Ciidamada Huwanta oo gudaha u galay qaybo kamid ah degmada Jowhar.

December 7, 2012 12:00 PM0 commentsViews:

War goordhow naga soo gaaray Degmada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegay in magaalada ay ka jirta haatan kala orod iyadoo dabaabaadka ciidamada Dowlada iyo Amisom ay Weerar ku qaadeen.

Ciidamada Huwanta oo saakay ku jarmaaday Jowhar ayaa waxaa ay gaareen afaafka degmada.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Amisom iyo Dowlada ay joogaan deegaanka Boorow oo ah halka magaalada laga galo.

Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay intaa ku darayaan in ciidamada huwanta oo labo dhinac ku socda qaarkood dhinaca beeraha ay ka galeen oo ay ku jiraan gudaha magaalada halka kuwa kale ay marayaan haatan wada magaalada gasha.

Dadka Jooga magaalada oo aan la xiriirnay ayaa waxaa ay inoo sheegayaan in kala carar uu socdo Shabaabna magaalada intooda badan ay joogin.

Waxaa laga yaabaa in goordhow ay guud ahaan ay la wareegaan magaalada.

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks