Caasimada Online | Isha Wararka Sugan » Wararka http://caasimadda.com Tue, 28 Jul 2015 04:53:26 +0000 en-US hourly 1 http://wordpress.org/?v=4.2.3 http://i0.wp.com/caasimadda.com/wp-content/uploads/2015/07/fav-image-55b02172v1_site_icon.png?fit=32%2C32 » Wararka http://caasimadda.com 32 32 Guuleed iyo Shariif Xasan oo isku mowqif ah iyo Axmed Madoobe iyo Gaas oo diiday in Muqdisho… http://caasimadda.com/guuleed-iyo-shariif-xasan-oo-isku-mowqif-ah-iyo-axmed-madoobe-iyo-gaas-oo-diiday-in-muqdisho/ http://caasimadda.com/guuleed-iyo-shariif-xasan-oo-isku-mowqif-ah-iyo-axmed-madoobe-iyo-gaas-oo-diiday-in-muqdisho/#comments Tue, 28 Jul 2015 03:45:45 +0000 http://caasimadda.com/?p=169995 More »]]> Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa wada dadaal ay doonayaan in lagu furo shirka wada-tashiga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulada dalka ka jira ee looga hadlayo hiigsiga 2016 iyo qorshaha hirgelintiisa.

Shirkan oo qabanqaabadiisa uu lee yahay xafiiska UNPOS ayaa marar hore dib u dhac ku yimid sababo la xiriira khilaafaad soo dhex galay dowladda Federaalka iyo maamulada qaarkood.

Ergeyga Q/Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay ayaa casuumaad u kala diray madaxda maamul goboleedyada si ay magaalada Muqdisho u yimaadaan shirkaasi, waxayna wararku sheegayaan in ilaa hadda ay qaadacday Puntland oo ku doodeysa in iyadoo aan la xalin khilaafka kala dhaxeeya dowlada Federaalka aanay shirkaasi ka qeyb galeynin.

Dhinaca kale hogaamiyaha Juba oo lagu waday inuu shirkan kasoo qeyb galo ayaa u muuqda inuu ka biyo diidan yahay imaanshaha Muqdisho inta xal looga helayo khilaafka maamulkiisa kala dhaxeeya dowladda Federaalka. Wadahadalkii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe ku dhex maray Kismaayo ayaan go’aan ogolaasho rasmi ah laga helin Axmed Madoobe.

Shariif Xasan Sheekh Aadan madaxweynaha Maamulada Koonfur Galbeed iyo madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ilaa hadda diyaar u ah oo la  xaqiijiyay inay ka qeyb galayaan shirka oo qorsheysan inuu Talaadada 29-ka bishan ka furmo Muqdisho, iyadoo aan la ogeyn in shirkaasi sidaas ku qabsoomi doono iyo inkale.

Madaxweynaha Galmudug ayaa shalay yimid Muqdisho isagoo sheegay in socdaalkiisu ku saabsan yahay arrimo kala duwan oo uu ka mid yahay ka qeybgalka shirka wada-tashiga ee madaxda dowladda Federaalka iyo maamulada dalka ka jira ku yeelan doonaan Muqdisho.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid aya shir jaraa’id oo uu galabta ku qabtay Muqdisho ku shaaciyay in shirka Hiigsiga cusub uu Muqdisho ka dhici doono, wuxuuna ku adkeystay in shirku dhacayo. Shirkan waxaa ka soo qeyb galaya 40 dowladood oo Soomaaliya taageera, wuxuuna muhiim u yahay hiigsiga cusub ee 2016.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

]]>
http://caasimadda.com/guuleed-iyo-shariif-xasan-oo-isku-mowqif-ah-iyo-axmed-madoobe-iyo-gaas-oo-diiday-in-muqdisho/feed/ 0
Xog: Jen. Fartaag oo laga joojiyay abaabulkii uu maamulka Jubbaland uga waday Baardheere !!! http://caasimadda.com/xog-jen-fartaag-oo-laga-joojiyay-abaabulkii-uu-maamulka-jubbaland-uga-waday-baardheere/ http://caasimadda.com/xog-jen-fartaag-oo-laga-joojiyay-abaabulkii-uu-maamulka-jubbaland-uga-waday-baardheere/#comments Tue, 28 Jul 2015 03:30:57 +0000 http://caasimadda.com/?p=169998 More »]]> Baardheere (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamulka Juba Jen. C/llaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa ku guuldarreystay qorshe uu doonayay  in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka qeyb qaatay dib u qabsashadii magaalada Baardheere loogu yeero ciidamada Maamulka Jubaland, kadib markii saraakiil iyo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda uu ku qanciyay arrintaasi oo ay si weyn uga hor yimaadeen madaxda gobolka Gedo ee taabacsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kadib qabsashadii Baardheere waxaa kala qeybsamay ciidamadii dowladda federaalka oo qaarkood ay sheegeen inay yihiin ciidamo hoos taga Jubba. Guddoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa sheegay in arrintan heshiis laga gaaray kadib markii ay qas ka dhex abuurtay ciidamadii wada socday ee mudadda dheer ahaa ciidamada dowladda federaalka.

Guddoomiyaha Gedo wuxuu caddeeyay in wadahadal dhex maray dhinacyada Gedo ku wada sugan oo uu ka mid yahay Jen. C/laahi Fartaag ay isla garteen in lagu shaqeeyo magaca ciidamada dowlada federaalka oo la joojiyo arinta Juba, isla markaana marka hore xal loo helo khilaafka ka dhex taagan maamulka Juba iyo maamulka ka jiro Gobolka Gedo oo waanwaan bilow ah la filayo inay u furanto dhowaan sida lagu soo heshiiyay dalka Itoobiya markii ay isugu tageen labada dhinac.

Wadahadalka waxaa ka qeyb galay Gen. Fartaag oo maamulka Juba ka socday iyo xubnaha dowladda federaalka metelayay oo ay ka mid yihiin Maxamed Cabdi Kaliil, Maxamud Sayid Aadan iyo Cabdi Barre Cabdi, iyadoo lagu heshiiyay in arrinta Jubba dhinac la iska dhigo.

Jen. Fartaag oo u yimid Gobolka Gedo inuu qeyb ka noqdo howlgalka Gedo ka socda ayaa hadda ogolaaday inuu marka hore la heshiiyo maamulka iyo siyaasiyiinta gobolka uu ka soo jeedo ee Gedo ku sugan inta aanu maamulka Juba isku soo dhex  tuurin arrinta Baardheere.

Isha goobjooge

]]>
http://caasimadda.com/xog-jen-fartaag-oo-laga-joojiyay-abaabulkii-uu-maamulka-jubbaland-uga-waday-baardheere/feed/ 0
CALI DHEERE “Ismiidaaminteena inay shacab ku dhintaan ma rabno, balse 1 arrin ha sameeyaan” http://caasimadda.com/cali-dheere-ismiidaaminteena-inay-shacab-ku-dhintaan-ma-rabno-balse-hal-arrin-ha-sameeyaan/ http://caasimadda.com/cali-dheere-ismiidaaminteena-inay-shacab-ku-dhintaan-ma-rabno-balse-hal-arrin-ha-sameeyaan/#comments Tue, 28 Jul 2015 03:00:54 +0000 http://caasimadda.com/?p=169950 More »]]> Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Alshabaab ayaa markale digniin usoo jeediyay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho, kaasi oo ku aadan iney ka fogaadaan goobaha ay degen yihiin hayadaha Qaramada Midoobay, Hoteelada iyo dowada Soomaaliya.

Afhayeenka guud ee Alshabaab ayaa sheegay ineysan dooneynin in dad shacab ah waxyeelo kasoo gaarto weerarada ay ka geysanayaan magaalada Muqdisho, laakiin ay uga digayaan iney ka fogaadaan dhismayaasha dowlada Soomaaliya.

“Waxana leenahay shacabka Muslimiinta ee ku nool Magaalada Muqdisho in badana waan ku cel-celinay ma jeclin inay xagtin idin kasoo gaarto camaliyada Istaashiyadada aan ka geysanayno Magaalada Muqdisho, walaalaheen waxaan leenahay ka fogaada xarumaha Dowladda, Hoteelada iyo Xarumaha UN-ka.” Ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Cali DHeere ayaa sheegay in Hotelka Jazeera u magaca uun ka yahay hotel laakiin ay degen yihiin saraakiil ciidan oo cadaan ah iyo safaarado ajaniib ah, sida uu sheegay.

Alshabaab ayaa shalay weerarkii ay ku qaadeen hotelka Jazeera wuxuu kusoo aadaayaa wax yar uun kadib markii madaxweynaha Mareykanka uu ka duulay dalka Soomaaliya deriska yihiin ee Kenya halkaasi oo markii ugu horeyay madaxweyne American ah uu yimid.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

]]>
http://caasimadda.com/cali-dheere-ismiidaaminteena-inay-shacab-ku-dhintaan-ma-rabno-balse-hal-arrin-ha-sameeyaan/feed/ 0
Sawirro: Ethiopia oo fadeexad tii ugu xumeyd ay ka raacday soo dhaweyntii madaxweyne Obama http://caasimadda.com/sawirro-ethiopia-oo-fadeexad-tii-ugu-xumeyd-ka-raacday-soo-dhaweynta-obama/ http://caasimadda.com/sawirro-ethiopia-oo-fadeexad-tii-ugu-xumeyd-ka-raacday-soo-dhaweynta-obama/#comments Tue, 28 Jul 2015 02:28:17 +0000 http://caasimadda.com/?p=170044 More »]]> Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama oo safar ku jooga Magaalada Addis Ababa ee Xarunta dalka Ethiopia ayaa soo dhoweyntiisii ka dhacday Fadeexo iyo bahdilaad.

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia ayaa ku fashilmay heerkii laga filaayay soo dhaweynta Obama waxa ayna kaamiradu qabatay dadkii soo dhaweynaayay Obama oo isbarbar yaac iyo nidaam daro ay ku kaceen goortii uu Obama kasoo degay diyaarada.

Ilaalada gaarka ah ee Obama ayaa shakiyay goortii ay bilaabatay isku dhexyaaca waxaana shaki laga muujiyay in isku dhexyaaca looga dhex faa’iideysto Obama.

Dadka soo dhaweynta loogu tallo galay ayaa Obama ku qaabilay Jaranjarada labaad ee Diyaaradaha waana tan keentay Fadeexada ugu weyn.

Ilaalada ayaa xakameyn waayay isku dhexyaaca waxaana la dadajiyay bixitaanka Obama inta uusan dhameysan gacanqaadka ka hor.

Madaxweyne Obama ayaan ku farxin qaabka loogu soo dhaweeyay Magaalada Addis ababa marka la eego dhanka Bartakoolka.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
1

2

3

Ethiopia's July 26, 2015. REUTERS/Jonathan Ernst

5

6

7

8

10

11

12

13

14

kk

]]>
http://caasimadda.com/sawirro-ethiopia-oo-fadeexad-tii-ugu-xumeyd-ka-raacday-soo-dhaweynta-obama/feed/ 0
CC oo ka hadlay shirka 29-ka bishan ka dhacaya Muqdisho iyo arrin kale oo xasaasi ah (Warbixin) http://caasimadda.com/cc-oo-ka-hadlay-shirka-29-ka-bishan-ka-dhacaya-muqdisho-iyo-arrimo-kale-oo-xasaasi-ah-warbixin/ http://caasimadda.com/cc-oo-ka-hadlay-shirka-29-ka-bishan-ka-dhacaya-muqdisho-iyo-arrimo-kale-oo-xasaasi-ah-warbixin/#comments Tue, 28 Jul 2015 02:00:03 +0000 http://caasimadda.com/?p=169961 More »]]> Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay qorshaha dowlada Soomaaliya ee sanadka 2016 iyo dhameystirka hiigsiga 2016.

Shirkaasi waxaa ka qeyb gali doono inka badan 40 dowladood oo caalamka ah, iyo madaxda maamul goboleedyada waxaana dowlada Soomaaliya u matalayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo Gudoomiye Jawaari.

Cumar C/rashiid ayaa sheegay in shirka looga hadlayo dhameystirka qorshaha dowlada Soomaaliya iyo sidii loo dhameyn lahaa weerarada Alshabaab ka geystaan magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha ayaa si cad u sheegay in weerarada Alshabaab aysan joojin doonin horumarka dowlada Soomaaliya ku talaabsaneyso.

Dhanka kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa hanjabaad u jeediyay dadka amni darada ka geysanaya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, isagoo sheegay iney muujineyso qaraxyada Alshabaab wiiqnaanshaha Alshabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

]]>
http://caasimadda.com/cc-oo-ka-hadlay-shirka-29-ka-bishan-ka-dhacaya-muqdisho-iyo-arrimo-kale-oo-xasaasi-ah-warbixin/feed/ 0
Xasan Sheekh oo war kasoo saaray go’aankii ay Galmudug ku bedeshay qodobkii dhibay P/LAND http://caasimadda.com/xasan-sheekh-oo-war-kasoo-saaray-goaankii-galmudug-ay-ku-bedeshay-qodobkii-dhibay-puntland/ http://caasimadda.com/xasan-sheekh-oo-war-kasoo-saaray-goaankii-galmudug-ay-ku-bedeshay-qodobkii-dhibay-puntland/#comments Tue, 28 Jul 2015 01:45:32 +0000 http://caasimadda.com/?p=169993 More »]]> Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay go’aanka baarlamanka maamulka KMG ee Galmudug uu ku beddeley qodob ka mid ah dastuurkisa oo ku saabsanaa xadka uu la wadaago maamulka Puntland.

Baarlamanka maamulka Galmudug ayaa gebi ahaanba beddeley qodobkaasi oo dhigayey in xadka Galmdug uu yahay gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, wuxuuna ku beddelay in xadku yahay Puntland.

Madaxweynaha ayaa sheegay in go’aankan uu yahay mid loo baahnaa oo abuuraya jawi is afgarad iyo in horumarka iyo nabadda laga wada shaqeeyo.

“Ujeeddada laga leeyahay dhismaha dowlad goboleedyada waa baahinta xukunka iyo in la fududeeyo helista adeegyada bulshada, waana soo dhoweynayaa tallaabo kasta oo ujeedkaasi sidii lagu gaari lahaa dhiirigelinaysa. Haddii ay jiraan tabashooyin maamullada dhexdooda ah, waxaa mar walba inoo furan wadahadal iyo in la raadiyo xal nabadeed, arrimahaas ayaana dan u ah shacabka Soomaaliyeed’ ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku celiyey in nabadda iyo horumarka laga wada shaqeeyo, lagana fogaado colaadaha, khilaafka iyo wax kasta oo shacabka kala fogeyn kara.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

]]>
http://caasimadda.com/xasan-sheekh-oo-war-kasoo-saaray-goaankii-galmudug-ay-ku-bedeshay-qodobkii-dhibay-puntland/feed/ 0
Ciidamada Ethiopia oo u ruqaansaday Ceeldheer http://caasimadda.com/ciidamada-ethiopia-oo-u-ruqaansaday-ceeldheer/ http://caasimadda.com/ciidamada-ethiopia-oo-u-ruqaansaday-ceeldheer/#comments Tue, 28 Jul 2015 01:30:47 +0000 http://caasimadda.com/?p=170002 More »]]> Ceeldheer (Caasimada Online) – Ciidamada Itoobiya ayaa ku sii jeeda degmada Ceeldheer oo ka mida degaanada ay kooxda Alshabaab gacanta ku heyso gobolka Galgaduud, waxayna warark sheegayaan in ciidamadaasi aanay la socon milateriga dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Itoobiyaan ayaa bilowgii toddobaadkan soo galay gobolada dhexe iyadoo markii hore fariiin ka dhigtay Guriceel, kadibna waxay shalay u ruuqaansadeen dhinada degmada Ceeldheer, iaygoo isku diyaarinaya inay qabsadaan degmada Ceeldheer oo muddo dheer ay ka talinayeen kooxda Alshabaab.

Wararka laga helo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamo fara badan oo Itoobiyaan ah ay dhaqdhaqaaq weyn ka wadaan gobolkaasi iyagoo aan wax iskaashi ah la yeelan ciidamadad dowladda federaalka.

Ciidamada Itoobiya ayaa hore dhowr goor u qabsaday degmada Ceelbuur iyadoo dagaallo qaraar ay ku dhex mareen kooxda Alshabaab oo halkaasi awood ku leh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

 

]]>
http://caasimadda.com/ciidamada-ethiopia-oo-u-ruqaansaday-ceeldheer/feed/ 0
HADLIYE oo hadal is-dhiibid ah uu kasoo yeeray http://caasimadda.com/hadliye-oo-hadal-is-dhiibid-ah-uu-kasoo-yeeray/ http://caasimadda.com/hadliye-oo-hadal-is-dhiibid-ah-uu-kasoo-yeeray/#comments Tue, 28 Jul 2015 01:00:44 +0000 http://caasimadda.com/?p=169933 More »]]> Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaarada arimaha dibada Soomaaliya C/salaam Omar Hadliye oo la hadlay VOA ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay weerarkii Alshabaab masuuliyadiisa ay sheegteen eel ala eegtay hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho.

C/salaam Hadliye ayaa si cad u sheegay in weerarada Alshabaab aan la joojin Karin, maadaama Alshabaab ay doonayaan iney baabi’iyaan dadka shacabka ah, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkiisa ayuu ku sheegay in ruuxa doonaya inuu naftiisa gooyaa ay adag tahay sida looga hortagayo, laakiin ciidamada amaanka ay sameynayaan wax walbaa oo suuro gelinayo in la yareero qasaaraha shacabka.

“Al-shabaab waxay qarxiyaan masaajida, iskuulada, isbitaalada iyo hoteelada wey adag tahay ruux naftiisa inuu gooyo usoo baxay in laga hortagaa, mana la celin karo dadkaasi oo kale”ayuu yiri wasiir Hadliye.

Weerarka Hotel Jazeera waxaa dadka ku dhintay kamid ah diblumaasi u dhashay dalka China, waxaana ku dhaawacmay diblumaasi kale oo u dhashay dalka Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

]]>
http://caasimadda.com/hadliye-oo-hadal-is-dhiibid-ah-uu-kasoo-yeeray/feed/ 0
“Ciidamo aan horey u arag qaab dhismeedkooda bey xaafada noogu soo daadiyeen” Waxaa yiri… http://caasimadda.com/ciidamo-aan-horay-u-arag-qaab-dhismeedkooda-ayay-xaafadaha-noogu-soo-daadiyeen-waxaa-yiri/ http://caasimadda.com/ciidamo-aan-horay-u-arag-qaab-dhismeedkooda-ayay-xaafadaha-noogu-soo-daadiyeen-waxaa-yiri/#comments Mon, 27 Jul 2015 23:00:26 +0000 http://caasimadda.com/?p=170015 More »]]> Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamuud Cali oo kamid ah dhalinyarada ku dhaqan Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegay in dhamaan Xaafadaha Degmada lagu soo daadiyay Ciidamo ka tirsan DF Somalia oo aysan horay u arag.

Maxamuud ayaa sheegay in Ciidamada ay yihiin kuwo wajiga u xiran yahay islamarkaana aad u da’yar waxa uuna tilmaamay inay ka duwan yihiin kuwa Booliska iyo Militeriga Dowlada.

”Ciidamada lagu soo daadiyay wadooyinka marka la eego dhanka amaanka aad ayay u xaqiijiyeen laakiin waxa ay cabsi galiyeen dadka deegaanka waayo wajiga ayay ka xiran yihiin dadka shacabkana gacanta ayay kala hadlayaan oo kaliya”

”Waxaan u badinayaa inay yihiin kuwa Nabadsugida waxbadan ayay ka bedeleen amaanka intaa ka badana wan ka sugeynaa”

Guddoomiye ku-xigeenka dhanka Amniga Afgooye Yuusf Max’ed ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamadu ay ka hortageen falal badan oo loo qorsheeyay dad shacab ah, waxa uuna amaanay kaalinta ay ka qaaten sugida amaanka Degmada.

Waxa uu sheegay in ay ku guuleysteen wax ka qabashada amniga degmadaasi kadib markii loo keenay sida uu hadalka u dhigay Ciidamo Nabadsugid ah oo wax ka qabta soo celinta amniga.

Dhanka kale, daad gureynta Ciidamadaani la geeyay Degmada Afgooye ayaa imaaneysa xili inta badan Degmada ay ka dhacaan falal dilal ah oo loogeysto Ganacsato, dad rayid ah iyo Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Degmadaasi oo intuba ku baxay gacanta Maleeshiyada Al-shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

]]>
http://caasimadda.com/ciidamo-aan-horay-u-arag-qaab-dhismeedkooda-ayay-xaafadaha-noogu-soo-daadiyeen-waxaa-yiri/feed/ 0
Cadaalad darro lagu sameeyey reer HIIRAAN oo.. http://caasimadda.com/cadaalad-darrada-lagu-sameeyey-reer-hiiraan-oo/ http://caasimadda.com/cadaalad-darrada-lagu-sameeyey-reer-hiiraan-oo/#comments Mon, 27 Jul 2015 22:30:18 +0000 http://caasimadda.com/?p=170013 More »]]> Muqdisho (Caasimada Online) – Cumar Adan Ibraahim oo ah Duqa Magaalada Beledweyne, ayaa ka hadlay qorshooyinka dhawaan la filaayo in laga hirgaliyo Gobolka Hiiraan.

Waxa uu sheegay in Maamulka iyo shacabka Hiiraan ay ka raageen hirgalinta Horumarada ka socda Somalia, waxa uuna sheegay in iminka ay ku dhaceen wadadii saxda aheyd.

Cumar Adan Ibraahim waxa uu intaa hadalkiisa kusii daray in horumarka Shacabka Hiiraan kaliya ay ku xiran tahay mirro dhalka kasoo bixi doona shirarka ka socda Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Isaga oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Hiiraan waxaa ay ka mid tahay 8-dii Gobol ee 1960kii, waxaana ilaa hadda ay Cadaalad darro ka tirsaneysaa Dowladihii soo maray Dalka oo sameeyay Gobolo badan Hiiraana ku daayay sidiisii, sidaa darteed hadda ayaan isleenahay Cadaalada ayaad heli kartaan”

Wuxuu sheegay in Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ay wada degaan dad isku mid ah sidaa darteedna haddii ay wada sameystaan maamul aanay dhibaato ku qabin reer Hiiraan.

Dhanka kale, waxaa uu sheegay in wali aysan billaaban Xulista Ergada oo uu sheegay in Degmooyin lagu soo xuli doono si looga maarmo reer hebel ayaa tiro badan iyo heer hebel ayaa tiro yar, waxaana uu sheegay in si wanaagsan ay filayaan in ay ku dhamaato dhismaha maamulkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

]]>
http://caasimadda.com/cadaalad-darrada-lagu-sameeyey-reer-hiiraan-oo/feed/ 0