanaya murqo & lafo-xanuun maaro loo waayay taasoo badanaa dhakhaatiirtu aysan u tababarnay sida loola tacaalo dhibkaas u gaar ka ah muhaajiriintan wadankooda ku cusub. Dhakhaatiirta magaalada Bristol ayay yaab & amakaag riday dhibka kala haysta murqo/lafo-xanuunka iyo Soomaalida degan Bristol. Waxay sameeyeen cilmi-baaris muhiim oo dhakhaatiirta iyo dawladuba wax ka barteen. Dadkii badnaa ee ay dhiiga ka qaadeen waxay ku ogaadeen in 299 qof uu heerka fitamiin D uu hooseeyo. Marka la fiiriyay wadamada ay ka soo jeedaan waxaa si xarago leh hogaanka ugu qabtay Soomaalida oo noqday 74%.

Waxaan shaki ku jirin hooyada qabta faqriga fitamiin D inay iyaduna dhali doonto cunug la il-darin dhibkaas sida fudud looga hortagi karo. Imaatinka soo galootida iyo muhaajiriinta ayaa horseeday inuu soo laba kacleeyo cudur waa hore laga dabargooyay caruurta UK oo la yiraahdo rickettsia (lafo qal-qalooc). Qaylo-dhaan ka soo yeertay Wasaarada Caafimaadka Ingiriiska ayaa looga codsaday dhamaan hooyooyinka uurka leh iyo kuwa naaska nuujiya inay maalin kasta qaataan kaniiniga fitamiin D. Fitamiino lacag la’aan ah ayay dawlada Ingiriisku qaybisaa tan iyo markii la bilaabay mashruuca loogu magic daray healthy start kaasoo loogu qeybiyo hooyooyinka dakhligoodu hooseeyo boonooyin ay ku gataan caano, khudaar iyo fitamiino.

Tan dhakhaatiirta UK mid ka daran waxaa arkay cilmi-baarayaal Swedish oo is bar-bardhigay dhiig ay ka qaadeen hooyooyin uur leh oo 20 ay yihiin Soomaali, 20 ka kalena ay yihiin Swedish, kuwaasoo dhamaantood degan caasimada Stockholm. Waxay aad ula fajaceen markii ay arkeen in dhamaan hooyooyinka Soomaalida uu heerka fitamiin D uu aad u hooseeyo halka hooyooyinkii Swedish ay dhamaantood caadi noqdeen.

Cilmi-baarayaasha qaarkood ayaa xiriiriyay yaraanta fitamiin D iyo cudurka autismaha (caruurta aan hadlin, caqligooduna uusan taam ahayn), waxay ku doodeen inuu ku badan yahay wadamada aan qoraxda badan lahayn. Waxay daliil ka dhigteen in Soomaalida markay wadankooda joogeen in cudurkaas aanba la aqoon markayse yimaadeen wadamada qaboobaha uu saameeyay qoysas badan oo Soomaali ah kuwaas oo ula baxay magacyo ay ka mid yihiin cudurka Swedishka ama kan Minesotta; iwm.

Khuburo Swedish ah ayaa sheegay in autismuhu uu soomaalida uga badan yahay ilaa 4 jibaar marka loo bar-bardhigo qawmiyadaha kale. Marwo Huda Farah oo ka mid ah saraakiisha caafimaadka ee Minesotta ayaa tiri “markaan wadankayaga joognay cudurkan waligeen ma maqal, xitaa wax af-Soomaali lagu yiraahdo ma naqaan”. Inkastoo la tuhmo xiriirka ka dhaxeeya labadaas hadana ma jiraan daliil ku filan oo tusinaya in caruurtaas lagu daaweeyo fitamiin D; baaristuna waa socotaa.

Soomaalidu waxay tiraahdaa sida xeero lagu xagtaa ilkana ku nabadgalaan, hadaba sidee anagoo caafimaad qab ah ugu noolaana wadamada qaboobaha ah oo qoraxda saacado xadidan la arko dhowr bilood sanadkiiba. Jawaabta su’aashaas iyo sida aad ku ogaan kartid inuu kugu yar yahay fitamiin D adigoo gurigaaga jooga  Riix halkan.

W/D: Dr Mohamed Abdullahi,

London, UK

Email: info@somdoc.com

Tags:

2 Comments

  • UUrkaygii ugu horeeyay waxaa leygu sheegay vit D oo aad u hooseeyo iyo HB ga walow aan qaatay kaniini vatimani ah hadana wax is badal ah ma jirin. sababta waxa ay tahay xitaa markaan soomaali joognay cudurkaan woo jiray laakiin iskama baarno oo meela kale ayaan ku wareegnaa. 2 mar oo aan daqtar ukala tagay kenya iyo itoobiya labadii jeer waxaa layga sheegay vit D gayga oo hooseeya waxaan qaatay kaniinikyo vit D ah. waxaana sabab u ah anaga soomaalida qoraxda iskuma dhigno qofka waxaa loo baahanyahay maalintii inuu ugu yaraan 45 daqiiqo qorax helo qofka madowga ah. hlka qofka cadaanka ku filantahay 15 daqiiqo. waxaa sii dheer cuntooyinka qudaarta iyo fruitka iyo kaluunka iyo digaaga ma cuno badana hilibka gaduudan iyo cano ka danbaynaa ( cad iyo caano) bariis iyo baasto. makra waa in hab nololeedkeena cunto diyaarinteena ka fikirnaaa.
    Daraasad mareekanka waxaaa algu ogaaday in haweenka uurka leh oo nafaqada ku yartahay ay u sahlantahay in Depresion ku dhaco marka danbana cudurada maskaxda ku dhaco sida pregnancy psycosis.

  • dhibaatada ugu ween waa ayootada, waayo caruurta looma dhaqaaleeyo sida ee doowlada aan martida unahay ugu talagaleen, waalidka macunaan raashin nafaqo leh sidee caruurtaan kubadbaadayaan.
    waa in aa sameenaa barnaamij kahortag ayuuto anaga oo lakaashaneeno hay’daha doowliga ah.
    soomaalida qurbaha joogaan 90+% weey abuse gareeyaan caruurtooda, masiiyaan daryeelka loogu tala galay,

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks