Kenyan hor leh oo gaaray Gedo

Ciidamo lagu soo tababaray dalka Kenya ayaa waxaa lagu soo Waramayaa inay gaareen qaybo ka tirsan Gobolka Gedo oo ay ku dagaalayaan Shabaab iyo Dowlada.

Ciidamadan cududooda ay badan tahay ayaa la sheegay inay gaareen deegaano badan oo gobolkaas ka tirsan Sida Dhamase,Ceelcade iyo Buusaar.

Saraakiisha Dowlada Soomaaliya oo warbaahinta ugu warbixiyay Ciidamada Soomaaliya ee Kenya ka yimid ayaa sheegay in ciidankaan ay sugayaan kuwa kale oo iyaga imaanaya todobaadkan gudihiisa.

Mar lawaydiiyay ujeedka Ciidamadan ay u yimaadeen Gedo ayay sheegeen inay qaadayaan dagaal ka dhan ah dagaalyahanada Al-shabaab.

Saraakiisha Dowlada iyoKenya ee jooga Gobolka Gedo ayaa daboolka ka qaaday inay Shabaab  ka saarayaan Gobolkaas oo dhan meelaha ay joogaan Sida Baardhaare.

 

0 thoughts on “Kenyan hor leh oo gaaray Gedo

  1. Halaga sifeeyo Alshabaab wadanka oo dhan waa codowga somalida iyo cadowga Ilaaheey Alshabaab muslim ma’aha Nacalaa ku taalo Yahuud ayagaa nooga xun walaahi

Leave a Reply