Dhageyso: Madaxweyne Xasan oo ka hadlay Xiriirka Kenya, wada hadalka Somaliland iyo Al-Shabab iyo…..)

December 13, 2012 12:10 AM2 commentsViews: 2

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in waxyaabaha ay ahmiyadda siiyeen ay ugu horreysay ammaanka qaranka isla markaana ay ku guuleysteen in ay qaadaan 60 baro koontarool oo sharci darro ahaa kuwaas oo yiilay gudaha magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo wareysi gaar ah siiyay laanta Afka Soomaaliga ee BBC ayaa waxa uu ka hadlay arimo kale.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha in aanu jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeya dowladdiisa iyo Kenya ayna ka mid yihiin dalalka u soo diray ciidamada Soomaaliya waxaana uu intaa raaciyay in mashquul shaqo awgii ay dib uga dhaceen safar uu ku tagi lahaa Kenya, balse uu dhawaan dalkaasi booqan doono.

Mar la weydiiyay in wax wadahadal ah ay la galayaan al-Shabaab waxa uu sheegay in al-Shabaab ay isugu jiraan saddex qeybood labo qeybood oo Soomaali ah iyo qeyb ajnabi ah waxana uu sheegay kuwa ajnabiga ah in sinnaba uusan uga dhaxeyn wadahadal oo kaliya ay u furan tahay in ay dalka a isaga baxaan laakiin labada qeybood ee kale waxa uu sheegay cidii hubka iska dhigta ee nabad wax ku dooneysa in ay xaq u leeyihiin in ay bulshada dib ula midoobaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa kale oo uu sheegay in uu ku rajo weyn yahay in ay dib u amba qaadaan wadahadalladii u dhaxeeyay dowladda iyo Somaliland shaqsi ahaana uu filayo in natiijo wax ku ool ah ay ka soo bixi doonto.

Dhinaca dhaqaalaha ay dowladdu ku tiirsan tahay waxa uu sheegay in ay ugu weyn tahay dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee Muqdishu iyo sidoo kale suuqyada magaalada taas oo uu sheegay in hadda ay horumarinayaan, waxana uu sheegay in sidoo kale ay jiraan qurbo joog Soomaaliyeed oo lacago toos ugu soo dira bangiga dhexe ee Soomaaliya si ay u caawiyaan dowladda.

Halkan ka dhageyso Wareysiga Madaxweynaha

2 Comments

  • wa nin baqaayo xasan shiiq runtane ka shegeen kenya dhiibta eey ku heeyso somalida ku dheex nool iyo askartooda xooga eey ku jogaan kismaayo dowladane u ogaleen ineey ka taalshaan kismaayo lkn libaax dheeh shariif

  • يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لا تَتَّخِذُوا الْيَهُودَ وَالنَّصَارَى أَوْلِيَاءَ بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاءُ بَعْضٍ وَمَنْ يَتَوَلَّهُمْ مِنْكُمْ فَإِنَّهُ مِنْهُمْ إِنَّ اللَّهَ لا يَهْدِي الْقَوْمَ الظَّالِمِينَ

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks