Dahabshiil iyo Waagacusub oo mar labaad ay Maxkamad u furantay.

November 20, 2012 12:10 AM3 commentsViews: 16
Maamulaha Shirkadda Dahabshiil Abdirashiid Dhiigshiil iyo Maamulaha Waagacusub Dahir Alasow ayaa Maxkamad ku taal Magaaladda Breda ee Dalka Holland isku hor fariistay shalay oo taariikhdu ahayd 19 November 2012 ,Saacadu markey ahayd 1:30 Pm.
Abdirashiid Dahabshiil waxaa la socday laba Qareen oo Holland iyo Ingiriis u dhashay,Khabiir uu sheegay inuu xariif ku yahay Internet-ka,Nin qaabilsanaa inuu shido muuqaalada balse ku guuldareeystay ,haweeneey turjubaan ahayd oo warbixinta Dutch-ka ugu turjumeysay English iyo laba gabadh oo xogheyn u muuqday,
Maamulaha Dahabshiil oo u muuqday inuu kiiska dacwada ka qarinayay shaqaalaha Shirkadiisa iyo xigtadiisa ku nool Holland wuxuu Tareen ku yimid Station-ka Breda kadibna Taxi ayaa geeyay Maxkamada, dhamaan dadka la socday waxay ahaayeen ajnabi hasse yeeshee Dahir Alasow waxaa la socday Lawyer-diisa Margriet, Laba gabadh oo Xogheyn ahaa, turjubaan, Xaaskiisa , afar nin halka dibada qolka dacwada ka socotay iyo banaanka dhismaha ay joogeen 41 qof oo ka mida Jaaliyadda Galmudug State ee dalka Holland, oo uu deegaan ahaan kasoo jeedo.
Qaadiga Maxkamada oo dareemayay jawiga sida uu ahaa wuxuu ka digay in Maxkamada gudaheeda lagu dagaalami karo ama lagu buuqi karo,wuxuu yiri ” Ilaaliya xasiloonida iyo nidaamka “
Lawyer-ka Shirkadda Dahabshiil metelayay O.G. Trojan oo ka socday Bird & Bird LLP ayaa dacwada furay wuxuuna Waagacusub Media iyo Sunatimes.com ku eedeeyay in lagu faafiyay warar iyo warbixino dhaawacay Shirkadda Dahabshiil.
Lawyer-ka Dahabshiil wuxuu yiri “Wixii dhacay waa dhaceen laakiin hada waxaanu codsaneynaa inaan wax dambe Dahir Alasow ka qorin Dahabshiil maxaa yeelay kiiskaan siima wadi karno,maalin walba ma taagnaan karno Maxkamad,kumana jiri karno dacwad”
Lawyerada u doodeysay Waagacusub Media iyo Sunatimes Margriet Koededer ayaa hadalka Lawyer-ka Dahabshiil ku tilmaamay mid ka hor imaanaya Xoriyada Saxaafadda .
Margriet Koededer waxay tiri ” Dahabshiil wuxuu lacag badan ku bixinayaa inaan wax laga sheegin xitaa Loobisteyaasha Bell Potinger wuxuu siiyay lacag dhan nus Milyan Pound si ay wararka Shirkadooda wax looga sheegay uga qariyaan tobanka bog ee Google Engines ugu koreeya”
Lawyerada Waagacusub waxay dhamaan qodobadii Dahabshiil wadatay ku sifeeysay kuwa la dhoodhoobay waxayna tiri ” Hadii aysan wax ka jirin wararka laga qoraya iyo Video”yada la soo gelshay Youtube maxay uga cabanayaan,iyagu maxay qarinayaan meey iska dhaafaan oo dhahaan kaliya waxaasi waa been,anigu waxaan qabaa in eedeymaha argagixiso ee lala xiriirshay Dahabshiil sax tahay”
Margriet Koededer waxay Qaadiga Maxkamadda tustay Shahaadada Saxaafadda ee Dahir Alasow ,waxayna ku tiri ” Shahaadadaan waxaa Dahir Alasow lagu siiyay Europe,wuxuu ka mid yahay Wariyeyaasha ugu caansan Afrika ee dhinaca dabagalka lagu amaano,waa Wariye warkiisa Caalamka qaato,wuxuu ka tirsan yahay Ururka Suxufiyiinta Yurub,waa kan Press Card Europe ayuu wataa,qoladaan Dahabshiil waxay qof walba siinayaan lacag si uu Dahir Alasow u dhaliilo,iyagana u amaano,halkaan bal fiiri Tifaftiraha Halbeegnews.com ayaa Warqadaan uu ku sheegayo in Dahabshiil dhibaateeysay ii soo qoray hadana waxaa la yaaba inay ka daba tageen oo Warqad kale ka soo qoreen iyagoo u hanjabay ama lacag siiyay,halkaan waa Yurub,waxaan joognaa Holland ,wuxuu sharciga dhigayaa Madaxbanaanida Saxaafadda”
Dahabshiil waxay madasha soo fariisisay nin ay ku sheegtay inuu yahay khabiir dhinaca Internet-ka balse ninkaas wuxuu diiday inuu sheego magaciisa iyo Shirkadda uu ka socdo.
Lawyerada Waagacusub waxay tiri ” Ninkaan isqarinaya in la dhageysto meesha kuma jirto sidoo kale magaca Dahir Alasow in la sheeg sheego waxay halis ku tahay noloshiisa oo xitaa Waxbarashadiisii waa iska joojiyay markii nin ay boliiska soo qabteen u diray Alasow fariin qoraaleed uu ku sheegay in Dahabshiil lacag siisay si uu nafta uga jaro”
Lawyerada waxay hor dhigtay qaadiga Warbixintii Booliiska qoreen maxaa yeelay ninka fariintaas hanjabaada u qoray Dahir Alasow wuxuu ku reer yahay Maamulaha Dahabshiil,waxaana laga soo qabtay gurigiisa oo ku yaal Breda”
Ninka Dahir Alasow u hanjabay wuxuu qirtay dhamaan dimbiyadii hanjabaada iyo sababta ku qasabtay.
Qareenada uu watay Dahabshiil waxay doonayeen inay Maxkamada dhexdeeda ka shidaan Muuqaal Power point Screen laakiin  ninkii hoowshaas u qaabilsanaa dibada ayaa loo eryay.
Abdirashiid Dahabshiil waxaa dhegaha ugu jiray qalabka lagu wada xiriiro,waxaa dhabarkiisa fadhiyay Lawyer kala yimid Ingiriiska,waxaa Warbixinta u turjumayay haweeneey turjumaanad ah.
Lawyerada Waagacusub oo hadleysay halsaac,soona bandhigeysay Cadeeymo ay kula xiriirisay  Dahabshiil in lagu hayo,dukumiintiya cajiiba iyo warbixin ka kooban shan iyo toban bog.
Doodii labada Lawyer markii ay socotay laba saac iyo bar ayuu Qaadigii Maxkamada Suįalo ula jeestay Maamulaha guud ee Shirkadda Dahabshiil Abdirashid Mohamed Duale ,wuxuuna weydiiyay sababta uu Wariye Alasow iyo Warbaahinta madaxabanaan ugu oogay dacwada.
Maamulaha Dahabshiil wuxuu yiri ” Dahir Alasow wuxuu dhaawacay sumcada Shirkadeena ,warbixinada uu naga qorayna waxay sababeen inaan macaamiil badan weyno iyo in Hay”adahii UN-ka naga tagaan,wararka Internet kuma qorin kaliya ee wuxuu Emailo badan u diray Beesha Caalamka sidaas darteed waxaan rabnaa inuu intaas noogu ekeeyo”
Qaadiga Maxkamada ayaa ku yiri ” Waxa uu qoraya ma runbaa mise waa been”

Abdirashiid wuxuu ku jawaabay ” shaqo kuma lahin argagixiso ,mana maalgelino,sidoo kale anaga Saado Cali inaan dilno lacag kuma bixin,lamana rumeysan karo hadalada Saado waxay ka soo horjeedaa qadiyada Somaliland maxaa yeelay waxay taabacsan tahay jabhada Khaatumo State”

Qaadiga Maxkamadda ayaa Abdirashiid Dahabshiil ku yiri ” Mareykanka xitaa waxaa ka jira Warbaahin la yiraa Tabliod Media hadii uu sidaas yahay maad iska dhaaftid ,maxaad wax beena uga gubaneysaa maxaase kugu qasbay inaad Loobisteyaasha Bell Potinger siisid lacag dhan nus Milyan Pound ,maxaad qarineysaa “?

Abdirashiid Dahabshiil ayaa hadalka qaatay oo yiri ” Waxaan doonayaa in Dahir Alasow sida Saxaafadda Holland wax u qoro oo sharciga Holland ku dhaqmo”
Qaadiga Maxkamadda ayaa Abdirashid u riyaaqay wuxuu dhahay taas waa war wanaagsan ,hadii aan kuu sheego sharciga Holland wuxuu dhigayaa in Warbaahinta xor tahay,waxay rabaana sheegi karaan,dadkuna sideey doonaan u hadli karaan.
Lawyer-ka Dahabshiil ayaa hadalka qaatay wuxuu dhahay ,waa qalad sida Abdirashiid uga jawaabay Suįashaas.
Qaadiga Maxkamadda ayaa ku dhahay lawyer-ka Dahabshiil ,adiga jawaab kuuma furna waxaan rabay inaan Milkiilaha dahabshiil su”aashaas jawaabteeda ka helo.
Abdirashid Dahabshiil ayaa hadalkii qaatay wuxuu yiri ” Somaliland ayaan ka soo jeeda waana meesha kaliya ee Nabada Somalia sidaas darteed anagu argagixiso maahin”

Lawyerada Waagacusub ayaa hadalkiisa ka jawaabtay waxayna tiri “Somaliland nabad maaha waxaa lagu dilay boqolaal rayid ah,waxaana lagu xiray Wariyeyaal badan”
Qaadiga ayaa u jeestay Dahir Alasow wuxuu ku dhahay ” Cadeeyn ma u heysaa in Dahabshiil argagixisada la shaqeeyso”
Dahir Alasow ayaa ku jawaabay” Anonymous ayaa jebisay Database-kooda waxaana ka dhex helay 51 Nin oo ka tirsan ragga Al-Shabaab ugu caansan,waxaa uga furan Accounts ku furan magacyadooda maxay ugu fureen,waxaan sidoo kale soo qaadanayaa amarkii Al-Shabaab ka soo baxay ee Xawaaladaha lagu faray inaysan Dowlada u furi karin Accounts iyaga iyo Hay”adaha UN-ka laakiin Dahabshiil waa u fasaxeen ? maxaa loogu fasaxay hadeeysan xiriir kala dhaxeyn ama la shaqeeyn”

Dahir waxaa la waydiiyay maxaad ku tiri tacadiyo ayey geystaan oo siyaasad ayey ku lug leeyihiin ,wuxuuna uga jawaabay ”
Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland New Ucid Mr Faysal Cali Waraabe ayaan ku wareeystay Denhaag wareysi halsaac ka badan soconayay wuxuuna iigu sheegay inay lacag siisay Dahabshiil xilligii ololaha doorashada Madaxtooyada,wuxuu intaa ku deray Faysal in Xitaa Madaxweynaha xilligaan ee Somaliland lacag badan siiyeen,maxay u siiyeen lacagtaas maxaa yeelay maamulka Siilaanyo wuxuu ku duulay gobolada Khaatuma state waxay dileen boqolaal shacaba ,waxay xireen ku dhawaad boqol Wariye ,tacadiyadaan lug ayey ku leedahay maadama ay Siilaanyo maalgelisay”

Qaadigii Maxkamada ayaa xiray dacwadii Dahabshiil iyo Waagacusub ,wuxuuna yiri “Afar todobaad kadib ayey noo tahay”
Taariikhda waa markii ugu horeeysay ee natiijada kiis nuucaana loo qabto afar todobaad maxaa yeelay waxaa hore loo qaban jiray ugu badnaan laba todobaad”
Warbixintaan waxaan ka qornay dadkii dacwada ka qeybgalay ee labada dhinac.

VIDEO NEWS


Source: Fubo

3 Comments

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks