Caasimada Online | Isha Wararka Sugan » Xulka http://caasimadda.com Mon, 30 Mar 2015 21:07:01 +0000 en-US hourly 1 http://wordpress.org/?v=4.1.1 Dhageyso Faroole: Reer Puntland ayaa XAMAR lagu ugaarsanayaa + Jawaabtii laga bixiyey !!! http://caasimadda.com/dhageyso-faroole-reer-puntland-ayaa-muqdisho-lagu-ugaarsanayaa-jawaabta-caasimada-online/ http://caasimadda.com/dhageyso-faroole-reer-puntland-ayaa-muqdisho-lagu-ugaarsanayaa-jawaabta-caasimada-online/#comments Mon, 30 Mar 2015 05:12:03 +0000 http://caasimadda.com/?p=154528 More »]]> Muqdisho (Caasimada Online) - Inkasta oo hadal laga yaqyaqsiyoodo oo kasoo baxay Faroole uusan ahayn wax cusub oo lala yaabo, haddana marka uu u gefo dad dhibban, waxaa mudan in umadda loo sheego, lana siiyo jawaab ku habboon.

Cabdiraxmaan Faroole iyo reer Puntland, ayaa meelaha wareejinaya qubxi ah in labada nin ee ku beesha ah ee Muqdisho ku geeriyoodaba in si gaar ah loo beegsaday, inkasta oo boqolaal qof oo reer Muqdisho ah ay ku geeriyoonayaan gacanta arxanlaawayaasha Al-Shabaab.

Wareysi cusub oo uu Faroole siiyey radio uu lee yahay wiilkiisa, ayaa isaga iyo weriyihii wareysanayey waxa ay isla jiibinayeen in dadka kasoo jeeda Puntland si gaar ah loogu beegsaday weerarkii Hotel Maka Al-Mukarama.

Waa ay tixraacayeen geerida safiirkii Soomaaliya ee Switzerland Allaha u naxariistee Yuusuf Bari-Bari, oo kamid ah in ka badan 20 qof oo u badan reer Muqdisho oo lagu xasuuqay hotelka.

Weriyihii wareysiga qaadayey, ayaa Faroole afka u geliyey in Yuusuf Bari-Bari iyo dad reer Puntland si gooni ah loogu ugaarsanayo Muqdisho. Faroole oo markii hore u muuqday inuu ra’yigaas iska diiday, ayaa goor dambe wareysiga ku muujiyey in uu meelaha ka maqlay in Yuusuf Bari Bari la toogtay, laba qof oo la fadhidayna la iska dhaafay.

Hadalkaas aan salka iyo raadka lahayn ee reer Puntland ay meelaha wareejinayaan, ayaa ku tusaya dulqaad la’aanta haysa, iyo heerka ay gaar siisan tahay xaasidnimada ku jirta ay u qabaan Muqdisho iyo dadka dega.

Haddii Yuusuf Bari Bari iyo laba qof oo kale oo kasoo jeeda Puntland Muqdisho lagu dilay ay ka dhigeen in qabyaalad ay ka dambeyso, waxa ay gadaal iska mariyeen xaqiiqda ah in boqolaal reer Muqdisho ah, kuwaas la mid ah am aka heer sarreeya Muqdisho lagu dilay, haddana dadka Muqdisho oo dhibka ugu badan ee Shabaab qaba aysan marnaba soo hadal qaadin in ayaga iyo magaaladooda si gaar ah loo bartilmaameedsanayo, inkasta oo haddii ay sidaas ku doodi lahaayeen ay haysan lahaayeen caddeymo ay ku taageeraan doodooda.

Weerarkii Hotel Shamo ee Shabaab ay ku xasuuqday ardayda iyo aqoonyaahanada, waxaa dadka Muqdisho ku abtirsada ay ku waayeen wasiiro iyo aqoon yahanno badan oo ay ku jireen Prof. Ibraahim Xasan Caddow, Dr. Shaahid, Cabdullaahi Waayeel, Qamar Cali iyo jiil arday ahaa oo mustaqbal ifiyaye lahaa. Reer Muqdisho ma aysan dhihin qabiil baa nalo batilmaameedsaday.

Qaraxii tiyaatarka ee April ee 2012, waxaa dadka Muqdisho ku abtirsada uga baxay dad magac leh oo ay ku jireen hoggaamiyayaashii cayaaraha sida AUN Aadan Xaaji Yabarow Wiish iyo Saciid Mugaambe iyo shacab tiro badan oo aan waxba galabsan. Reer Muqdisho ma aysan dhihin qabiil baa nalo batilmaameedsaday.

Qaraxii Hotel Central ee February sanadkan dhacay, waxaa ku naf waayey Soomaali badan oo ay ku jireen dad kasoo jeeda Puntland, Somaliland iyo kuwa reer Muqdisho u badan sida xildhibaan Cumar Furduq iyo Caano-Geel oo madaxda gobolka ka mid ahaa. Reer Muqdisho ma aysan dhihin qabiil baa nalo batilmaameedsaday.

Intaas oo idil waxaa dheer aqoonyahannada, Injineerada iyo Dhaqaatiirta aan xisaabta lahayn ee lagu ugaarsaday Muqdisho laguna dilay. Reer Muqdisho ma aysan dhihin qabiil baa nalo batilmaameedsaday.

Muqdisho iyo dadka ku abtirsada waxa ay dagaalka Al-Shabaab ku waayeen kumanaan qof, oo dad wax gal ah ay ku jireen, haddana in maanta ayaga lagu shabadeeyo inay dadka uga yimid meelaha kale ee martida u ah ay ugaarsanayaan, waa gaf aysan u qalmin oo ay mudan yihiin in laga raali geliyo.

Ma jirto meel ka mid ah Soomaaliya, oo sida Muqdisho loogu soo dhoweeeyo qabaa’ilada aan u dhalan. Faroole oo hadda dhahaya waxaa nalagu ugaarsanayaa Muqdisho, waa ninkii billaabay in dadka reer Koonfureedka uu u bixiyey ee qaxootiga ahaa uu ka sifeeyo deegaanadiisa, haddana ma jirto cid koonfurta degan oo ka aagudatay ama dadkiisa raadsatay.

Arrimahan oo idil waxa ay ku tusyesaa sida loo kala ilbaxnimo badan yahay iyo wanaagga dadka Muqdisho iyo dulqaadkooda.

Waxaa Faroole ceeb ugu filan in hal nin oo ku deegaan ah oo la dilay uu kasoo qeyliyo, isaga oo aan wax damqasho ah u hayn boqolaalka Muqdisho lagu dilay ee qaraxyada iyo weerarada Al-Shabaab ay galaafteen. Hadalkiisa waa astaan kale oo ka mid ah naceybka iyo qabyaaladda ku fogaatay.

Dalabkiisa ah in dadka kasoo jeeda Puntland aysan tagin Xamar, waa hadal u baahan in lasoo dhoweeyo, haddiiba dhibkii dhacaba uu qabyaalad darteed dusha ugu saarayo reer Muqdsho. Xaqiiqda ayaa ah Muqdisho cidna uma baahna, ee ayadaa loo baahan yahay.

W/Q: Samatar Axmed Samatar

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

]]>
http://caasimadda.com/dhageyso-faroole-reer-puntland-ayaa-muqdisho-lagu-ugaarsanayaa-jawaabta-caasimada-online/feed/ 0
KASHIFAAD: DFS oo si dadban u bad-baadisay qaar ka mid ahaa ragii weeraray Hoteel-ka M/M http://caasimadda.com/kashifaad-dfs-oo-si-dadban-u-bad-baadisay-qaar-ka-mid-ahaa-ragii-weeraray-hotel-mm/ http://caasimadda.com/kashifaad-dfs-oo-si-dadban-u-bad-baadisay-qaar-ka-mid-ahaa-ragii-weeraray-hotel-mm/#comments Sun, 29 Mar 2015 05:00:14 +0000 http://caasimadda.com/?p=154421 More »]]> Muqdisho (Caasimada Online) - Abshir Xasan oo ka mid ahaa dadkii xiliga weerarka ku sugnaa Hotel Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho ee bad-baaday, ayaa sheegay in indhihiisu uu ku arkay Rag ka tirsanaa Maleeshiyaadkii weerarka saacadaha qaatay ku heystay Dhismaha Hoteelka.

Goobjoogaha waxa uu sheegay in isaga iyo rag kale laga soo saaray dariishadaha Hoteelka, islamarkaana raga la soo badbaadiyay laba kamid ah ay ahaayen Maleeshiyaadka qalqal galiyay Amaanka Hoteelka.

Wuxuu tilmaamay in mid kamid ah ragaasi uu gudaha Hoteelka ku dhar bedeshay islamarkaana ay ishuusu qabatay isagoo dharka kala baxaayo mid kamid ahaa dhalinyaradii ku dhaawacmay weerarka.

Abshir Xassan oo ah Ganacsade Hoteelka laga soo badbaadiyay ayaa waxa uu yiri “Walaalow Maleeshiyadu wey ka badnaayen 5-ruux waxa ay gaarayeen ilaa 8-ruux, waxa ay inta badan xooga saarayeen inay dilaan dadka ka tirsan Dowlada, aniga mid kamid ahaa ragaasi ayaa xabado iga soo daba riday alle ayaa iga badbaadiyay”.

Mar uu ka hadlaayay qaabka qaar kamid ah ragaasi ay uga baxsadeen Hoteelka ayaa waxa uu yiri “Aniga isheydu waxa ay qabatay laba kamid ah ragii weerarka soo qaaday oo kamid noqday dadkii ay badbaadiyeen Ciidamada Dowlada, mid kamid ah waxa uu watay shaati baluug ah oo uu ka siibtay mid dhaawacmay”

Abshir Xassan ayaa sheegay in Ciidamada DF Somalia ee dadaalka muujiyay in looga baahnaa in dadka la soo badbaadiyay ay meel isugu geeyaan sidaana ay ku kala soocaan balse ay taasi aysan dhicin.

Waxa uu ku taliyay in Amaanka Hoteelada, Baararka iyo Goobaha Bulshada loo madax-baneeyo Ciidamada DF Somalia, islamarkaana meesha laga saaro Ilaalada nidaamka qabiilka loogu dhiibay amaanka Hoteelka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

]]>
http://caasimadda.com/kashifaad-dfs-oo-si-dadban-u-bad-baadisay-qaar-ka-mid-ahaa-ragii-weeraray-hotel-mm/feed/ 0
Yuusuf Garaad oo xog ka qoray wixii uu ka soo bartay qabaa’ilada ku shirsan Dhuusomareeb !! http://caasimadda.com/yuusuf-garaad-oo-xog-ka-qoray-wixii-uu-kasoo-bartay-qabaailada-ku-shirsan-dhuusomareeb/ http://caasimadda.com/yuusuf-garaad-oo-xog-ka-qoray-wixii-uu-kasoo-bartay-qabaailada-ku-shirsan-dhuusomareeb/#comments Fri, 27 Mar 2015 03:00:16 +0000 http://caasimadda.com/?p=154176 More »]]> Galabta ayaan ku soo laabtay Muqdisho. Ka dib markii aan saddex maalmood soo joogay Dhuusa Marreeb, xarunta Gobolka Galguduud. Wafdi Madaxweynuhu hoggaaminayo ayaan ka mid ahaa.

Waa markii iigu horreysay ee aan tago magaalo Soomaaliyeed oo ay ciidammo Ethiopian ahi dhinac ka joogaan, kana daafacayaan wixii duullaan ku ah.

Haddii aad qormadeyda ka raadineysid Cadaado iyo Dhuusamarreeb yaa fiican kama heleysid. Haddii aad ka raadineysid hebel ayaa sidaa yiri, markaasaa hebelna saa ugu jawaabay, ku arki meysid.

Qormadani waa mid kooban oo ku saabsan waxa aan anigu ka soo bartay ergooyinka qabaa’ilka dega Gobollada Dhexe oo hadda Dhuusamarreeb ku sugan oo aan kula wadaagayo.

Waxay ii ahayd seminaar ku saabsan qabaa’ilka Soomaalida iyo sida ay u wadahadlaan dalka gudihiisa marka ay joogaan isla markaasna aan ajnabi u kala dabqaadeyn.

Waa marka hore ee ballamadu saacad ma lahan. Aan is aragno hadhow, galabta marka casarka la tukado, caawa fiidkii, berri quraacda ka dib iwm ayaa lagu ballamaa.

Dadka shirka fariisan kara iyo kuwa aan fariisan karin inta badan go’aan lagama gaaro. Marka la isu yimaado ayaa la fariistaa. Haddii shirku qabiil yahay oo bannaankaas la fadhiyo dharaar cad, qof aan qabiilka meesha fadhiya ahayni kuma soo leexanayo. Waa xeer aan qorneyn, booliis ilaaliya lahayn, cid ku dhacda in ay ku xad gudubtana aanay jirin.

Shirku wakhtiga uu leeyahay ma xaddidna ee waa mid furan. Telefoonnada codadka kala nooca ah leh ee soo dhacaya, salliga nebiga CSWS, qofka soo daahay ee soo galaya ee dhowr ruux salaamaya, sagbadda shaaha ah ee lala wareegayo, biyaha la qeybinayo, dhowr kursi oo hal nin mar looga wada istaagayo, kuraas hor leh oo la keenayo iyo qaar kale oo badan waa waxa ay tahay in dhegehaaga iyo indhahaagu ay la qabsadaan adiga oo hadalka la sheegayana u dhug leh.

Waxaa iga yaabiyay aftahammada, meel-ku-dhegga, af-adeyga, qabiilinnimada bannaanka taal, ku-jiqsiida, isu garaabid la’aanta iyo ka cadgoosiga kuwaas oo qeybta hore ee shirka oo maalin gelinkeed ama maalin dhan qaadan karta lagu lumiyo.

Iyo marka talada la helo codkarnimada, caqli wanaagga, Soomaalinnimada, aragti dheerida, Islaannimada iyo akhyaarnimada ka muuqata isla dadkii iyo isla madashii.

Waxaa kale oo aad iiga yaabiyay mahmaahyada tirada badan ee daliisha laga dhiganayo iyo tusaalooyinka hadalka lagu naqshadeynayo oo inta badan ku billowda “Waxaa la yiri…” ama “Hadda ka hor ayaa…” ama “Beri baa…” Sheekooyinkaas oo qaarkood ay aad u dhaadheer yihiin.

Waxyaabaha xiisaha leh waxaa ka mid ah in wadahadalka ay si dadban uga qeyb qaadanayaan qurba joogta iyo dad Xamar ku sugan oo daneynaya arrinta. Intaa waa la wargelinayaa, talo ayay bixinayaan, marka ay ka fursan weydana waxaa la tuhunsan yahay in ay lacag ku bixinayaan wixii kharash ah ee lagu gelayo howl fulinta – degaan, maciishad iyo isgaarsiin – xag gaadiid iyo xag telefoonba.

Waxaa kale oo aan la yaabay in saddexda wakhti ee wax la cuno ay saddexdaba cuntada ka mid yihiin hilib ari iyo caano geel.

Waxa iigu muhiimsan ee aan la soo laabtay waa in uu igu xoogeystay fikir aan muddaba qabay.

Waa in dadka Soomaaliyeed ee caadiga ahi ay dalka oo dhan ku sugan yihiin xaalado isu dhow.

Midda ka muhiimsan waa in danaha dadka Soomaaliyeed la is waafajin karo haddii Madaxdu ay daacad ka tahay, xirfaddeeda leedahay, lana timaaddo dulqaadka ay u baahan tahay. Iyo haddii meel la saaro danta siyaasiyiinta, danta ganacsatada iyo, yaanan illaawine, danta kuwa siyaasadda qudheeda ka ganacsada.

W/Q: Yusuf Garaad

]]>
http://caasimadda.com/yuusuf-garaad-oo-xog-ka-qoray-wixii-uu-kasoo-bartay-qabaailada-ku-shirsan-dhuusomareeb/feed/ 0
Sawirro iyo Video: Daawo sida caalamiga ah ee loo tababarayo ciidamada dowlada Soomaaliya http://caasimadda.com/sawirro-iyo-video-daawo-sida-caalamiga-ah-ee-loo-tababarayo-ciidamada-dowladda-soomaaliya/ http://caasimadda.com/sawirro-iyo-video-daawo-sida-caalamiga-ah-ee-loo-tababarayo-ciidamada-dowladda-soomaaliya/#comments Thu, 26 Mar 2015 01:00:30 +0000 http://caasimadda.com/?p=154068 More »]]> Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliya ayaa tababar loogu soo xeray xerada Jaziira ee ku taal duleedka Muqdisho.

Ciidamadan ayaa dhameystay tababar mudo Seddax bil socday oo lagu baranayay fulinta howlgalada qorsheysan, dib u gurashada iyo ka hortaga weerarada argagixisonimo ee gudaha magaalooyinka, waxaana tababarkan bixinayay Saraakiisha Militariga Midowga Yurub.

Ka hor inta aan la siin shahaadooyinka xirfada ay barteen ayaa waxay dhoolotus kusoo bandhigeen xerada Jaziira.
Taliyaha tababarada Midowga Yurub ee Somalia General Antonio Maggi, General C/qaadir Macalin Bacbacle oo ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia iyo Taliyaha Ciidanka Uganda ee qaybta ka ah Amisom Brigadier Sam Kavuma ayaa shahaadooyinka xirfada ay barteen guddoon siiyay ciidamadan.

General Antonio Maggi, ayaa Ciidamada Militariga Somaliya ku ammaanay in tababarka ay si wanaagsan u qaateen, saddexdii bilood ee ay ku qaadanayen Xerada Jazeera.

Midowga Yurub, ayaa Dowladda Somalia ka taageera dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida.

taba 1taba  2taba 3taba 4taba 5taba 6

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

]]>
http://caasimadda.com/sawirro-iyo-video-daawo-sida-caalamiga-ah-ee-loo-tababarayo-ciidamada-dowladda-soomaaliya/feed/ 0
Xog: Madaxa boqortooyada Puntland ee la isku haysto oo loo diidey ‘DAL-KU-GALKA’ USA !!!! http://caasimadda.com/maxaa-ka-jira-madaxa-boqotooyada-puntland-ee-la-isku-haysto-oo-loo-diidey-dal-ku-galka-usa/ http://caasimadda.com/maxaa-ka-jira-madaxa-boqotooyada-puntland-ee-la-isku-haysto-oo-loo-diidey-dal-ku-galka-usa/#comments Wed, 25 Mar 2015 03:00:18 +0000 http://caasimadda.com/?p=153930 More »]]> Ilo ku dhow dadka sida wayn, ugu dhuun daloola BOQORTOOYADA BARI ee la isku haysto, ayaa waxay sheegeen in la baajiyey xafladii loogu talo galay in lagu soo dhaweeyo madaxa maamulka BOQORTOOYADA, astaanta u noqday xukuumada Dr. Gaas.

Sida ogaysiis gaaban ee la iigu soo direy shabakada dadwaynaha u faran ee loo yaqaan FACEBOOK-ga ku cad, waxaa la baajiyey xafladii soo dhawaynta, ee dadwaynaha lagu wargeliyey in ay dhici lahayd Sabtigii la soo dhaafey, oo ay bisha Marso 21, 2015, wax sabab u ahna lama soo raacim waxa xaflada loo baajiyey.

Si kastaba ha ahaatee, sida ilaha u dhuundaloola guud ahaan, arimaha siyaasada Soomaaliya, gaar ahaana arimaha siyaasadeed ee Puntland, ay ii cadeeyeen in madaxa BOQORTOOYADA la isku haysto, loo diidey rusqada DAL-KU-GALKII – afka IGRIISKANA loo yaqaan ‘VISA’ ee uu wadanka Maraykanka ku soo geli lahaa.

Waxaase is waydiin mudan, maxay tahay sababta wadanka Maraykanka uu u diidey in uu siiyo rusqada DAL-KU-GALKA madaxa BOQORTOOYADA la isku haysto madaama uu soo maray wadamo badan oo ku yaal YURUB ‘Europe’, sida la sheegayna, uu haatan ku sugan yahay, wadanka CANADA?

Waa arin is weydiin mudan, aana ka codsanayo aqristayaasha in ay ila socodsiiyaan hadii ay jiraan cid hor istaagtey imaanshahiisa, madaama ay BOQORTOOYADU tahay mid taariikh-ahaan la isku haysto, murana ka taagan yahay cida masuulka ka ah fulinteeda.

Mida kale, dad badan ayaa ka soo horjeeda in Dr. Gaas iyo xukuumadiisa ay siyaasadeeyaan arimaha BOQORTOOYADA madaama ay tahay mid TAARIIKHIYAN muran ka taagan yahay cida leh, welina aan laga wada hadlin sidii loogu celin lahaa dadkii xaqa BOQORTOOYADA u lahaa.

BOQORTOOYADA oo dadkii lahaa looga qaadey waxa loogu yeero: ‘KHAYAANO-WALAAL’. Dhacdadaan oo loo adeegsaday ninkii dhaxalka u lahaa, dad walaalo ah, si loo dhaco. Markii dhacii uu taaba galayna, dadkii si aysan marna u sheegan BOQROTOOYADII, ayaa loo adeegsaday CARABTII ka gancasan jirtey xeebaha Soomaaliya, lahaana BOQORTOOYOOYIN xoog leh, rabayna dhaqaalaha Soomaaliya.

Ka dibna, si dadkii lahaa BOQORTOOYADA aysana mar danbe hadalhaynteeda aan looga maqlin, ayaa waxaa loo adeegsadey GUMAYSTAHII. Waxaase BOQORTOOYO ku sheegta maanta adeegsadsa madaxda DOWLAD goboleedka PUNTLAND. Taariikha ahaana, waa mid ay madaxdii DALKA iyo madaxdii soo martey Dowlad goboleedka PUNTLAND ay ka xishoon jireen in ay BOQORTOOYADA ay siyaasad geliyaan.

Mohamed-BarreWaxaa soo aruuriyey: Mohamed Barre – Junlay ‘BULUF’, qoraa madaxbanaan, waxna ka qora arimaha Soomaalida, degana Magaalada Minneapolis, MN – junlay99@aol.com

]]>
http://caasimadda.com/maxaa-ka-jira-madaxa-boqotooyada-puntland-ee-la-isku-haysto-oo-loo-diidey-dal-ku-galka-usa/feed/ 0
Abwaan Hadraawi oo ka sheekeeyey dhacdadii shalay qabsatay isaga iyo xaaskiisa (DAAWO) !! http://caasimadda.com/abwaan-hadraawi-oo-ka-sheekeeyey-dhacdadii-shalay-qabsatay-isaga-iyo-xaaskiisa-daawo/ http://caasimadda.com/abwaan-hadraawi-oo-ka-sheekeeyey-dhacdadii-shalay-qabsatay-isaga-iyo-xaaskiisa-daawo/#comments Wed, 25 Mar 2015 02:00:47 +0000 http://caasimadda.com/?p=153950 More »]]> Hargeysa (Caasimada Online) – Abwaan Maxamed Warsame Hadraawi ayaa shalay ka badbaaday daad qaaday xili safar ay ku wehliyeen Xaaskiisa iyo nin lagu magacaabo Jamaal Maxamed Warsame xili ay marayeen toga Dacar Buruq ee u dhaxeeya Berbera iyo Hargeysa.

Abwaan Hadraawi ayaa sheegay in uu aad u fiican yahay isla markaana Illaah uu ka badbaadiyay, ajashiisana ay dhineyd.
Wuxuu sheegay Abwaan Hadraawi in gaariga uu saarnaa uu la tegay daadka, iyagana si dirqi ah ay kaga badbaadeen oo dad shacab ah usoo gurmadeen.

HALKAN KA DAAWO

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com

]]>
http://caasimadda.com/abwaan-hadraawi-oo-ka-sheekeeyey-dhacdadii-shalay-qabsatay-isaga-iyo-xaaskiisa-daawo/feed/ 0
Daawo Video: Muqdisho & is-badalka habeenkii http://caasimadda.com/daawo-muqdisho-isbadalka-habeenkii/ http://caasimadda.com/daawo-muqdisho-isbadalka-habeenkii/#comments Tue, 24 Mar 2015 15:35:26 +0000 http://caasimadda.com/?p=153945 More »]]> Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa si weyn isku badashay tan iyo Labadii Sanno ee u dambeysay kadib Isbadal dhinacyo badan leh oo magaalada laga her geliyay hadii ay ahaan laheyd dhinaca Dhismaha iyo Ganacsigaba.

Muqdisho Xiliga Habeenkii waxeey noqotay sidii ay ahaan jirtay Waagii Bariisamaadkii waxeey haatan la jaan qaadeysaa Caasimadaha dunida ee nala daawo Muuqaalkani ah kii ugu dambeyay ee xili habeen ah la duubay.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA: 

]]>
http://caasimadda.com/daawo-muqdisho-isbadalka-habeenkii/feed/ 0
XOG: Derbiga KENYA ay ka dhiseyso xuduudka SOMALIA: Xaalad amni mise dhul boob cusub? http://caasimadda.com/xog-derbiga-kenya-ay-ka-dhiseyso-xuduudka-somalia-xaalad-amni-mise-dhul-boob-cusub/ http://caasimadda.com/xog-derbiga-kenya-ay-ka-dhiseyso-xuduudka-somalia-xaalad-amni-mise-dhul-boob-cusub/#comments Mon, 23 Mar 2015 23:00:44 +0000 http://caasimadda.com/?p=153835 More »]]> Kenya waxay ku dhawaaqday inay derbi weyn ay ka dhiseyso xuduudka ay la leedahay Soomaaliya si amaankeeda ay u ilaaliso ugana hortagto weeraro xuduudka uga soo gudba oo dhinaca Soomaaliya uga yimaada. Arrintan oo waqti yar ka hor ahayd mid hadal ku eg ayaa hadda noqotay xaqiiqo iyadoo ay bilaabatay howsha dhismaha Derbigaasi.

Xaaladda nabadgelyo ee sii xumaatay iyo weeraro dad badan lagu dilay oo ay sheegatay Alshabaab ayaa ka dhacay dalka Kenya gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee Soomaalidu degto, waxaana warar is khilaafsan ka soo baxeen madaxda dalka Kenya oo ciidamadooda Soomaaliya jooga aanay waxba ka qaban ammaankooda oo ahayd sababtii ay Soomaaliya u soo faragelisay Kenya.

Kuma cusba dunida in derbiyo laga dhiso xuduud ka dhaxeysa laba dal, waxaana jira sababo kala duwan oo derbiyadaas oo mashaariic waaweyn ah loo sameeyo. Derbiga ay Israa’iil ka dhistay Daanta Galbeed ee dhulka Falastiin ay ku boobtay ayaa aha midka xilligan ugu caansan derbiyada noocan oo kale ah, waxaase la soo qaadan karaa derbiga Mareykanka ka dhisay xuduudka uu la wadaago Mexico si looga hortago tahriibka dadka. Sacuudiga ayaa sidoo kale qorsheystay inuu derbi ku wareejiyo xuduudka uu la leeyahay dalka Ciraaq.

Derbiga ay Kenya ka dhiseyso xuduudka ay la leedahay Soomalaiya wuxuu uga duwan yahay dhammaan derbiyada aan soo sheegnay waxaa dhismahan uu soo baxay iyadoo Kenya iyo Soomaaliya ay dacwad ku saabsan xuduudka Badda dhex taallo, isla markaana ciidamada Kenya ay joogaan Koonfurta Soomaaliya.
Su’aasha is weydiinta leh waxay tahay sida Kenya loogu aamini karo inay keligeed iska dhisato Derbigan iyadoo horeba ay u sheegatay qeyb ka mida xuduuda badda Soomaaliya, iyadoo aanay jirin cid hubineysa inaysan ku xadgudbeynin dhulka Soomaaliya, tiiyoo aanay jirin dowlad awood leh oo la xisaabtami karta dalalka deriska ah ee u ooman inay dalka beylahda ah kala dhantaalaan.

Dowladda Kenya waxay marar badan meesha ka saartay dalabka xisbiga mucaaradka ee ah inay ciidamadeeda kala soo baxdo Soomaaliya, waxay kaloo ku guuldarreystay inay ciidamadeeda ka midka ah kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay wax la taaban karo ka qaadaan aagga ay joogaan ee Jubbooyinka. Weerarada Alshabaab iyo kooxaha la xiriira ku qaadan Kenya waxay u badan yihiin kooxo ku sugan gudaha Kenya, waxaana iska cad in Derbiga la dhisayo aanu wax weyn ku soo kordhin doonin nabadgelyada gudaha Kenya, dhaqaale fara badanna uga bixi doono, waxaase annaga noo darran inuusan dhulkeena markii horeba la qeybsaday ku xadgudbin taasoo dowladda Soomaaliya tabar kasta ha lahaatee looga fadhiyo inay hubiso arrintan xasaasiga ah.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya wuxuu caddeeyay inaysan dowladda Kenya soo ogeysiin waxna kala socon arrinta dhismaha derbiga ay Kenya dhiseyso xuduudka Soomaaliya iyo Kenya, wuxuuse sii carabaabay inay ka hadli doonaan marka dowladda Kenya ay kusoo wargeliso.

Faallada Goobjooge

]]>
http://caasimadda.com/xog-derbiga-kenya-ay-ka-dhiseyso-xuduudka-somalia-xaalad-amni-mise-dhul-boob-cusub/feed/ 0
Video: Sheekh caana oo u digay madaxda dalka http://caasimadda.com/video-sheekh-caan-ah-oo-u-digay-madaxda-dalka/ http://caasimadda.com/video-sheekh-caan-ah-oo-u-digay-madaxda-dalka/#comments Fri, 20 Mar 2015 02:00:06 +0000 http://caasimadda.com/?p=153346 More »]]> Minneapolis (Caasimada Online) - Sheekha weyn ee Soomaaliyeed Sh Maxamed Idris Axmed ayaa digniin culus u diray Madaxda Dalka Soomaaliya iyo cid walba oo doonaysa in ay Xil qabato, mar uu ka hadlayey Masjidka Abuubakar ee Magaalada Minneapolis, Wuxuuna Sheekha ka deyriyey hantida Qaranka oo la lunsanayo.

Sheekh ayaa garaacay Miiska waxaana isbadalay jawiga Masjidka isagoo ka hadlayey xog ku aadan kheyraadka uu dalka leeyahay oo la soo bandhigay isagoo mid mid u sheegay hadana dadka Soomaaliyeed ay u dhimanayaa Macluul iyo Gaajo Xilli dalka Soomaaliya ay ka buuxaan Dahab iyo Xoolo balse la doonayo in laga soo saaro.

Dhanka kale Sheekh Maxamed Idiris ayaa ka hadlay Muranka Badda Soomaaliya ee la geliyey wuxuuna ku eedeeyey dad Soomaali ah oo Masuuliyiin isku sheegaya , wuxuuna taabtay in Badda Soomaaliya aysan horey buuq ugu jirin lana yaqaano xuduudaha badda Soomaaliya ay leedahay loona baahnaa cidii dacwo qabta oo wax ka maqan ay iyada dacwooto.

Sheekha Ayaa Fariin u diray Madaxda jeebka lacagta gashanaya oo daarar waa weyn ka dhisanaya wadamada shisheeye wuxuuna farta ku goday halka uu lacagtaasi ka keenay, isagoo Tusaale usoo qaatay inta uusan xilka qaban shalay in uu wadamada hormaray uu ceyr ama Gunno uu cuno ka qaadan jiray Sanad gudahiisna uu daar ku dhistay.

Hadaba Muxaadara oo Muhiim aheyd oo hadana dheereyd ayaa ka soo qaadanay qeybta uu sida gaarka ah ula hadlayo dadka masuuliyada qaadaya iyo kuwa hada doonaya waxaadna ka daawan kartaa qeybta hoose waxana ciwaankeeda yahay ilaalinta Amaanada Sheekh Maxamed Idiris 2015.

Halkan ka daawo

Mohamed Muse Noor (Deeqdarajo)
Deeqdarajo36@hotmail.com
Minneapolis, USA

]]>
http://caasimadda.com/video-sheekh-caan-ah-oo-u-digay-madaxda-dalka/feed/ 0
Video: Cali Geedi oo shaaca ka qaaday sir in badan qarsooneyd oo la xiriirta… http://caasimadda.com/daawo-muuqaal-cali-geeddi-oo-sir-waramey/ http://caasimadda.com/daawo-muuqaal-cali-geeddi-oo-sir-waramey/#comments Thu, 19 Mar 2015 00:00:17 +0000 http://caasimadda.com/?p=153229 More »]]> London (Caasimada Online) - Ra’iisul wasaarihi hore ee Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geeddi ayaa ka xog waramey xilligiisii iyo waxyaabihii ay qabatey dowladdii KMG ee uu hogaaminayey, isaga oo iska fogeeyey inuu dad gaar ah xasuuqay, uuna lahaa go’aankii ay ciidanka Ethiopia ee Somalia soo galey. Wuxuu ka xog waraney caqabadihii maxaakiimti islaamiga iyo sidoo kale habacsanaanta hadda heysata dowladda Somalia.

Hoos ka daawo wareysi xiiso leh

]]>
http://caasimadda.com/daawo-muuqaal-cali-geeddi-oo-sir-waramey/feed/ 0