Caqli xumada gaalada oo mareysa in Daashada MAAYA ay sheegeyso in adduunka rogmayo 21 December.

December 4, 2012 6:00 PM9 commentsViews: 9

Quraanka kariimka ah sida kutubtii kale ee ka horreysay, wuxuu noo sheegay in maalin maalmaha ka mid ahi ay dunidani kharribmi doonto, nolosha dusheeda ahina ay idlaan doonto, dadka iyo jinkana dib loo soo noolayn doono si loo xisaabiyo, loogana abaalmariyo wixii shar iyo khayr ahaa oo ay faleen.

Sidoo kale, wuxuu noo sheegay in ogaanshaha maalinta qiyaaha dhici doonto in ay ka mid tahay 5 waxyaalood oo Eebbe u gaar ah, afka carabigana lagu yiraahdo “Mafaatixulgeyb” ama furayaasha waxa cillan oo cid ogaan kartaa aysan jirin.

Maalintaas waxaa degdegsada kuwa aan rumaysnaynin, kuwa aaminayna way ka baqaan, waxayna og yihiin inay dhab tahay. Sidaasoo ay tahay, haddana waxaa facebuugga ka bilowday abaabul xaflado loogu talagalay dhammaadka aduunka oo ay wadaan kooxo ku saamoobay saadaashii reer Maaya ee dhammaadka aduunka Disembar 21 2012. xiliga 11:11i Utc ama 14.11 xilliga Muqdisho.

Taariikhda kor ku xusani, waxaa soo afmeermaayo wareegga shintiriska Maaya (Mayan Calendar) oo soo socday muddo dhan 5,125 sannadood, soona bilowday 11-gii August 3114 dhalashadii Nabi Ciise ka hor.

Dadka reer Maaya oo ahaa hunuudda cas (red indians) dadka reer Muqdishana u yaqaanaan Cali Beesteen, kuna noolaa bartahama qaaradda Maraykanka,waxaa laga yaqaan wax aan badnaynin waxayse lahaayeen ilbaxnimo, kuna fiicnaayeen xisaabaadka, xiddiga, aqoonta iyo xiddigsiga intaba (astronomy and astrology).

Hase yeeshee, dad fara badani waxay rumaysan yihiin in dhaqaankaan hore ay ku qarsoon tahay aqoon u suuragelisay inay sii saadaaliyaan dhammaadka adduunka. Waxaa jira dhawr aragtiyood oo laga aaminsan yahay inay sabab u noqon doonaan burbur ku yimaado dunidaan, waxaana ka mid ah tan sheegeyso in isweydaaran doonaan cirifta waqooyi iyo tan koofureed ee dunida (Northe South Polar Shifts). Taasoo dhib keeni doonto.

Aragti kale waxay leedahay waxaa isku soo aadi doono qorraxda iyo godka madow Black Hole ee loo yaqaano (Sagitarius A) kuna yaallo bartamaha diilin caanooddaa, isjiidashadooduna uu halaag ka dhalan doono.

Qaar kalena waxay qabaan in meere lagu magacaabo: X ama Nibiru uu sammadda ka soo dhici doono, kaasoo sababi doono khasaare ballaaran.

Sida hadalhaynta saadaashaan ay u faaftay waxay keentay inay ku lug yeelato Wakaaladda Sahminta meerayaasha ee Maraykanka tasaoo baaritaan samaysay kaddib markii barteeda internet su,aallo lagu tubay, waxayna sheegtay in uusan jirin wax meere ah oo cirka ka soo socdo ama isku aad meerayaal (Planetary aligment).

Isweydaaradka cirif waqooyi iyo kan koofurana xilligan aysan dhici karin inkastoo taasi ay dhacdo 400.000 sannadoodba mar wax dhib ahna aysan u keenaynin nolosha adduunka, 21ka Disembarna ay ahaan doonto maalin caadi ah.

Hase yeeshe warbixinta Nasa ma qancin kuwa rumaysan saadaasha Maaya ee dhamaadka adduunka, kooxo isku magacaabay Surviva  Groups oo aaminsan inay ka badbaadi doonaan ayaa facebuugga ka bilaabay abaabul xaflado ay dhacdadaasi u sameeynaayaan.

Koofurta Galbeed ee dalka Faransiis buur ku taallo oo la sheegay in ciddii tagto ay ku badbaadi doonto, waxaa isku gadaamay Boolis si ay dadka uga celiyaan.

Adduunyada nin nooloow maxaa aragti kuu laaban?

W/Q: AHMED MOHAMED AHMED

9 Comments

  • KKKKKKKKKKKKKKK ALLA GALADU AQLI XUMAAA

  • Mukaram Kaafi

    Aniga maalintaas waxaan rabaa inaan arooso si aan nolol cusub u bilowdo una beeniyo waxa ay gaaladu soo maleegatay inshaa Allah

  • halkan lgu soo kobi karin lo noqda cantara baqshta ad wadan ban lenahy gaalada ,saacada qimahana calaamul kubraa ba ka horeeso xata calamdahs dajaal iyo dabadi iyo iyo ,,,,, hadi ay imadaan cid sheegi kartaa ma jirto , waxana udalil ah ssido kale xadisski arbacinka ee aha jibril marku nabiga cssw u yimid asagoo qof asagoo nin caadi ah iska so dhigay wuxu waydiiyay jibriil i iga waran isslaamka , iimanka ,iixsaanka intaba uu ubayaniyay nabiga csw lkn marki la waydiiyay saacda wuxu ku jawaabay rasulka salalaahu calyhi wasalam ( kan la waydiinayo ugama cilm badna kan wax waydiinayo) ALLAHU AKBAR wa arin ALLE u kali ah maaikta jibril ba ugu fadli badn wana sxbl waxy ,nabigana csw waaba dhamaan wixi la abuuray bu ugu khyr badn yahy uguna fadli badn yahy waana waana sxb shafca , hady 2 doodi garn waayeen maxaan ognahy anaga!!!! kuwaas warkooda in la wad wado mahn baa ila haboon wax ka soo qadna malahn ,waxana ku daraayaa qofka markuu dhinto qiyamihisu wuu dhcay ,yacni wax uusigayo danbe malahn isa soo sarka mahne , ALLAE hana oofsado anagoo muwaxidiin ah ,oo ALLAE cabudayno kaligiis amiiiiiin

  • halkan lgu soo kobi karin lo noqda cantara baqshta ad wadan ban lenahy gaalada ,saacada qimahana calaamul kubraa ba ka horeeso xata calamdahs dajaal iyo dabadi iyo iyo ,,,,, hadi ay imadaan cid sheegi kartaa ma jirto , waxana udalil ah ssido kale xadisski arbacinka ee aha jibril marku nabiga cssw u yimid asagoo qof asagoo nin caadi ah iska so dhigay wuxu waydiiyay jibriil i iga waran isslaamka , iimanka ,iixsaanka intaba uu ubayaniyay nabiga csw lkn marki la waydiiyay saacda wuxu ku jawaabay rasulka salalaahu calyhi wasalam ( kan la waydiinayo ugama cilm badna kan wax waydiinayo)

  • ALLAHU AKBAR wa arin ALLE u kali ah maaikta jibril ba ugu fadli badn wana sxbl waxy ,nabigana csw waaba dhamaan wixi la abuuray bu ugu khyr badn yahy uguna fadli badn yahy waana waana sxb shafca , hady 2 doodi garn waayeen maxaan ognahy anaga!!!! kuwaas warkooda in la wad wado mahn baa ila haboon wax ka soo qadna malahn ,waxana ku daraayaa qofka markuu dhinto qiyamihisu wuu dhcay ,yacni wax uusigayo danbe malahn isa soo sarka mahne , ALLAE hana oofsado anagoo muwaxidiin ah ,oo ALLAE cabudayno kaligiis amiiiiiin

  • AXMEDOW lol ugaas buurta faransiiska yaan lagaaga hor marin lol

  • Awalan Asc dhaman walalaha Musliminta ah horta waa yaab dunidan wax walbo waa arkeysaa lkn anaga ahadan nahay Muslimin ka hor aduun gadoonka waxa nalo shagay calamado badan oo tan ugu weyn tahay inuu dunidan imaan doono Masiixu Dijaal oo illahnimo shgan dono subxana allah ka dibne waxa ALLAH so dajin doona oo dib ugu so oaban dono koonkan Nabi Cisse cs asaga ayana dili doono sax marka anaga taas aan aaminsanahay lkn galada iyo cawanta wax yaalo kale ayey u tariq racan horta ma fcno aa la dhahay waxa riyo ku arakto haday tahay wax xun in la shego wlh ne aduunka gadoonkisa dadkan aminsan ee 21 dicember dhahay manta igu horeyso hadana mudo laga joogo 2 isbuuc melahas ayaan haben habenada ka mid ah ku riyooday cirka oo dhagaxan ka so dhacayan dadkuna yaban yahay ugu dambeytiina wax sidii meero cml ah siiba meraha markii ey quraxda si dheceyo la arko gadudkiisa yaa hadana so dumaayo oo ku dhacayo qarado naga fog jog weyn ayaana maqleyna balse xiligas aan riyonayo jawigu wuu kacsana markina hurdada waan ka bogay oon waa cuudu bilaytay balse ani arintan mid aanba si xun ula yabay shekadan aa so qorteen dad aminsan in meero so dhici doono shaki badan ayaan galay marka subxana allah wax walbo wa dhacan lkn INSHA ALLAH iilah hanaga dhigo kuwii KHEYRKA xagiisa mara waayo wa arakten dhul garir aa dhcao umad ayaana lagu halaga baraf xun aa dhahco europtaan hadana dad wa dhintan dadna wa dhashan laga yabee iney tahay wax dhici karo o halag ah lkn aan ehen aduun gadoon mana ficno cilmi qeybka so marka ILLAH hana bad baadsho

  • Kkkkkkk amisomta dowlada ay wadato wa dad waxas aminsan.galadan xolaha aya dhaama

  • SAcdiyo iyo cabdulaahi mohamud ma isku hal qof baa? waa maxay qoraalka isku midka ah. lol

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks