Daawo Mucjiso: Malaa’ik ka qeyb qaadatay dagaalka Suuriya!!!

October 6, 2012 8:14 AM11 commentsViews: 2698

Maalintii dagaalka Bader ee dhacay sanadkii 2d ee hijriga ayay Malaa’ktu wacdara ka dhigtay, oo ay gaaladii kufaarta Qureesheed si ba’an ula dirirtay iyadoo garab iyo hiil siineysa Muslimiinta. Qaar kamida saxaabadii Rasuulka (NNKH) ayaa arrintani indhahooda ku arkeen. Waxaa kamid ahaa aqwaashii ay qaar kamida saxaabadu dagaalkaasi ka yiraahdeen

”Waxaan arkeynay madax duulaya, oo cid jaraysa aanan loo jeedin”.

Waxaa kaloo kamid ahaa dagaalkaasi karaamooyinkii ka dhacay iyo wacdarihii Malaa’ikta ee maalintaas, in nin kamid ahaa saxaabada uu sooqabtay qafaal ahaan Nebiga (NNKH) adeerkiis Al Cabbaas bin Cabdilmudallib oo dhanka gaalada maalintaasi la safnaa. Saa wuxuu Cabbaas yiri markii Nebiga loo keenay ”Wallaahi buuna ninkaan isoo qabanin, waxaa isoo qabtay nin heybad ka muuqata oo dhar cad sita, haddana ugama dhex jeeda ragga”. Rasuulku (NNKH) wuxuu markaasi usheegey inay ahayd Malaa’ik uu Eebbe ugu gargaaray ciidamadiisa Muslimiinta.

Suuradaha Al Anfaal iyo Aali Cimraan oo labaduba si weyn uga hadlay dagaalkii Bader, ayaa qeexaya wacdarihii  Malaa’ikta ee Maalintaas, iyadoo lagu sheegay sida ay aayaddu tilmaamaysa 5000 oo Malaa’ik ah inay maalintaasi soo degeen, si ay ugu gargaaraan Muslimiinta.

Sidoo kale dagaalkii Uxud ayay si cad uga qeyb qaadatay Malaa’ikta, heer ay saxaabadii arkeen. Malaa’iktu waxay ka qeyb qaadataa dagaallada, iyadoo la jirta ama ka garab dagaallanta Muslimiinta Mu’miniinta ah ee ku taagan dhabbaha saxda ah iyo xaqa Islaamka. Waxay kala qeyb qaadataa heer la arka ayadoo ka garba dagaallamaysa ciidamada Ilaahay ee Muslimiinta, iyadoo ay dhacda xataa inay arkaan cadawga Muslimiinta.

Calaamadaha saman aakhirka ee axaadiista Nebiga (NNKH)  ay tilmaamayaan ayaa waxaa kamid ahayd dagaal Muslimiinta iyo gaalada dhex mari doono, kaasoo ka dhici doono dhulka Shaam. Nebiguna (NNKH) wuxuu sii sheegey in saban aakhirku ciidamada Muslimiintu ay noqon doonaan saddex goob, kuwaasoo uu ku kala sheegay Yeman, Ciraaq iyo Shaam. Markii la weydiiyeyna ”Kuwee baan Rasuul Alloow, kamid noqdaa”? Wuxuu ku jawaabay ”Calayka Bish- Shaam, saddex mar”, taasoo ka dhigan, ku dadaal inaad kamid noqoto kuwa Shaam.

Kacdoonna waaweyn ayaa ka billawday dhulalka Carbeed oo dhan sida aynu ognahay, dhammaantoodna Ruush iyo Shiina oo labo gaalo ah ma taageersanayd, wayna wada dhammaadeen kacdoonnadaasi, laakiin Shiinaha iyo Ruushka oo taageerayay mid kamid ah waddamadaasi Carbeed kacdoonkii ka billawday weli ma istaagin, marba marka ka daranna xaaladda waddankaasi (Suuriya/Shaam) waa sii qaraaraataa..

Ciidamada Suuriya ee Xurriyad doonka wacdaraha ay jiidaha dagaalka Suuriya ka dhigayaan waxaa kamid ah, wacdaradii cajiibka ahayd ee uu dhigay Saami Raxmuun oo ahaa qaa’idkii hoggaaminayay guutada loo yaqiinnay Al Calamayn. Gacanta bidixda ayaa waxaa kasoo gaaray dhaawac halis ah oo uu dhaqtar la galay ugu dambeynna uu ku waayay gacantiisii, saa asagoo dhaqtarka kujira wuxuu yiri ”Markay gacantan ii fayoobaato, waxaan ku laaban doonaa furimaha dagaalka”. Durba wuxuu ku laabtay dagaalkii kadib markii laga jaray bidixdii, isagoo midigta ku dagaallamaya. Waxaa caan baxay hadal cajiiba oo Saami Raxmuun uu yiri markuu furinta ku laabanayay, kaasoo ahaa ”Haddii gacanta kale xattaa ay iga go’da marna joojin mahaya dagaalka, oo afka iyo qalbigaan uga qeyb qaadan”.

Xaaladdu way darraatay, Suuriyana way barooranaysaa, dhiiggii Muslimiinta dhulka ayuu baddalay, masaajiddii waala burburiyey, Calawiyiinta waxay billaabeen inay ku jees jeesaan salaadaha, markii ay galaan Masjidka waxay salaadda xiranayaan ayagoo sigaar cabbaya, markay ka baxaanna minaaradaha ayay xabbada ku furaan. Raafiddada Iraan ciidama Majuus ah ayay kusoo daabbuleysaa Suuriyadii dahirsanayd.

Reer Shaam adkeysigay wax dheeryahiin ummadaha Islaamka, mar bay dhawaaqtay oo ay tiri ”Yaa Carabeey!!”, laakiin Falastiin baa ku qososhay. Intaa kadib gows dambeedka ayay qaniineen halyeeyadii reer Shaam, sabar bayna dugsadeen, haba ugu darraadeen waxa la xasuuqaya carruur shan sano ka yar iyo hooyooyin maskiima ahe, haddana Rabbi inuu kala xukmin doono iyaga iyo Bashaarka Mujrimka ayay maanka gishteen.

Waxbadan kama soo wareegin markii karaamooyin iyo mucjisaad Rabbaani ay ka soo dhalaashay Suuriyada Barakaysan. Horraantii sanadkan ayaa mar Bashaar uu ka jaray biyaha iyo korantada shacabka reer Shaam (Suuriya) waxay sare u taageen gacmaha iyagoo oranaya ”Allahayoow!! biyahaagaan uga kaaftoonnaa biyaha Bashaar”, saa daqiiqado yar gudahood roob baa dhan waliba is xiray, oo waraabiyey wax ka yar shan daqiiqa gudahooda.

Waa tan junuuddii Ilaahay (Malaa’ik) ka qeyb qaadanaysa dagaallada Suuriya oo si waadix ah loogu arkay luuqyada iyo shaarica Suuriya. Goor uu shahiiday mid kamid ah shacabka ama aan dhahee ciidamada xorta ee Suuriya, oo dadku ay kari la’ yahiin inay xabbada dhexdeeda kasoo qaadaan ayaa waxaa meel derbi dhinac waxaa kasoo baxay nin dhalin yara ah, oo wada dhar cad sita. Durba wuxuu isku soo beegay halkii uu meydka yaalay, isagoo usocda sida nin xaalad amni ku jira, oo aanan haba yaraatee dareemeyn inuu dhex maraya meel xabada ka dhacayaan. Siduu usoo tallaabayay ayuu dadkii kale uga hor maray meydkii Shahiidka, oo inta labada gacan ku qabsaday misna udhiibay gacanta midigta, oo hal gacan ku qaaday isaga dhan.

Subxanallaah!! meyd shaqsi ayuu hal gacan ku qaaday isagoo aanay ka muuqan in wax culaab ah (culays) ay ku hayso qaadiddiisa. Si degen buu ula tallaab qaaday meydkii ilaa uu ku simay dadkii dhanka kale joogay, markuu udhiibay kadibna waala waayay sida ay sheegeen dadkaasi. Culimada Suuriya iyo waddamada Islaamka oo arrintaani ka hadleen waxay sheegeen inay tahay Malaa’ikta Raxmaanka oo usoo degtay si ay ugu bishaareysa kheyr iyo nasri uguna gargaarta shacabka dulman ee reer Shaam.

Dhacdadan ayaa dhacday bartamihii sanadkan aynu kujirna.

Halkan ka daawo Mucjisada Malaa’ikta.

Qeybta 1-aad

Qeybta 2-aad

WD: Mohammed Dahir Abdi, Xafiiska Caasimada Online, Finland
Email: mohamed1@live.fi
___________________________________________________________
Afeef: Qormadani waxay u gaar tahay qoraha iyo webka caasimada.com, lama daabacan karo idan la’aan.

11 Comments

  • taasi wax dabiici ah maaha malaaigtu waa ugargartaay muslimiinta soomaaliya dagaalo badan oo kamida sida dagaalkii dayniile markaa ilaahay haugargaaro muslimiinta meelkasta oo ay joogaan walaalayaal

    • marka hore wax walba wey dhicikaraan lkn ilaahey ayaa og in ninkaas uu mala’ik yahay iyo inkale teda kale qofkan dhahaayo dagaaladii dayniile ookale wey kaqeyb qaateen mala’ikta war ilahey kacabso somaliya iyo kan suriya waa kaaf iyo kala dheeri wax diin udagaalamaayo majiraan somaliya ee ilaahey halaga cabsado dhiiga muslimiinta yaan labaneysanin

  • QORAAGA WAXAAN DHIHI LAHAA ISLAAMKA HAKALA SAARIN WAX SUNI IYO SHIICO LA DHAHO MAJIRTO ISLAAMKU WAA MID REER GALBEEDKA AYAA MUSLIMKA KALA SAARO CALAAWIYIINTUNA WAA DAD ISLAAM AH TAN AAD TIRI IYAGOO SIGAAR CABAYA AYAY SALAAD GALAAN WAR NINYAHAW BEENTA ISKA DHAAF ILAAHAYNA KABAQ SOMAALI HADAAN NAHAY SHIICADA QALAD BADAN AYAAN KA FAHAMSANAHAY QOF INDHIIHISA KU ARKAYNA NAGUMA JIRO AQPON LA’AAN AYAA NAGA HAYSO DAD BAA SIDAA YIRI WAX LAGU SHEEKEYO MAAHAN RASUULKEENA WUXUU YIRI DIINTA WAXAA U GARGAARI DOONA FAARISIYIIN MARKA DADKAAS SEED GAALO UGU SHEEGI ANIGU WAAN TAAGEERSANAHAY BASHAAR AL ASAD WAXAANA KU JECLAADAY REER GALBEEDKA AYUU NECEBYAHAY WUXUU TAAGEERA XISBULLAH XAMAAS IYO ISAGOO DAWLADA IIRAAN SAXIIB LA AH INTAAS AYAY REER GALBEEDKU KU NECEEN
    XISBUL BACAS HALKA UU KU HARAY WAA SIIRIYA

    • saaxiib shiicadu waakuwa qulufaa u raashidiinta illaahey iyagoo nool janada u balan qaaday habeen iyo maalin inkaaraaya oona caynaaya waakuwa habeen iyo maalin caaisha oo u dhaxadey suubaneeheene muxamed naxriis iyo nabad gelyo ala hasiiyee aflagaadeynaaya marka shiicadu waa qoom uu nabigeena nooga dar daarmey ee afkaaga cesho bro intaadan hadlin waxay yihiin soo baro

    • Calaawiyiinta maaha muslim.

    • intadan dhihin dadba been shegaya horta youtube ka gal sigaar ayago cabayo masajidkey galeen aya kudhaami lahayd hadad arki lahayd cidamada bashar wexey wiil maskin aho ayso qabteen kuleyihin dheh ilahaygaygu wa bashar al asad marku diidana asago nool wa hada nool yaah ayay inta god uqodan duugayan wiilki o nool markasey weliba kusileyihin waxad dhahda laa,ilaha bashar al asad markasu inta ooyo leyahay laailaha ilalahu maxamada rasululaah saas asago leh ayayna duugen wiilki asaguna ashahadadi wado kuwasa muslim ah ilahow anan oran ilahayba lajirayo musliminta siiriya dhibatada dumarka iyo caruurta ay qabana kasarayo kana abal marin doono bashar kaas allaha cadab ifka ogukeno shiico kula dadmahan ninka qulufa urashidiyinta cayayo o xaaska nabi muxamed scw caynayo sidebad udhahda wa ila muslin calawiyin iyo sheeco ifka lagu cadabaya aqiiro intan lagarin allahana kajaseeyo dhibataday muslimka af iyo adinba ugeysanayan

  • Halkaa waxaa ka muuqda in alshabaab yihiin shayaadiin cadaawad qabiil loo sameeyey oo dad neceb dad soomaliyeed ay khaasatan dadka daaroodka loo yaqaan sidaasa keentey inaan malaaig iska daaye bisadi loogu soo dirin in qabiil ay u joogeen kismaayo waaka oo markii la caydhsaday oo ay qabsadeen dadkii lahaa qayladu ilaa xamar laga seexan layahay sidoo kale soomaliland iyana lagama hadlo gardarada iyo dulmiga ay ka wado deegaanada SSC (sool, sanaag iyo cayn) laakiin waxan hubaa markay qabsadaan dadka leh in hadana xamar iyo raadioga voa iyo bbc aan laga joogi doonin marka ma malaaig ba u hiilinaysa qabyaalad kitaabka ale jildi looga dhigay weeye.

    WALEE GUULI IDINKA DHEER

  • dal Jirka dahsoon

    horta adinka mise aniga qofna m ogin ninkaaas aan aragnay waxa uu yahay lkn waxaad mooda wax mucjisa iney yihiin wayo nin weeeyn ma jiro ama wa yaryahay qofka halgacan ku qaaadi kara lkn alahu yaclam
    mida kale qoraaga waxn oran laha
    war niyohow suriya ma jogtid, wan daremi kara sameynta ey kugu yelatay vidioga dawashadisa sida anigo kale lkn ha dagdagin yuna ku qadin hami ah ineey dadka wada saxsan yihin o maba la joogno o wararkooda tv yada uun baan kala socona marka daji qoralkaada hana ku muteeysan dambi
    hadalada ila qaldan ood ku hadashay waxa ka mid ah
    rafidada iran cidama majus ah ayey ku so dabulayaan > cidanka iiran ma majuusiyiin ba?
    waayo waan wada ognahay wadanka kaliya ee ciidan ka joogo xaga wa IRAN
    so lagama yabo in USC o kale ey yihiin
    wayo USC alahu akbar bey lahaayen
    dhigi musliminta daaatay dhan walba
    wadankii bey burburiyen
    hadaba qof walbooow ka fiirso waxa aad bulashada u so gudbineyso

    umada reer suriyana waxaan leeyahay is daaaya oo wadankiina darteed isku daaya
    sharaftiina darteed isku daaya
    diintiina darteed isku daaaya
    hadaad intaa isku deeyn weeysan alaah dartiiis isku daaaya

    FG: Aniguba asal ahaan usc dadkeeygu wu ahaa lkn ma taagersanen mana tagersani anigo degan iyo dadba aha
    marka tusalaha yan xuman la i fahmin thnks

  • Shiicadu sabab ta’wiil bay sheegaan ay ku naceen khulafaada laakin waa muslimiin sidoo kale alshabaab sabab ta’wiil bay sheegaan ay soomaalida jimcada iyo salada laga waynin ayku tilmaamaan murtadiin,sidookale lama oran karo alshabaab waa gaalo sababtoo eh dad muslin bay ku tilmaameen gaalo, nabigana wuxuu yiri qofkii muslin yiraahda gaal isagaa gaal ah

  • calawiyin niman aqoon baa amana, shiica niman garanay baa muslim moodo,wlh aniga lasoo dhaqmay oo kala aqane ya i weediiya, shiicada wexey ka xun yahiin yahuuda iyo amerikanka. Wa dad caya xasaska nebiga csw, iyo abuabakr iyo cumar iyo cisman iyo cali iyo asxabta nebiga, waa umad loogu talgalay in lagu baabiya umada islamka siiba sacuudi o iska hurda iyo wadamada khalijka, hasan nasrulahiga lubnan e shiiciga e la modo in israiil necebyahay wuxu xiriir laleyahay usa, ma aha wax an iska leyahay lakin wa xaqiiq jirta. ilahow umada ka qqaba faasiiqiintas

  • subxanalaah lkn waxaad iska dhaaftaan lama abaalka iska daaya yaan idiin oran lahaa

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks