Dagaal Ciidamada Puntland iyo Shabaab ku dhexmaray Galgala

December 7, 2012 12:00 AM0 commentsViews:

Dagaal qasaaro gaystay ayaa waxaa uu maanta ka dhacay Buuralayda Galgala kaas oo u dhaxeeyay Ciidamada uu hogaamiyo wadaadka lagu magacaabo Atam iyo kuwa maamulka Puntland.

Wararka Galgala aynu ka helayno ayaa sheegaya in Dagaalka ay qaadeen Ciidamada Puntland laakiin waxaa iska caabin kala horyimid dagaalyahanada Maxamad Saciid Atam ee shabaab la midoobay.

Hubka noocyaiisa kala duwan ayaa dagaalka laysku dhaafsaday kaas oo soo  bilowday subaxnimadii saakay.

Maamulka Puntland ayaa doonaya inay ka hortagaan dagaalyahanada isku uruursanaya Galgala hasa ahaatee kuma aysan guulaysan wali.

Gawaari waday dhaawacyad Ciidamada maamulka Puntland ayaa loo qaaday Magaalooyinka ay maamulaan halka dagaalyahanada Shabaabka la midoobay ay difaacyo ay dhigteen buuraha Galgala.

 

VIDEO NEWS


Source: Fubo

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks