Dennis Allex oo sharuud lagu xiray

January 14, 2013 8:00 AM0 commentsViews:

Muwaadinka Afduub ahaan ALshabaab gacanta ugu jiro ee Dannes Alex ayaa la sheegay in Alshabaab ay sharuud ku xereen sii deysmadiisa,sida ay sheegtay wasaarada difaaca dalkaasi.

Wasiirka difaaca dalka France ayaa sheegay in Alshabaab marar badan ay sharuud ku xireen sii deynta askariga u dhashay dalka France oo muddo ku dhow 4 sano gacanta ugu jiro ururka Alshabaab.

War kasoo baxay wasaarada difaaca dalka Faransa ayaa lagu sheegay in Alshabaab sharuuda ay ku xereen Dannes ay tahay in lasii daayo dagaalyahano badan oo Islaamiyiin ah oo ku xeran dalalka caalamka.

Alshabaab ayaa Dannes Alex ,sanadkii 2009 kii ka afduubtay isaga iyo askari kale hotel ku yaala magaalada Muqdisho ,iyadoo markii dambe lasii daayay ruuxii lala afduubtay Dannes kaasi oo dib ugu laabtay dalkiisii.

Maalintii jimcaha diyaarada dagaalka Faransa ayaa ku fashilmay weerar ay ku doonayeen inay kusoo furtaan muwaadinkaan oo muddo ka maqan,waxaana Dowlada faransa ay sheegtay in Alex uu dhintay ,inkastoo Alshabaab ay sheegeen inuu bad qabo Alex.

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks