Cayil iyo Caato midkii aad tahayba, qormadan aqri (Fadlan)

October 20, 2012 12:10 AM4 commentsViews: 2371

Siyaabaha Miisaankaaga loo maareeyo

In aad si xaad dhaaf ah u cayisho waxay halis weyn kuu gelineysaa dhibaatooyin caafimaad sida dhiig kar sare, sonkorow iyo wadne xanuun. Kala doorashooyin caafimaad samee maalin walba halkii aad marna cunto cuni lahayd marna iska joojin lahayd.

Si tartiib ah u luminta 227 garaam – 1 kiilo toddobaadkiiba ayaa ugu wanaagsan. Haddii aad miisaan badan si deg deg ah u lumiso, badanaa cayilku dib ayuu kuugu soo noqonayaa.

• Cuntooyin ha ka boodin. Maalinta ku billaabo quraac caafimaad leh. Cunidda ugu yaraan 3 cunto maalin kasta waxay jirkaaga ka caawinaysaa inuu helo tamarta uu u baahan yahay waxayna kaa celinaysaa baahida.

• Xakamee cabbirka qaybtaada. Isticmaal saxan yar isla markaana qaado xaddiyo yar oo cuntooyin kala duwan ah. Ilbiriqsiyo ka dib ha ku noqonnin.

• Cun markaad gaajooto. Ka fogow in aad cunto u cunto in aad isku dejiso, ama in aad caajistay ama diiqootay awgeed. Soco ama wax aad ku raaxaysato samee.

• Qor cuntada aad cunto oo dhan. Ku soo dar nooca cuntada, xaddiga iyo waqtiga aad cuntay. Tani waxay kaa caawinaysaa in aad noqoto mid aad ula socda si markaas aad u awooddid in aad si fiican u maareyso cunto cunkaaga.

• Jir dhis samee. Ka soo hubi takhtarkaaga ka hor inta aadan billaabin jir dhis joogto ah. Noqo mid aad u fir-fircoon adigoo jaranjarada qaadanaya ama baabuurkaaga meel fog soo dhiganaya. U qasad in aad jir dhis sameyso 1 saac maalin walba, ugu yaraan 5 maalmood toddobaadkii adigoo sameynaya hawlaha sida socosho, bushkuleeti fuulid, dabbaalasho, orod iyo meel sare fuulid. Fasallada lagu barto jir dhisku way ku caawin karaan.

• Iska xaddid sonkorta iyo mac-macaannada. Iska xaddid cuntada ay ku jirto sonkorta lagu daray sida mac-macaanka, doonaatka, buskudyada iyo nac-naca. Kuwaani waxay leeyihiin kalooriyo fara badan iyo nafaqo yar. Cabitaannada u isticmaal macaaneeye macmal ah halkii sonkor aad ka isticmaali lahayd.

• Biyo cab. Dadka cabba biyo fara badan waxay u badan yihiin in ay lumiyaan miisaan badan. Cab 6-8 koob oo biyo ah maalin kasta.

• Ka taxaddar marka aad dibedda cunto ka soo cuneysid. Marka aad dibedda cunto ka soo cuneyso, dooro maraq iyo khudrad ama cuntooyin yar-yar oo dufanku ku yar yahay. Weydiiso suugo iyo labeenta ansalaatada la marsado. Haddii qaybuhu ay ballaaran yihiin, wax ka wadaag saxan ama kala bar guriga u qaado.

• Cunto fudud oo caafimaad fiican leh. Ku raaxayso furuto aan la warshadayn, khudrad, ama garoor fudud oo aan dufan lahayn halkii aad ka cuni lahayd cuntooyin fudud oo la soo baakadeeyey. Qarjawleyaasha dufanku ku yar yahay, siiriyaalka iyo boorashku cuntooyin fudud oo fiican ayey noqdaan.

• Isticmaal dufan yar marka aad cunto karineyso. Dub, bir iyo dhuxul ku dub, sol, ama uumi ku kari cuntada halkii aad ka shiili lahayd. Baruurta iyo maqaarka ka jar hilibka. Dufanka ka miir.

• Noqo dukaan wax ka soo iibsade caqli badan. Cuntooyinka horey u sii qorsheyso. Isticmaal taxane kana fogow dukaan wax ka soo iibsashada markaad aad gaajaysan tahay. Soo iibso furuto, miro wadajira, khudrad, cuntada badda, digaag iyo hilib caato ah. Haddii aad cunto waxyaabaha caanaha laga sameeyo, soo iibso kuwa aan dufan lahayn ama uu ku yar yahay.

Isbeddello yar-yar waxay horseedi karaan natiijooyin wanaagsan. halkaan ku waydii haddii aad wax su’aalo ama walaac ah qabtid.

Waxaa diyaariyay Xiriirka Caafimaadka Soomaaliyeed.

VIDEO NEWS


Source: Fubo

4 Comments

  • Asc, Magaceygu waa Qadar, walaal aad baan idinku mahadcelinayaa website Caasimada.com. Intaas kadib, waxaan idin waydiinayaa cabidda faraha badan ee biyaha caadiga ah (Mineral Water) ma waxay kor dhiyaan cayilka? Aniga hadda ma saa’id uma cayilni balse waxaan jeclahay in aan iska rido miisaankeyga balse waxaan saa’id u cabaa biyaha caadiga ah marka waxaad moodaa in miisaankaygu uusan is dhimeyn.

    Waad mahadsantihiin.

  • asc fadumo walalal waan mahad santihiin waxan rabab in aan indin waydiiyo arin aan ku jah wareersna nahay waxaa ahaa ruux markii horey cayilaan kadib is caateeyey hadana waxan kadib duruufo jira dartii ayaa waxu igu xawiley in aan is cayiliyo qaab meel aan ka bilaaban ma aqaan dadka qaar waxay dhahayana wax mac macaan badso iyo dufanka marka ma jirto miyaa qaab kale tan ka duwan ugu yaran waxan rbaa in aan isku dari 6 kiilo talo siin thks

  • bacda caasimda waxaa ni wedinaa inaa cayelo an raaa maxaa cunaa mise an samenaa hada waxaan ahay uf cato ah caato nimada neh waxaa iga dhigte siigada talo isiya pls inikoo mahad san

  • Asc aad ayaan idiin ku mahad celinayaa shebekeda caasimada online , magacaygu waa mohamed muse ali wllo waxan ahay qof runtii u dhashay caato balse raba inuu si yara cayiliyo waxaa rabaa inaad ii sheegtaan waxyabaha aan cuno idin koo mahad san wllo asc

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks