C/xakiim Fiqi oo ka warbixiyay safar uu ku joogo Baydhabo

January 3, 2013 12:09 AM0 commentsViews:

Baydhabo (Caasimada Online) Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdixakiim Xaaji Maxamuud Fiqi oo ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa ka warbixiyay safarkiisa.

Wasiirka ayaa sheegay in Baydhabo uu u joogo siddii uu soo arki lahaa ciidamada dowladda ee halkaas ku sugan iyo siddii mushaar loogu bilaabi lahaa ciidamada.

Wasiirka ayaa shaley meel fagaaro ah kala hadlay dadka ku nool Baydhabo, isagoo u sheegay in looga baahan in ay qayb wayn ka qaataan nabadgalyada iyo ammaanka magaalada.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dowladda ay garab taagan tahay dadka ku nool Baydhabo, maadama magaalada laga saaray ayuu yiri Al-Shabaab oo dhib badan ku hayay dadkii halkaas ku noolaa.

Wasiirka ayaa sheegay in ay qiimeen doonaan xaallada ammaan ee magaalada Baydhabo, isagoona intaas ku daray in ciidamada dowladda ee ku sugan halkaas loo bilaabi doono mushaarka.

Wafdiga wasiirka gaashaandhigga ayaa xaley ku hoyday Baydhabo, iyadoo lagu wado inay la kulmaan saraakiisha ciidamada iyo maamulka gobalka.

Waa markii ugu horreysay oo wasiirka gaashandhigga uu booqdo Baydhabo tan iyo markii xilkaas loo magacaabay.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilaabeysa in mushaar toos ah la siiyo ciidamada dowladda, maadama isbaarooyinka yaallay Muqdisho la qaaday, walo meelo qaar la sheegay in dib loo soo celiyay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Tags:

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks