Daawo Video: Dhacdo yaab badan.

November 14, 2012 3:52 AM1 commentViews: 30

Laba gacal oo xiriir uu ka dhaxeeyo, ayaa u muuqda sida lamaanaha kale ee caadiga ah, hase yeeshee labaduba waxa ay soo mareen jinsi kale.

Pretty Katie Hill, oo 18 jir ah ayaa 15-kii sano ee ugu horeysay nolosheeda waxa ay ahayd Luke, wiilka korneyl ka tirsan ciidamada Marines-ka Mareykanka.

Wiilka ay hadda saaxiibka la tahay ee Arin Andrews oo 16 jir ah, ayaa isna waxa uu ahaan jiray gabar magaceeda la yiraahdo Emerald.

Labada waxa ay dhib kasoo mareen xaaladda jinsigooda markii ay caruurta ahaayeen oo la aflagaadeyn jiray.

Katie waxa ay mar walba dareemi jirtay inay tahay gabar la saara jir wiil, halka Arin uu dareemi jiray wiil la saaray jir gabdheed..

Waxa ay ku kulmeen magaalada Tulsa, ee gobolka Oklahoma ee dalka Mareykanka, markii ay u tageen qaliin jinsi beddel ah, kadibna deg deg ay isu jeclaadeen.

Katie oo marka hore wiil ahaan jirtay ayaa yeelatay naaso iyo dareen gabdheed, markii ay sii kortay.

Arin ayaa isna sheegay inuu ogaa inuu yahay Wiil, islamarkaana markii lagu dhex daro gabdhaha Iskuulka uu dhibsan jiray.

Halkan ka daawo dhacdadan la yaabka leh.

VIDEO NEWS


Source: Fubo

1 Comment

  • qofka inuu yahay Lab iyo dhadig waxaa ilaah go aan shay kahor inta uusan dhalan kahor mana jirto cid arintaasbadali karta labadaas shaqsi oo iyagu isku arka dad caafimaadqaba laakiin xaqiiqa ahaan xanuunsan waxay ahaanayaan waxii ay kudhasheen, waxaay iyagu iska dhaadhacsheen in ilaah (SWT) qaldamay oo midwalba jir uusan lahayn ilaah saaray, taasi waa warka aan damiirkalahayn ee ay reer galbeedu faafiyaan, waxaa yaq yaqsi ah in dadka warbixintaan qoray yiraahdaan labadaan qof mid walba waxuu soomaray jinsi kale, qof jinsi kale soo maray oo badali karaa majiro maxaa yeelay rabi ayaa mar hore go aanshay laakin qofku waxuu rabo buu dhihi karaa. xanuunka labadaan shaqi qabaa waxaa ladhahaa (Personality disorders) sicilmiyan ah in loo daaweeyo nasiib daro xanuunkaas oo xawli kusocda dadka caalamku waa iska indhotireen. walaalka soo qoray waxaan ku talo kusiin lahaa inuu kafiirsaday eray bixintiisa oo uu yiraahdo nin naag iska matalaya oo saaxiib lanoqday naag nin iska matalaysa, sabab taas ayaa ah waxa ay yihiin. mahadsanid.

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks