Caasimada Online | Isha Wararka Sugan » Diinta http://caasimadda.com Sat, 04 Jul 2015 08:27:38 +0000 en-US hourly 1 http://wordpress.org/?v=4.2.2 Diintaada ISLAAMKA ma geli karto Gor-gortan !!! http://caasimadda.com/diintaada-islaamka-ma-geli-karto-gor-gortan/ http://caasimadda.com/diintaada-islaamka-ma-geli-karto-gor-gortan/#comments Fri, 12 Jun 2015 22:30:36 +0000 http://caasimadda.com/?p=163919 More »]]> Sociolog Kahin Ahmed (Enow)

Nacaybka loo qabo dadka qaxootiga ah iyo islamka oo sii kordheysa dalalka Europé

Qof kasta oo wariye Somali ah waxa waajib muqadas ku ah in uu wacyi geliyo dadkiisa Somaliyeed, wixii wanaagsana u iftiimiyo, wixii xun ama dhibaatada soo soctana si aqooni ku dheehan tahay ugu iftiimiyo.

Aaway ururadii Somalida ! Aaway Siyaasiyiintii aad siiseen codkiina?

Beryahaan ayaan waxaa maqaalada ugu afka dheer ka soo baxa Sweden ay ka mid yihiin aftonbaldet, iyo Göteborg posten waxay soo daabaceen qoraalo ay soo qoreen naago ajaanib ah oo badan ayaa Eedeyn iyo aflagaado la daba jooga dadka muslimiinta ah iyo weliba somalida. Waxaase u yaab badan cid u jawaabtay ma jirto aan ka ahayn hal maqaal uu qoray Sociolog Kahin Ahmed.

Kahin waxaa uu si kulul u cambaareeyey oo eed kulul dusha uga tuuray, naagahaan aflagaadeynaaya islamka iyo meelaha ay deggen yihiin somalida, Mr Kahin waxaa qoraalkiisa ka mid ahaa: Nagahaan waxay isku dayayaan in ay faafiyaan been iyo sumcad xumo aan jirin, taas cid ka yeeleysaa ma jirto, miyeysan ogeyn in dalkaan Iswidhan uu ka jiro Sharci Darstuuri ah oo ah Qodobka Xoriyadda Diinta, oo qofka uu xor u yahay diitiisa. Kahin isaga oo qoraalkiisa sii wata ayuu yiri: Maanta waxaan arkaa in uu soo kordhay waxa loo yaqaan (Islamofobi) islam nacaybka. Lakiin waxan idiin sheegayaa in dalkaan mar mar badan ay gubeen kuwa islaamka neceb Masaajido, lakiin nasiib xumo ciidanka poliska iyo haáddaha amniga kuma guuleysan in ay soo qabtaan cidii dembigaas geesatay. Kahin waxa uu yiri, nagahaan caayaya dadka diintooda iyo dhaqankooda, waxaas siyaasad maaáhee waa aflagaado, ee ha ka hadlaan dhibatada shaqo laáanta ee haysata dhainyarada qaxootiga ah. qofkii aqrin kara Luqada iswidhishka ha ka akhristo meeshaan.

http://www.aftonbladet.se/debatt/debattamnen/jamstalldhet/article20897051.ab

Maqaaladaas ay nagahaan sida isbada jooga ah u daabacayeen beryahaan ayaa aad iiga yaabisay oo igu kaliftay in aan qoro maqaalkaan si ay ula socdaan Somalida oo dhan meel kasta ay joogaan, xataa kuwa deggen dalkaan Sweden aan warba ka hayn dagaalka bareer ka ah oo lagu hayo.

Naagta kowaad la dhaho Zeliha Degli, oo sheegtay in ay timid dalka Sweden 30 sano ka hor, ayaa maqaalka la dhaho aftonbaldet-ka ku soo qortay maqaal dheer oo ay leedahay , islaam ayaan ugu soo cararay dalka Turkiga, waxan soo degay magaalada Uppsala ee Sweden, haddana islaamkii ayaa idaba jooga, waan ka cararay islamka oo waxaan u cararay xaafada Rinkeby (Somalida ayaa ku badan); Waxay tiri haddana islaamkii ayaa i daba jooga oo u ceersanaya, waan ka cararay oo waxaan u craray Xaafada Husby, oo deris la ah Rinkeby, oo xafaadaas (Husby) xataa waxa deggen Somali iyo ajaanib kale, waxay tiri islaamkii ayaa weli idaba jooga , meel aan u cararo ma garanaayo, ayay tiri. Iyada oo hadalkeeda sii wadata ayaa tiri, meshaan aan joogo maaáha iswiidhantii aan aqaanay, ee tolow mar labaad miyaan qaxooti ahaan isku dhiibaa ! Nagtaas ayaa tiri xaafadaan kuma qaadan karo lebiska ah surweel daba gaab wakhtiga kuleylaha, khamri kuma cabi karo makhaayada ku taal xaafada oo muslimiintaa meesha deggen ayaan indho xun kugu soo fiirinaaya. Hadii aan taqaanid afka iswidhishka ka akhriso hoos , naagtaas qoraalkeedii jaraaídka

http://www.aftonbladet.se/debatt/debattamnen/jamstalldhet/article20877039.ab

Naagta labaad waa naag la dhaho magaceeda Parvin Kaboly, waxay leedahay dhalinyarada qaxootiga ee deggen xaafadaha somalida iyo dadka muslimiinta deggen yihiin , waxay khasbaan caruurtooda iyo gabdhaha in ay u qaataan xijaab oo ay ku dhaqmaan diinta waalidkood oo islamka ah. Naagtaan waxay ku doodeysaa in gabdhaha yar yar in laga dhigo xijaabka, islmarkaas Waxay leedahay sidee ayay dadka iswidhishka ah u ogolaadeen ama ay suurtagal u noqotay in islaamka uu xoog ku yeesho xaafadaha qaxootiga, oo ay somalida deggen yihiin.Naagtaan waxay eed kulul dusha uga tuureysaa gabar siyaasiyad ah oo iswidhsih ah oo lagu magacaabo Gudrun Schyman, gabartan iswidhshka ah ayaa lagu eedeynayaa in ay difaacdo Xuquuqda gabdhaha islaamka ee qaata xijaabka.

Gudrun Schyman ayaa tageero ku muujisay in ay qaadato Xijaab oo tiri: Gabar kasta ama haweeney kasta xaq ayey u leedahay in ay u labisato sidii ay doonto, ama hadii ay doonto ha qaadato xijaab, ama hadii ay doonto ha qaadato cambuur gaaban (go´no).

”Feministiskt Initiativs talesperson Gudrun Schyman, iklädd en vinröd huvudduk:Vi stöder uppropet eftersom en kvinna måste ha rätt att klä sig hur hon vill – i kort kjol eller i slöja – utan rädsla för att bli misshandlad, säger Gudrun Schyman.

Naagta seddexaad ee aflgaadeysay islaamka iyo xaafada ay deggen yihiin somalida ayaa ah naag u dhalatay dalka Iran, oo magceeda la dhaho Maria Rashidi, waxay leedahay anniga waan ka baxay diinta islaamka, sida ay uga baxeen Suleman Rushdi oo kale. Waxay leedahay iyada oo eed kulul u soo jeedisay Sociolog Kahin, oo tiri: Kahin wuxuu na leeyahay aan idiin sheego Siyasadda saxda ah oo ah in dhalinyarada qaxootiga ah ee aan loo ogoleyn in ay soo galaan suuqa shaqada sababo la xiriira cunsuriyada, in arintaas wax laga qabto.

Nagtaan ayaa tiri. Kahinoow, ninka la yiraahdo Usama Biladin maáhayn faqri, boqorka sucuudiga maáha faqri, haddana waxay ku xadgudbaan xuquuda dumarka, iyada oo hadalkeeda sii wadata ayaa tiri meelahaas ay deggen yihiin somalida in ay mar dhow halis ugu jirto in laga dhiso saldanad (dowlad) islaam ah, iyada oo ay sawir niman afduuban soo saareen maqaalkooda. Hadii aan garaneysid afka Iswidhsihka halkaan hoos ka akhri:

http://www.gp.se/nyheter/debatt/1.2740346–nar-far-vi-vart-forsta-svenska-forortskalifat-

Waxaa intaas ka sii yaab badan, i naag somali ah oo magaceeda lagu sheegay Mona Walter oo ka baxday diinta islaamka oo gashay diinta kiristaanka, oo aqoonta xagga maadiga heerka ay ka joogto aan la sheegin, ileen hadii ay aqoon lahaan lahayd way buun buunin lahayeen, ileen qofka iswidhishka ah hadii uu jeedinaayo muxaadarad, wariyeyaasha waxay soo qoraan qofkaas jaamacada uu ka soo baxay iyo cilmiga uu leeyahay. Nagtaan waxa loo qabtay Lokaal (Meel laga jeediyo Muxaadarada) oo la dhaho (Folket hus) oo ku yaal xaafada ay deggen yihiin dadka somalida ee Rinkeby. Taas waad aragtaan waa in la wasakheeyo damiirka dadkaan somalida ee masaakiinta ah oo aan ba la socon meesha xaal marayo.

Siyasiyiinta Somalida ah, Ururada Somalida, xataa Ururada islaamka meeshaan ka jira weli cid arintaan ka hadashay ma jirto.

Waddankaan Iswidhan waxa ka jira Qodob Dastuuri ah oo ah Xoriyada Diinta. Marka ragga hogaamiya ururradaas, iyo kuwa siyaasiyiinta isku sheegaya ee jooga Sweden waxaan u soo jeedin lahaa, war heedhe somalidaba xoog ayaad isku leedihiin dhexdiina, maxaad ugu hadli weydiin intaas oo bahdil ah oo laydin ku sameynaayo.

Anniga qof ahaan iyo ka siyaasi ahaan wacyigelinta iyo dagaalka Saxaafadeed qaybteydii waan ka qaatay

Wa bilaahi Towfiiq

Sociolog Kahin Ahmed (Enow)

]]>
http://caasimadda.com/diintaada-islaamka-ma-geli-karto-gor-gortan/feed/ 0
Sirta kalimada TOWXIIDKA لآ اِلَهَ اِلّا اللّهُ مُحَمَّدٌ رَسُوُل اللّهِ !! http://caasimadda.com/sirta-kalimada-laa-ilaah-illa-allaah-mucjisada-quraanka-kariimka-ah/ http://caasimadda.com/sirta-kalimada-laa-ilaah-illa-allaah-mucjisada-quraanka-kariimka-ah/#comments Thu, 19 Mar 2015 23:30:38 +0000 http://caasimada.com/?p=27261 More »]]> Waxaynu ogsoonnahay cibaaradani  (لا إله إلا الله), inay tahay kalimadda ugu weyn ee qof uu yiraahda. Waa kalimadda ama oraahda uu nebigeenna suubban (NNKH) inoo sheegey qofkii yiraahda markuu dhimanaya inuu gelaya Jannada. Sidoo kale kalmadahani ay ka koobantahay cibaaraddu waa kelmadda ugu horreysa ee lagu soo galo diinta Islaamka, waana rukniga (tiirka) koowaad ee tiirarka Islaamka. Waxaynu ogsoonnahay in rasuulkeenna suubban (NNKH) uu inoo sheegey weynida kalimaddaasi ay qabta haddii koonka oo idil kafad la saaro, cibaaradaasina kafadda kale la  saaro inay cuslaan lahayd cibaaradaasi towxiidka.Waxaa haddaba isweydiin mudan maxay karaamada iyo qiimaha intaa dhami ku gaartay kalimaddaasi, waynu ogsoonnahay inay tilmaamayso kelinnimada Ilaah, balse ma waxaa jira asraar kale oo qarsoon oo ay leedahay? Maxay u noqotay kelimadda ugu weyn uguna qiimaha badan adduun iyo aakhiraba? Waa middaasi ta aynu wixii Alle innaga fahamsiiya ama uu nooga fududeeyo aanu ka oran doonna maanta hadduu Eebbe idmo.Kalimaddaasi waxay leedahay sir raqameed (tiro) oo cajiib ah, taas ayaanna lafaguri doonnaa hadduu Ilaaha idmo.Xuruufta ay ka kooban tahay kalmaddaasi waa noocma?

Kalimadda (لا إله إلا الله), waxay ka kooban tahay saddex nooc oo xaraf ah. Waxay kala yihiin xarafka Alif (ا), xarafka laam (ل), iyo xarafka haa’  (ه). Ugu horreynba halkan bay kasoo dhalaashay mucjisadii ugu horreysay ee kalimaddaasi.
Saddex xaraf oo isku soo noqnoqota ayay iyada dhan ka samaysan tahay weedhaasi qiimaha badan. Waxayna saddexda xaraf noqdeen saddexda xaraf ee ay sidoo kale ka kooban tahay kalmadda (الله), subxanallaah!!. Alif laam iyo haa’, ayay sidoo kale ka kooban tahay kalmadda Allaah.
Sidaa daraaddeed buu Ilaahay cibaaraddii uu isku sifeyn lahaa ama uu kelinnimadiisa ku tilmaami lahaa wuxuu u doortay inay noqota mid ka kooban inta xaraf ee magaciisa (Allaah) uu ka kooban yahay in lamid ah.Saddex xaraf (ا), (ل), (ه). oo ay ku dhisan tahay kalimadda Allaah  (الله), ayaa sidoo kale waxaa ku dhisan cibaarad tilmaamaysa wax aad u weyn oo ah Islaamka iyo towxiidka Ilaahay oo dhan. Saddexdaas xarfood ayaa uu Ilaahay asaas uga dhigey (ل ا إ ل ه إ ل ا الله).
Sidee Buu Alle ugu Sheegey Nebigiisa (NNKH)?Alle sarreeye asagoo nebigiisa suubban (NNKH) usheegaya weynida kalmaddaasi sidoo kalena baraya qiimaheeda kuna boorinaya inuu ogaado in Alle kale jirin Allaah uun mooyaane wuxuu suuradda Muxammad aayadda 19d uu ku yiri

(فاعلم أنه لا إله إلا الله).Bal aan is weydiinna muxuu yahay raqamka 19d ee aayadda? Maxay tahay sirta ka dambeysa ee aayaddu ay ugu soo beegmatay raqamka 19d ee suuradda? Raqamka19d waa raqam mucjisaad Quraaneed, sida raqamka 7 oo kale. Waana sidoo kale raqam cajiiba ah sida itisaalaadka iyo tiknoloojiyada casriga ka marqaati kacday. Asraar kaloo yaab badan ayuu xagga cilmiga casriga ku leeyahay raqamkaasi. Laakiin dhanka Quraanka markaynu eegno aayadda ugu horreysa ee Quraanka waa bisinka Al Faatixa, waxay ka kooban tahay 19 xarfood. Sidoo kale aayadda 30d ee suuradda Al Muddathir ayaa raqamkaasi si toos ah u cabbireysa, waxayna oranaysaa. Si gaara buu mudan yahay inaan raqamkaasi uga hadalno, laakiin marka hore aynu qeexna xuruufta kalimadda.Kalimaddan (لا إله إلا الله)  waxay ka kooban tahay nooc ahaan saddex xaraf, oo soo noqnoqota. Marka la tiriyana waxay noqonayaan 12 xaraf,
ل-ا -إ-ل-ه -إ-ل-ا -ا -ل-ل-ه
1-  1-  1- 1-  1- 1- 1- 1-   1- 1- 1- 1= 12 xarfoodTaasoo lamida bilaha sanadka ee hijriga. Bimacnaa halkii xaraf oo kamid ah wuxuu u dhigmaa 30 maalmood (hal bil). Nebigu (NNKH) wuxuu inoo sheegey in kalmad kastoo kamid ah dikriga iyo adkaarta iyo Quraanka halkii xarafba uu u dhigamaya 10 ajar. Bimacnaa xasanad kasta waa 10 ajarkeeda. Laakiin haddii halkii xaraf ee kalmaddan aanu kor kusoo xusnay uu u dhigamaya 30 maalmood, waxay ka dhigan tahay halka xaraf inuu u dhigmo 30 darajo oo ajar ah. Taa waxay kutusineysaa inay la qiimo iyo ajar ahayn kalmadaha kalee Quraanka, dikriga iyo adkaarta. Waxayna dheertahay labo jibbaar, bimacnaa 20 darajo.Waxay sidoo kale ka kooban tahay afar kalmadood.
لا– إله– إلا- الله
–  1-    1-      1-    1= 4 kalmadoodTaasoo lamid ah bilaha afarta ah ee xurmeysan ee sanadka (Rajjab, Dil Qacdah, Dil Xajja iyo Muxarram).Dhismo Raqameed Cajiib ah iyo Caalaqada raqamyada 7 iyo 19 
Haddii aayadda uu Ilaahay ku barayay nebigiisa suubban (NNKH) kelinnimadiisa iyo qiimaha cibaaradaلا– إله– إلا- الله
ay ku jirtay suuradda Muxammad, aayadduna ay ahayd aayadda 19d, bal aynu dib ugu laabanno, qeexid iyo calaaqada raqameed ee ka dhaxaysa kalmaddan iyo raqamka 19.Ugu horreyn aanu qorna cibaarada oo dhan, dabeetana aan ku hoos qorna kalmad kastoo kamid ah inta xaraf ee ay ka kooban tahay raqamka muujinaya. Tani waa luuqadda raqameed, ee ugu caansan luuqadaha adduunka, waxayna muujineysaa in Quraanka hadduu Carabi kusoo degey uu u soo degey dhammaan dadyowga dunida, siduuba Ilaahay meela badan taasi ku muujiyey, isagoo inooga warramaya in Muxammad (NNKH) uu u direy basharka oo dhan Carab iyo Cajamba. Haddaba luuqaddan oo cid kastaahi ay fahmi karta ayuu Ilaahay u adeegsaday kitaabkiisa si loo fahma mucjisada iyo balaaqadadiisa cajiibka ahi.Sidaa darteed aanu qorna marka hore cibaaradda oo dhan
-لا- إله- إلا- الله
– 4 —-3—–3—–2Kalmad kasta inta xaraf ee ay ka kooban tahay raqamka xaqiiqda ah ee tilmaamaya marka lagu hoos qora, waxaa inoo soo baxaya afartaasi raqam ee kala ah 4   3    3  2.Haddaynu sidey yahiin isugu dhaweyno waxaynu heleynaa ama ay noqonayaan sidan4332, taasuna waa raqamka 19 oo labo mar la isku dhuftay, dabeetana lagu dhuftay inta xaraf ee ay kalmadda mubaasharatan ka kooban tahay oo ah 12.12x 19x 194332 Subxanallaah!!.Waxaad isweydiisaa maxay tahay labo jibbaarka raqamkan 19 (yacni 19, 19) iyo raqamkan 12? Miyay wax calaaqa ah tiradani la leedahay raqamka 7 ee ah midka asaasiga u dhismaha raqameed ee Quraanka, iyo aayadaha kowniga ahi?Tiradani (4332) arqaamta aynu ku helnay waxay ahaayeen raqam mucjiseedyadani 12(xuruufta kalimadda Laa’Ilaah Illaa- Allaah) x 19 (raqamka aayadda kujirta suuradda Muxammad ee tilmaamaysa kalimadda towxiidka) x 19 (xuruufta aayadda ugu horreysa ee Quraanka kariimka).
Haddaba haddaynu raqamyadani (12, 19, 19) siday yahiin isu garba dhigna sidee bay noqonayaan? Waxay noqonayaan 121919.
Taasuna waxaynu ku heli karnaa dhowr jibaarka raqamka 7. Subxanallaah!! waa calaaqada cajiibka ah ee tirooyinkani iyo raqamka 7 ka dhaxaysa.
7x 17417 = 121919 Subxanallaah!!Haddaynu raqamyadaasi (121919) si caksi ah ka dhigno, waxay noqonayaan  sidan 919121, bimacnaa taasoo ah sidoo kale raqamka 7 oo dhowr jibbaaran. Subxanallaah!! waa taas calaaqada cajiibka ee kalimaddan iyo raqamka 19 iyo raqamkeeda 12d iyo raqamka 7 ka dhaxaysa.7x 131303= 919121 Subxanallaah!!.Mar kale haddaanu ixtimaalno oo raqamka goonida ahi aanu dhexda gelinna labada raqam ee isu egna aan labada dhinac marinno waxaa inoosoo baxaysa sidan 191219, Subxanallaah!! tanina waa dhowr jibbaarka raqamka 7.7x 27317= 191219 Subxanallaah!!. 
Haddaynu sii ixtimaalno mar kale, waxaynu sameynay labada raqam ee isu eg ayaan labada dhinac marinnay, raqamka goonnida ahina dhexda ayaan gelinnay, markaasaynu helnaay sidan 191219. Haddaba haddii tiradan aan si caksi ah u qorna waxaa inoosoo baxaya sidan 912191, subxanallaah!! tanina waa dhowr jibbaarka raqamka 7. 7x 130313=912191 Subxanallaah!!. 
Maxaa tani loola Jeedaa?Waxaa loola jeedaa Allaah sarreeye wuxuu cibaaradda iyo oraahda ugu qurxoon ee isaga isku sifeeyay uu u doortay arqaam cajiib ah iyo xuruuf cajiiba oo aanan ka badneyn 3 xaraf, kuwaasoo sidoo kale uu horey magaciisa (Allaah) ugu soo koobay. Waxayna daliil iyo burhaan u tahay tani xaqnimada towxiidka iyo Quraanka kariimka ah ee xaggiisa ka yimid Subxaanah!!.

Maxaa kale!!?

Intaas oo qura maahan xaajadu, balse aynu mar kale eegno cibaaradda quruxda badan iyo xuruufteeda
-لا- إله- إلا- الله

Waxay xuruufteeda ka kooban yahiin sidaan horeyba u soo sheegnay saddex nooc xaraf ah, oo kala ah Alif, Laam, iyo haa’. Haddaba aynu is weydiinno xaraf kastaa oo kamid ah cibaaraddani inta mar ee uu kusoo arooray ama kusoo noqnoqday isla cibaaraddan.

Xarafka alif aanu siinna raqamka 1, xarafka laam aanu siinna calaamaddan #, xarafka haa’ aanu siinna caalamaddan ¤.

-ل- ا- إ- ل- ه- إ- ل- ا- ا- ل- ل- ه
¤—-#–#——1–1—#–1–¤—-#—1–1—#

Bimacnaa waxaanu haysannaa labo calaamad oo noocan ah ¤= 2 haa’.
Waxaanu haysannaa 5 caalamadood oo noocan ah # = 5 laam.
Waxaanu haysannaa 5 calaamadood oo noocan ah 1= 5 alif.Cibaaraddu waxay ka kooban tahay alif, laam iyo haa’ soo noqnoqday. Xarafka Alif wuxuu kusoo noqnoqday 5 mar, xarafka laamna 5 mar, halka xarafka haa’ uu kusoo noqnoqday 2 mar.Si kale haddaynu u fiirinna aanu soo qaadanno magaca Allaah, oo ah midka laga soo dhambaashay xuruuftani saddexda ahi, dabeetana aan xaraf kasta hoos dhigna tirada tilmaamaysa inta uu kusoo noqnoqday cibaaraddan sare ee towxiidka.

 (الله)

Aynu kala dhigna ا ل ل ه

Immisaa mar ayuu xaraf weliba kusoo noqnoqday cibaaradda towxiidka? ا- ل  -ل -ه
2—5—–5—-5Tirooyinka aynu helnay haddaynu isku dhaweyna waxaynu heleynaa sidan 2555. Subxanallaah!! tanina waa dhowr jibbaarka raqamka 7.73652555 Subxanallaah!!.Raqamka aad ku dhowr jibbaarta raqamka 7 ee kusiin kara tiradaadii hore ee aad xuruufta cibaaraddaasi ku heshay (2555) waa raqamka 365, kaasoo u dhigma maalmaha sanadka shamsiga. Subxanallaah!!.Xasuusnow!! horey waxaad usoo aragtay in xuruufta 12ka ah ee cibaarada ay u dhigmayeen bilaha sanadka. Sidoo kale afarta kalmadood ee cibaaradda towxiidka ay ka koobneyd ayaa waxaad soo aragtay inay u dhigmayeen bilaha afarta ee xurmeysan.
Haddaba ogoow!! kalmaddani sha’niga weyn waxay ku heshay waa kalmad cajiib ah oo wada mucjisa ah. Sidoo kale waxay la shaqeysaa samanka iyo waqtiga sidii aad horeyba usoo aragtay bilaha, maalmaha iyo sanadka sida ay saamaynta weyn ugu leedahay. Waxaynka tani ka dhigan tahay sidii aad horeyba u soo aragtay xarafkastoo kamid ah kalmaddan  towxiidka in uu u dhigmaya 30, halka xarafka xasanada ama Quraanka aan u barannay inuu u dhigmaya 10 xasana kaliya.
Laakiin halka xaraf ee kalmaddan markuu u dhigmayo 30 darajo, waxay lamid noqotay 30 maalmood, oo lamid ah bil kaamil ah. Haddii xarfaha cibaaradda oo dhami ay markaasi ahaayeen 12 xarfood, waxaa inoosoo baxaysa halkii mar ee aad ku dhawaaqdaba cibaarada towxiidka in ay lamid tahay sanad ajar oo kale inaad heleysa Subxanallaah!!. Waana halka aynu immika xuruufta magaca Alle ee saddexda ahi inta mar ee ay kusoo noqnoqdeen kalmadda markaynu eegnay natiijadii aynu ku helnay raqamkeeda markaynu baarnay ay inoogu soo baxday dhowr jibbaarka raqamka 7, taasoo raqamka kalee lagu dhowr jibbaari kara raqamka 7 uu noqday raqamka muujinaya maalmaha sanadka Subxanallaah!!.Intaasoo qura maahan, laakiin waxaa jirta asraar kale oo raqmi ah oo muujineysa labadan raqam ee 7 iyo 19.Haddaynu eegno cibaaradani mar kale-لا- إله- إلا- الله

Waxay ka kooban tahay 4 kalmadood. Haddaynu eegno kalmadda ugu horreysa waa -لا, 
Kalmadda ugu dambeysana waa – الله.
لا– إله- إلا- الله

 4——————2Kalmadda dambe waxay ka kooban tahay 4 xaraf, tan ugu horreysana 2. Haddaynu isku dhaweyno labada raqam ee aynu helnay waxay noqonayaan 42, taasoo ka dhigan dhowr jibbaarka raqamka Subxanallaah!!.7x 6= 42 Subxanallaah!!.
Haddii cibaaradda towxiidka aynu ku darna qeybta ka dhiman ee lagu soo galo Islaamka oo ahمحمــد رسـول اللهBimacnaa sidan لا إله إلا الله محمد رسول الله, waxaynu heleynaa inay ka kooban tahay 7kalmadood si toos ah Subxanallaah!!.لا– إله- إلا الله– محمد- رسول– الله

1—-1——–1——1—–1—1—1= 7 kalmadood.
Haddaynu fiirinna labada kalmadood ee cibaaradda (لا إله إلا الله ) ugu dambeeyo waxaynu heleynaa inay yahiin labadan kalmadood  (إلا الله). Subxanallaah, kalmaddahan labada ahi waa labada kalmadood ee muujinaya cibaadada inuu Allaha xaqa ahi leeyahay, waana oraahda qeybta loo yaqaan amarka, maadaama cibaaradda (لا إله إلا الله), oo dhami ay tahay nafyi (wax reebid) iyo amar (wax farid ama ogalaasho). 

Haddiina aan eegno inta dambee amarka ama ogalaashaha ahi, waxaanu heleynaa in Quraanka ay labadaasi kalmadood ee ugu dambeeya cibaaradda ay kusoo arooreen iyagoo sidaasi isu wata 19 mar. Marka 19d-na waxaa lagu khatimay aayadda 19d ee suuradda. Subxanallaah!!.U fiirso mar kale isla labadaasi kalmadood(إلا الله), waxay dhanka kale ka kooban yahiin 7 xarfood isku darkooda. Subxanallaah!!.Cibaaradani cajiibka ahi waa middii uu 13 sano dadkii reer Makkah uu Nebi Muxammad (NNKH) dadka ugu yeerayay. Waa midduu 60 mile inta u jaray la tegey magaallada Dhaa’if, si dadka u yiraahdaan kalmadahani qiimaha badan, balse ay kusoo dhagaxyeeyeen lana soo eryeen. Waa risaaladii uu dadka muddo 10 sano ah ku barayay magaallada Madiinah. Waa risaaladii uu udiray boqorrada si ay u yiraahdaan kalmadahani qiimaha badan. Waa kalmadda sababteeda loosoo direy oo Alle risaaladani ugu soo dhiibay. Waana sidoo kale miftaaxa (furaha) Jannada. Maxaa haddaba diidaya in furaha Jannada uu yeesha sha’nigaasi weyniga badan?Tani waa risaala raqameed oo cajiib ah oo ku wajahan inta laab shakiga qabta, ee ka shakida risaalada nebi Muxammad (NNKH), inta kalee muslimka ahina, wax aanan towfiiq iyo sugnaan iyo iimaan ahayn kama qaadaan. Mana yiraahdaan wax kale Subxaanallaah!! mooyaane, iyo inay aqriyaan qowlka Alle sarreeye ee ah.

وَمَا كَانَ هَٰذَا الْقُرْآنُ أَنْ يُفْتَرَىٰ مِنْ دُونِ اللَّهِ وَلَٰكِنْ تَصْدِيقَ الَّذِي بَيْنَ يَدَيْهِ وَتَفْصِيلَ الْكِتَابِ لَا رَيْبَفِيهِ مِنْ رَبِّ الْعَالَمِينَ 
 
Suuradda Yuunus: 37WQ: Mohammed Tahir Abdi
Email: mohamed1@live.fi_
______________________________________________________________
Afeef: Qormadani waxay ugaar tahay qoraha iyo webka caasimada.com, lama daabacan karo idan la’aan.
]]>
http://caasimadda.com/sirta-kalimada-laa-ilaah-illa-allaah-mucjisada-quraanka-kariimka-ah/feed/ 0
Culummada casriga ah su’aal baan ka qabaa (Arrimaha cusub oo ay keeneen) http://caasimadda.com/culummada-casriga-ah-suaal-baan-ka-qabaa-arrimaha-cusub-oo-ay-keeneen/ http://caasimadda.com/culummada-casriga-ah-suaal-baan-ka-qabaa-arrimaha-cusub-oo-ay-keeneen/#comments Mon, 09 Mar 2015 23:00:17 +0000 http://caasimadda.com/?p=152223 More »]]> Culumada Soomaalidu waxay lahaayeen mansab iyo magac, bulshada dhexdeeda aad baa looga qadarin jirey, markii ay soo muuqdaan inta fadhidana way istaagi jirtay intii istaagnaydna waa dhaqaaqi jireen, xaga xerada xoolaha baa la’aadi jiray, waxay ahayd arin aad u culus hadii xilka culumada lagudan waayo. Waagii dilaacaaba war cusub buu la yimaadaa, qoraxdii dhalatana amuuraheeday wadataye bal iminka wadaadadi sidaa looga dambayn jiray, dadka Quraanka u akhrin jiray, nabada iyo asluubta iyo isjeclaanta ka talin jiray diir cusub bay la soo baxeen.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa (geel lugaha dambe buu habeed ku lahaan jiray ee haduu lugaha hore habeed ku yeesho waa ged uu lasoo baxay), hada culumadii dadka nabada iyo isjacaylka u dardaarmi jirtay hadii ay siyaasadii cagaha lagaleen, oo waliba culumo hubaysan oo dhiig daadinaysa ay noqdeen waa ged cusub, waxyaabaha culumadii soomaaliyeed ee hore ay caanka ku ahaayeen waxaa kamid ahaa qodobadaan hoose:-

1.      Culumadii soomaaliyeed ee soo jireenka ahayd waxay u naseexayn jireen dadka, qofkii khalad sameeya waa loo naseexan jiray maxaa yeelay Xadiis baa oranaya (Diintu waa Naseexo, waxayna naseexo u tahay, Rasuusha Ilaahay iyo inta rumaysay ee muslimiinta ah).

2.      Culumadii hore Ee soomaaliyeed hadalkooda iyo habdhaqankoodu wuu is raacsanaa, dadkana in ladilo bay ka digi jireen, waxay markasta hor istaagi jireen in dadka dagaal iyo nacayb kala dhex maro.

3.      Culumadii Soomaaliyeed ee hore, waxaa ka reebanayd in dad muslim ah lagaaleeyo ama gaalo lagu sheego, waxaa aan marnaba dhici jirin in shacab dhan ama umad dhan oo Ilaahay caabudaysa Nebigiisana Rumaysan Gaalo lagu tilmaamo.

4.      Culumadii hore ee Soomaaliyeed waxaa ka reebanayd oo agtooda wax laga xishoodo ka ahayd in qof muslim ah ladilo, waliba qof muslimnimadiisu muuqato oo Masaajid Kasoo baxay, ama siyaad haku dilaan ama si kale ha dilaane midhici jirin inay falkaasoo oo kale ku dhaqaaqaan.

Hadaba Akhriste Culumada Casriga ah maxay soo kordhiyeen, dhacdooyinka dhuunta mari waayay, ee Culumada casirga ah ay keeneen iyagana aan wax kataabto, kuwaas oo kasoo horjeeda kuwii Culumadii hore lagu yaqaanay Waana sidatan iyaguna:-

1.      Culumada casriga ah waxay gacanta ku wataan midi dhiigle, waxay gees marsan yihiin u naseexaynta shaqsiga, kaasoo laga yaabo inuusan diinta aqoon badan u lahayn taasna ay keentay inuu khalad galo, hadii khaladkaa looga naseexeeyo oo loo sheego waxay diintu ka qabtana uu ka leexan lahaa ama uusan mardambe sameeyeen.

2.      Culumada Casriga ah waxaa looga bartay fikrado (Ideology) meesha laga keenay aysan cadayn, iyo in dad muslim ah gaalo lagu sheego sida haatanba dhacda horayna u dhacday, arintaan oo ah arin Siyaasadeed balse loo cuskanayo diin iyadoo laga faa’iidaysanayo aqoon yarida iyo cilmi la’aanta dadka, waxaa kale oo laga faa’iidaysanayaa tashuushka badan ee ku furna maskaxda dadka kuwaas oo ay keeneen dagaaladii mudada dheer wadanka ka socday, hadiise dadku nabad haysan lahaa ay dhici lahayd in su’aalo badan la iska waydiiyo balse hada qof isaguba tisiii layaaban, intaa oo sano qax ahaa, maalinkasta xabad laga dul ridayay, inuu dib u fakaro oo maskaxda maalo way ku adagtahay, halkaas waxay noqotay kaalin ama ilin laga soo galo dadka.

3.      Culumada Casriga ah ee maanta waxaa ku badan banaynta iyo waajib yeelida dhiiga qof in dhiigisa ladaadiyo aysan banaanayn, waxaa dhacday in dadbadan oo qaarkood Culumo diin caan ah ahaayeen dil loo gaystay xili ay kasoo baxeen Masaajid, ama qaarkood markaa salaad galayeen. Minhadaan oo xili lawaajib yeelay in qof muslim ah iska daaye gaal aysan banaanayn in ladilo hadii uusan dagaal diineed ama wadan kugula jirin.

Hadaba Soomaali iyo akhriste markaa muraayad nadiifa ku fiirisid amuurahaa is feer yeel waxaa daahu ka faydmayaa ay jirto arin siyaasadeed iyo loolan siyaasadeed, Culumada Casriga ahna waxaa u muuqatay in ilinka kaliya ee ay kasoo gali karaan uu yahay dhanka Diinta, maadama dadka Soomaaliyeed diintu ay tahay wax agtooda qiimo wayn ku leh, qofkii maro diimeed u xirta af-diimeed kula hadlana ay badan tahay in talooyinkiisa la qaato, balse habka loo isticmaalay ay ka duwantahay tii lagu yaqaanay Culumada Soomaaliyeed waliba culumada aduunka ee maskaxda furan.

Akhriste hadaba si aan kuugu bayaamiyo in Culumadu markasta khilaafka ka cararto aan kuula duulo xaga iyo wadanka Masar oo ay ka jiraan ururada ugu xooga badan uguna tirada badan ee Muslimiin ah, aan kuuso qaato ururka Akhwaanu Muslimiin ee Masar, aad bay ugu fududayd inay dagaalamaan, madama waqti dheer ay ku dadaalayeen in ay xukunka wadanka gacanta ku dhigaan, balse waxaa u dhadhami wayday arinta dagaalka iyo dhiiga daata in aan xal ku imaanayn awoodaduna ay ku wiiqmayso, Dagaalka badalkiisii waxay qaateen inay dadka ku milmaan fikradooda ka dhaadhiciyaan, gaar ahaana dadka aqoonta leh iyo bulshada ka gadmi kara ay hantaan oo gacanta ku dhigaan, markaa kadib inay u fudu-daan karto inay wadanka qabtaan waana miidii dhacday oo aan dhamaanteen arkaynay inay xukunka si cod aqlabiyad leh ugu soo baxeen, inagase ururkii akhwaanu Muslim Somalia wuxuu arinta ka bilaabay markii ugu horaysay 1991dii dagaal, iyo in dadka xoog lagu cabiidiyo, balse faa’iido lagama gaarin.

Gabar inan ah baa hooyadeed oo waxay aragtay Aroos cusub u diyaar garoobaysa xili aabaheed ay kala tageen, markaas bay waxay ku tiri “ee Hooyo anagii baan wali shifaysan adna waad rakaadanaysaa sidaa cadaalad maaha Culumo sida wax aad ku wadaan cadaalad maaha ee dadka sidii la’idinku bartay ku laabta taas baad wax ku noqon kartaan shacabkana ku kasban kartaan bari kamaalina xukun aad ku hanan kartaa.

Wabilaahi Towfiiq.

W/Q: Bashiir Cumar Warsame (Kuuriye)

Email: bashiirc@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

]]>
http://caasimadda.com/culummada-casriga-ah-suaal-baan-ka-qabaa-arrimaha-cusub-oo-ay-keeneen/feed/ 0
VIDEO: DHULKU Miyuu ku wareegtaa CADCEEDDA? (MUCJISDA ISLAAMKA) http://caasimadda.com/video-dhulku-miyuu-ku-wareegtaa-cadceedda-mucjisda-islaamka/ http://caasimadda.com/video-dhulku-miyuu-ku-wareegtaa-cadceedda-mucjisda-islaamka/#comments Thu, 13 Nov 2014 03:00:22 +0000 http://caasimadda.com/?p=139494 More »]]> Dhulku waa meere Mucjis ah oo  kamid ah meereyaasha ku mideysan xiddigta Cadceedda. Waxaa loo yaqaan bahda uu ka tirsan yahay Solar System (Bahda ay Cadceeddu mideysay). Waxbadan inkastoo muran uu ka taagnaa in Dhulku uu wareego iyo in kale, waxaynu maanta qaadaa dhigi doonnaa xarakada ama dhaqdhaqaaqa Dhulku uu sameeyo, innagoo adeegsanayn diinteena  Islamka waxa ay arrintaasi ka qabto iyo culimada falagga waxa ay ka yiraahdeen.

Waxaa caan ah oo dadka oo dhami ay aminsan yahiin in Dhulku uu dowra ama wareeg ku sameeyo Cadceedda sidaba ay meerayaasha kale ee la bahda ahi ay iyana u sameeyaan. Su’aashu waxay tahay arrinkaasi miyaa lagu tilmaami karaa dowra ama wareeg uu Dhulka sameeyo?

Haddaynu eegno aragtida culimada Falagga, waxay qabeen muddo dheer, in Dhulku uu ku wareegto Cadceedda, inkastoo xaqiiqa taas ka duwan ay dhawaan ogaadeen. Wareeg waxaa loo yaqaan sida in sheygu uu ka dhaqaaqo meel, isagoo xariiq quman oo wareeg ah ku socda kuna soo laabto isla meeshii. Laakiin xarakada Dhulka uu cadceedda ku sameeyo waa ay ka duwan tahay sidaas, inkastoo isla waqtigaasi loogu yeero marmar erayga ’’Wareeg’’

Haddii aynu ka dhex bixi kari lahayn Bahda ay Cadceeddu  mideysay, oo aynu meel ka baxsan soohdinta Solar System-ka aynu kasoo eegi lahayn Dhulka, waxaan heli lahayn natiija ah in Dhulku uu duulaya, isagoo u socda sida Shimbir oo kale, kuna socda jawi kor-u-kac iyo mar hoos-u-dhac ah.  Dabcan sida aynuna ognahayna, Dhulku wuxuu jaraa 225 milyan oo sano, si uu halmar u guto wareeggiisa kowaad ee uu ku dul wareeganaya Mujarradka (Galaxy-ga) uu ka tirsan yahay ee Milk way (Darb- ad-Dabbaana/Diilinta Gurey).

Haddii ay qof usuurtoobi lahayd inuu noolaado muddadaasi 225 000 000 oo sano ah, waxaa usuurtoobi lahayd inuu la kulmo, ama goob joog u ahaado halka wareeg ee uu Dhulku ku sameynayo Galaxy-ga Milk way. Laakiinse marka aynu aragtideenna gaaban iyo cimrigeenna xaddidan ku eegno, waxaa inoosoo baxaysa oo keliya, inaanu goobjoog u noqon karno, wareegga Dhulka ee Cadceedda, kaasoo Dhulka ku qaato muddo 365 maalmood ah inuu halmar uun ku wareegto Cadceedda.

Waqti dheerba waxay culimada Falaggu aaminsanaayeen in Dhulku qad-wareegsan uu kaga wareegto Cadceedda, laakiin markii ay baareen wareegga ay Cadceeddu qudheeda ku sameyso Galaxy-ga Milkway, baa waxay ogaadeen inay xawaare saa’id ah adeegsato, iyadoo Dhulka iyo meerayaasha kalena iyo dayaxyadooduna ay raacaan markaasi. Halkaas buu dhulku adeegsadaa xaraka ama dhaqdhaqaaq la moodo gil gil, oo sida mowjadda oo kale ah, oo kor-u-kac iyo mar hoos-u-dhac leh.

Dhulka marka aynu kasoo eegno soohdinta Bahda ay Cadceeddu mideysay, waxaanu arkeynaa in uu ku wareegto Cadceedda. Laakiin haddaynu ka baxno soohdinta Bahda ay Cadceedu mideysay, fikraddaasi miyay sii jireysaa?
Dhulka marka aynu kasoo eegno soohdinta Bahda ay Cadceeddu mideysay, waxaanu arkeynaa in uu ku wareegto Cadceedda. Laakiin haddaynu ka baxno soohdinta Bahda ay Cadceedu mideysay, fikraddaasi miyay sii jireysaa?

Marka aynu meel ka baxsan soohdinta Bahda Cadceeddu ay mideysay aynu kasoo eegno Dhulka, waxaynu heleynaa in Cadceeddu ay ku dulwareeganayso Galaxy-ga Milkway, iyadoo ku socoto xawaare aad u sarreeya, adeegsanaysana xaraka quman, oo orod ah.  Markaasi waxaa Cadceedda la guuraya bahda ay mideysay ee Meereyaasha ah oo Dhulku uu kamid yahay iyo dayaxyadooda. Waxaa kaloo la guuraya ’’Suunka Astroid-yada’’ iyo weliba Meteoroidiyada (Niyaazik) tirada badan ee hoos yimaada Bahda ay Cadceeddu mideysay.  Xaaladdaa iyada ahi, lama arki karaya wax wareeg ah oo Dhulka uu Cadceedda  ku sameynaya.

Sawirkani waa marka laga soo eego Cadceedda iyo Bahda ay mideysay, meel ka baxsan soohdinta Solar System-ka. Waxaad u jeeddaa iyadoo ay Cadceeddu ku wareeganaysa Galxy-ga oo ay lasocdaan Bahdeeda.
Sawirkani waa marka laga soo eego Cadceedda iyo Bahda ay mideysay, meel ka baxsan soohdinta Solar System-ka. Waxaad u jeeddaa iyadoo ay Cadceeddu ku wareeganaysa Galxy-ga oo ay lasocdaan Bahdeeda.

Sida uu sawirkani sare cabbiraya, waa Cadceedda iyo meerayaash marka laga soo eego meel ka baxsan soohdinta Bahda ay Cadceeddu mideysay, iyagoo ku wareeganaya ubucda Galaxy-ga ay ka tirsan yahiin ee Milk way. Socodkaasi isaga ahi, Cadceeddu waxay adeegsanaysaa xawaare aad u sarreeya, waxaadna arki karaysaa, in Cadceedda iyo Meereyaasha oo dhami ay baratan xowli ah ku jiraan. Raad sida birta spiraalida ama moollada loo yaqaan oo kale ayay sameeyaan, iyagoo meerayaashu ay hawada ku duulayaan, oo dhammaan daba guuraya Cadceedda. Xaaladdaasi iyada ahi inooma muuqato in Dhulku uu ku wareegto Cadceedda, balse wuu daba guuraa isagoo duulaya, oo aanu midna mid kale haleelayn. Dayaxa oo marna hor dhacaya Dhulka marna dib dhacaya, ayaad ka arki karaysaa sawirka, taasoo aad moodeyso in uu u muuqanaya inuu mar Cadceedda dhaafi  rabo, marna aad u moodda inuusanba gaarahayn. Xaaladdaasi iyada ahi ma jira meere haleelaya Cadceedda ama meere kale amaba dayax kamid ah dayaxyada meereyaasha. Midna ma usuurtoobayso inuu gaaro kan kale, waxaana lagu wada jiraa socdaalkaasi dheer ee malaayiinta sano qaadanaya, iyadoo dhammaan ay adeegsanayaan xawaare culus oo ay idilkooduba daba guurayaan Cadceedda.

Arrinkaasu Quraanka kariimka ah ayaa ka warramay 1400 sano kahor, markuu Ilaah Sarreeye yiri:

Suuradda Yaasiin: aayaddaha 38d- 40d
Suuradda Yaasiin: aayaddaha 38d- 40d

Marka aad eegto aqoontan sheegeyso in Cadceeddu ay xawaare toosan ku orodda marka ay ku wareeganayso Galaxy-ga Milkway, waxaad ogaanaysaa in Quraanka uu taasi 1400 sano ka hor ka warramay. Waxaa kaloo cajiib ah, aayadda 40d ee Suuradda Yaasiin waxay inoo tilmaamaysaa, in Cadceed ama dayax ama mid mid haleeli karo uusan jirin, iyadoo dhammaan meereyaashu ay ku socdaan falag u gaar ah oo ay dabaalanayaan. Nacam, xarakada ay sameynayaan dhammaan meereyaasha marka ay daba guurayaan Cadceedda ee ay kusocdaan inay kusoo wareegtaan ubucda Galaxy-ga waxay u muuqaal egtahay sida hir oo kale, ama duulidda Shimbirka, taasoonu ognahay in raadka uu sameeyo Shimbirku mmarka uu duulaya inay tahay raad kor-u-kac mar iyo hoos-u-dhac mar ah.

Xaaladdaasi Ilaahay isagoo Quraanka ku cabbiraya 1400 sano, wuxuu yiri:

Suuradda Al Mursalaat: aayadda 25d
Suuradda Al Mursalaat: aayadda 25d

Ereyga ugu dambeeya aayadda ’’Kifaataa’’ qaamuuska Carbeed marka laga eego, wuxuu kusiinaa saddex macno oo kale ah

  1. Deg deg, ama xawaare sare. Waxay yiraahdaan ’’Kafata Ar- Rajulu’’ bicmacnaa ninkii wuu deg degey. Macal cilmu waxaynu ognahay in dhulku uu ku duulo xawaare aad u sarreeya marka uu ku wareeganaya Galaxy-ga Milkway. Wuxuu jaraa saacaddii in ka badan 700 000 km. Haddaba macnahaasi kowaad waxaynu ka heleynaa in Dhulku uu xawaare sare ku duulo.
  2. Macnaha labaad wuxuu yahay, ’’Gadgaddoon, kor-u-kac iyo hoos-udhac leh’’. Isagoo sheygii uu gadgaddoomaya, ayuu isla markaas haddana kor-u-kac mar ah iyo hoos-udhac mar ah sameynayaa. Waxaa arrintaasi sawir qurux badan inaga siinaya sida shimbirku uu u duulo.
Waa sawir inoo muujinaya raadka uu shimbirku sameeyo marka uu hawada duulaya, isla markaana wuxuu ina siinayaa sawir qurux badan oo inoo sharraxaya sida uu u muuqdo ama ugu daba guuro Dhulka Cadceedda, marka ay ku wareeganayaan Galaxy-ga.
Waa sawir inoo muujinaya raadka uu shimbirku sameeyo marka uu hawada duulaya, isla markaana wuxuu ina siinayaa sawir qurux badan oo inoo sharraxaya sida uu u muuqdo ama ugu daba guuro Dhulka Cadceedda, marka ay ku wareeganayaan Galaxy-ga.

Macnahani labaad wuxuu ina siinayaa in dhaqdhaqaaqa Dhulku uu yahay mid duulo, oo marna hoos u dega marna sare u kaca. Quraanka marna inama baraya in Dhulku uu ku wareegto Cadceedda, laakiin wuxuu inoo sheegayaa in Dhulku uu duulo (Kifaataa). Sidaa darteed Quraanka kariimka ahi, wuxuu inaga tusayaa xarakada Dhulka meel ka baxsan soohdinta Bahda ay Cadceeddu mideysay. Haddii Galaxy-ga oo idil ay nolali ka jiri lahayd (Allaahu aclam inay ka jirta) oo ay makhluukhaat kale ku noolaan lahaayeen, waxay noqon lahayd inay arkaan xaqiiqada sawirka uu Quraanka inaga siinaya dhaqdhaaqa Dhulka.

Haddii Quraanka uu oran lahaa, in Dhulku uu ku wareegto Cadceedda, markaasi wuxuu nalagu macaamili lahaa aragtideenna xaddidan ee ku eg Soohdinta bahda aynu ku jirna ee Bahda ay Cadceeddu mideysay. Taasoo maanta ay ka hor iman lahayd aragtida cilmiyeed ee koonka ee ay dhawaan ogaadeen culimada Falagga. Dhab ahaan Quraanka kariimka 1400 sano kahor ayuu ka warramay xaqiiqada dhaqdhaqaaqa Dhulka, taasoo maanta ku ah mucjiso xujadeeda leh Mulxiddiinta diiddan jiritaanka Ilaah, munaafiqiinta ka shakisan jiritaanka warka dhabta ah ee Quraanku uu sheegay, Yuhuud iyo Nasaaro iyo Murtaddiinta fara kutiriska ee indhaha la’.

  1. Macnaha saddexaad ee Qaamuusku uu ina siinaya waa ’’Ad Dammu wal Jadab’’ Iyadoo dhulku uu xowliga ogaanta kusocda, haddana wuxuu leeyahay dhowrid iyo soo jiidasho. Marna ma dhacaysa inay ina saameyso, xarakada uu sameynaya ee xowliga ah marna uu sare ugu kacaya marna hoos ugu kacaya. Waxaana taasi inoo tilmaamaysa aayadda 26-aad ee sare ee suuradda Al Mursalaat. Nolol iyo geeriba Dhulku wuxuu leeyahay kifaat, mana kugu saameynaya arrinkaas. Ilaahay isagoo istiqraarkaasi inooga warramaya wuxuu yiri:
Suuradda Al Ghaafir: aayadda 64d
Suuradda Al Ghaafir: aayadda 64d

Bal u fiirso! sida maanta 1400 sano kadib uu cilmigu u waafaqaya kitaabka Quraanka kariimka ah? Sidee buu nebi Carbeed oo joogay xilli mugdi ah, oo tiknolooji iyo qalab aysan jirin, uu u heli karaa cilmi intaa dhan? Sidee buu ku ogaaday nebi Muxammad (NNKH) xilligaasi in Cadceeddu ay ku roorto dariiq ay leedahay, dhulkuna uu duulo, ee uusan ku wareegan? Sidee buu Muxammad (NNKH) 1400 sano ka hor ku cabbiray xarakada Dhulka marka laga soo eego meel ka baxsan soohdinta Bahda ay Cadceeddu mideysay? Siduu Muxammad (NNKH) ku ogaaday in Dhulku uu soo jiidasho leeyahay? Siduu ku ogaaday in Dhulku uu xawaare sare ku duulo, iyadoo sidaas ay tahayna uusan u saamaynin noolaha iyo meytida ku dul sugan? Subxana-Allaah!

Waa wax cad in bashar uusan intaasoo cilmi ah heli karin xilli uu waqti mugdi oo haba yaraatee qalab ama teknolooji uusan jiray. Dariiqa uu ku heley waxaasoo cilmina ay tahay  waxyi ka yimid Allaha cilmiga badan ee Rabbiga Caalamiinta ah. Ha barakooba magaca Rabbiga Caalamiinta oo dhan.

Rabbigannow!! adigaa mahad idilkeed iskaleh, inaga yeeshay Muslimiin.

Halkan hoose ka daawo video arrinkan sii sharxaya

WD: Mohammed  Tahir Abdi
Email: mohamed1@live.fi

_______________________________
Afeef: Qormadani waxay u gaar tahay qoraha iyo webka caasimada.com, lama daabacan karo idan la’aan.

]]>
http://caasimadda.com/video-dhulku-miyuu-ku-wareegtaa-cadceedda-mucjisda-islaamka/feed/ 0
DHULKU dhibic ma dhamo (Mucjisada Koonka iyo xaqiiqooyin aadan ogeyn) http://caasimadda.com/dhulku-dhibic-ma-dhamo-mucjisada-koonka-iyo-xaqiiqooyin-aadan-ogeyn/ http://caasimadda.com/dhulku-dhibic-ma-dhamo-mucjisada-koonka-iyo-xaqiiqooyin-aadan-ogeyn/#comments Wed, 12 Nov 2014 00:00:01 +0000 http://caasimadda.com/?p=139158 More »]]> Saddexdan xiddig waa hal bah oo ka wada tirsan Galaxy-ga Milk way.

1. Waa Cadceedda iyo bahda ay mideysay ee Meereyaasha. Waxaad arki karaysaa dhulka intuu la eg yahay marka Cadceedda loo eega. Cadceeddu waa xiddiga inoogu dhaw xiddiga, waxayna inoo jirtaa masaafo dhan 8 seken oo xawaaraha iftiinka ah. Taasoo lamid ah 150 000 000 km.

SADEX XIDDIG2. Sawirka labaad waa xiddiga Antares iyo Cadceedda oo la isbarbar dhigatay. Waxaad arki kartaa Cadceedda intay la ekaanayso marka Antares la bar bar dhigo. Sida Cadceedda ay bah meerayaal ah u mideyso ama ay uga tirsan tahay buu Antares uga mid yahay bah xiddigo ah oo illaa 35 gaaraya oo kamid ah Galaxyga Milk way. Bahda ay ku midoobaan xiddigahaas iyo Antares ayaa loo yaqaan Scorpio (Diilinta Dibqallooca). Waa goob samada marka laga dheehdo aad u qurux badan oo iftiin badan maadaama xiddiga waaweyn oo iftiinkoodu sarreeyo ay ku mideysan yahiin. Xiddiga Antares wuxuu dhulkeena u jiraa masaafo dhan 600 oo sano meel loo socanaya, marka la adeegsado xawaaraha iftiinka. Sidaas oo uu nooga fogyahay xiddigaas, haddana habeenkii si waadix ayaa looga arki karaa iftiunkiisa Dhulka.

3. Sawerka saddexaad waa xiddiga Pistol start oo la barbar dhigay Antares. Xiddiga Pistoö wuxuu ka iftiin badan yahay Cadceedda shan jibbaar, dhulkeenana wuxuu u jiraa 25 000 oo sano meel loo soconaya marka la adeegsado xawaaraha iftiinka. Wuxuu isaguna ka tirsan yahay Galaxyga Milk way. Inkastoo oo uu sidaa inooga fog yahay haddana waxaa dhulka looga arki karaa iftiinkiisa si weyn.
Galaxyga ay xiddigahani ka tirsan yahiin was Galaxyga Milk way, oo ku fadhiya masaafo dhan meel loo kala goosha 100 000 oo sano labadeeda cidhif waa marka la adeegsado xawaaraha iftiinka. Wuxuu Galaxygani ka kooban yahay 200 000 xiddig iyo malaayiin Meereyaal ah. Galaxyga ugu soo dhaw isaga oo ah Galaxyga Andermedia ayaa ka weyn oo ka kooban 250 000 oo xiddig iyo malaayiin Meereyaal ah. Wuxuuna ku fadhiyaa 200 000 sano meel loo socda marka la adeegsado xawaaraha iftiinka. Koonka sidaas ah baa kasii kooban Balaayiin Galaxys ah.

WD: Mohamed Tahir Abdi
Email: mohamed1@live.fi

______________________________________

Afeef: Qormadani waxay u gaar tahay webka caasimada.com iyo qoraha. Lama daabacan karo idan la’aan.

]]>
http://caasimadda.com/dhulku-dhibic-ma-dhamo-mucjisada-koonka-iyo-xaqiiqooyin-aadan-ogeyn/feed/ 0
Xaqiiqooyinka sayniseed ee Islaamka http://caasimadda.com/xaqiiqooyinka-sayniseed-ee-islaamka/ http://caasimadda.com/xaqiiqooyinka-sayniseed-ee-islaamka/#comments Fri, 24 Oct 2014 03:03:34 +0000 http://caasimadda.com/?p=137441 More »]]> (Some of the scientific truths of Islam)

Qeybtii 1-aad 

W/Q: Dr. Warfa Abdi Mohamed (Garweyne), former lecturer in Hydrogeology and Groundwater scientist.

Waxaan qormadan u hibeeyey kuna xasuusanayaa shiikheennii qaaliga ahaa Cabdulqaadir Nuur Faarax (Gacamey), shiikhii axaadiista ee Soomaaliya iyo Sh. Axmed Cabdiraxmaan. ILAAHEY naxariistii janno ha siiyo. 

1 Afeef

Isaga oo kaalmaysanaya awoodda Alle ee weyn, wuxuu qoraagu isku deyeyaa in uu muujiyo in Qur’aanka Kariimku uusan ahayn kitaab cibaado oo keliya (soon & salad) ee uu yahay, weligiisna ahaa, aqoon sayniseed had iyo goor cusub oo xaqiiq ah (new scientific truth). Haddaba, wuxuu qoraagu ka afeefanayaa:

  1. in wixii uu qoraagu ku gefo ay tahay wax shakhsi ahaan qoraaga ugu kooban ee ma aha wax ka mid ah Islaamka, wixii uu xaqiijiyaana ay tahay Alle galladdiis;
  2. in uusan soo gudbin doonin wacdiga diiniga ah ee aayadaha Qur’aanka; wuxuu soo gudbinayaa oo keliya awoodda sayniseed ee ka buuxda aayadaha Qur’aanka Kariimka iyo Sunnada (the powerful scientific principals);
  3. in Aayadahaas iyo Axaadiistaas aan loola jeedin mayal-adayg diimeed, iyo xagjirnimo ee loola jeedo oo keliya soogudbinta xaqiiqooyinka sayniseed ee Islaamka. 

2 Qiimaynta iyo qaderinta Qur’aanka iyo Sunnada

Islaamku waa hab-nololeed cusub, cilmi ah oo aan weligii isbedelin ( new scientific way of life). Islaamku ma aha male-awaal aadane, ee waxaa dhaliiltir, dheellitir iyo dhammaystirba isugu daray Allihii awoodda, ogaanshaha iyo ilaaladaba lahaa. Islaamku waa cilmi dabagalkiisa iyo daahfurkiisaba uu leeyahay Allaah oo keliya. Waa aqoon sayniseed waayo wuxuu wax ka sheegaa dhacdo, wuxuu dhacdadaas ka sheegaa xaqiiq, xaqiiqdaasina marnaba ma beenowdo (ever truth). Wax ka horreeyey ama ka dambeeyey oo buriyey ama beeniyey ma jiro. Wuxuu ku salaysan yahay aragti caqliga ogol, cilmi xaqiiq ah, cibrooyin awood weyn leh, abuurayana isbedel cusub oo nololeed. Hase yeeshee, inteenna badani sidaas uma qadderiso Qur’aanka Kariimka iyo sunnada Rasuulka (CSWS).

Qur’aanka Kariimka iyo Sunnada Rasuulku waxay mudan yihiin in la siiyo qiimayn iyo qaderin gaar ah. Waxaa jirta in dad badani ay isku dayaan in ay is-waafajiyaan Qur’aanka Kariimka iyo culuunta sayniska. Waxay ku dadaalaan in uusan Qur’aanku noqon mid dambeeya oo ay waajib tahay in la dhinac wado daahfur kasta oo soo kordha. Arrintaas waxay meelkadhac ku tahay Qur’aanka Kariimka. Waxaa dhacda in dabagal cilmi u muuqda la rumaysto, muddo dabadeed, uu noqdo sidii loo aaminey si ka duwan, amaba ay soo baxdo mid kale oo babi’inaysa gebiba (new theory). Haddaba, Qur’aanka Kariimka waa in la siiyo qiimayn gaar ah, waayo uma dhowa umana dhigmo culuunta kale oo dhan sida aan ku arkidoonno qormooyinka soo socda:

  1. Qur’aanka Kariimku waa aqoon-sayniseed awood weyn leh (powerfull scientific knowledge). Qur’aanku waa awooddii Alle. Wuxuu wax walba ka sheegaa xaqiiqda. Wixii uu beeniyo wax rumayn kara ma jiraan, wixii uu xaqiijiyana wax beenin kara ma jiraan. Sidaa daraadeed, laguma dhererin karo Qur’aanka Kariimka nooc kasta oo cilmi ah si kasta oo ay u yihiin xaqiiq. Haddii, haddaba, ay timaaddo tijaabo sayniseed aad loo rumaysto, hase yeeshee, aan waafaqsanayn Qur’aanka Kariimka, tijaabadaasi ilaa ay ka waafaqdo Qur’aanka Kariimka waxay ku jireysaa horumarin iyo odoros joogto ah. Qur’aanku waa aqoon sayniseed awood weyn leh;
  2. Qur’aanka Kariimka waa la waafaqaa ee isagu waxba ma waafoqo (the standard). Qur’aanku waa cilmi xaqiiq ah oo wax burin karaa ayan imaan intii ay jirtey taariikhda daahfuryada dunida saynisku. Haddaba, Qur’aanku uma baahna in lala hoos cararo wax aan la ogayn xaqiiqdooda oo u baahan baaritaan qaata muddo aad u dheer. Muxkamka (provable) iyo mutashaabaha (improvable) ee Quraanku midna uma dhigmo nooc kasta oo cilmi kale ah. Aragti kasta oo cusub ilaa ay ka waafaqdo Qur’aanka Kariimka waa in lagu hayaa baaritaan iyo odoros. Sidaa daraadeed, Qur’aanka ayaa assal ah oo la waafaqaa ee isagu wax ma waafoqo.
  3. Qur’aanka Kariimka waa la xigtaa ee isagu waxba ma soo xigto (the reference). Qur’aanku ma aha male-awaal iyo male-odoros ee horay iyo gadaalba waa xaqiiq. Taas oo macneheedu yahay in uusan isla bedelin isbedelka iyo horumarinta lagu hayo culuunta kale. Haddaba, Qur’aanku isaga ayaa ah midkii laga shidaal qaadanayey ee isagu waxba kama shidaal qaato;

(Macluumaadkan oo aad u fidsan waxaad ka heli kartaa cadadka saddexaad ee NOLOLI WAA BIYO, cinwaanka 15.3).

3 Mabaadii’da cilmibaarista casrigan ee Islaamka

Qur’aanku wuxuu aasaas dhab ah u noqday mabaadii’da looga baahan yahay cilmibaarista casrigan cusub. Waxyaalaha muujinaya in Qur’aanka Kariimku uu saldhig u ahaa cilmibaarista muhiimka ah oo dhan waxaa ka mid ah:

  1. Baahida loo qabey (necessity): Qur’aanka waxaa la soo dejiyey xilli baahi aad u weyn loo qabey in la helo aqoon garaadka aadanaha toosisa oo haddana kala duwan. Arrintani waxay noqotay xeer weligiis taagan: cilmibaaris kasta waa in ay jirto baahi sabatay;
  2. Cusaybka (novelty): Qur’aanku wuxuu ahaa mabaadii’ sayniseed oo cusub, wuuna ka duwanaa wixii horey loo yaqaanney ama la akhrin jirey oo dhan. Qur’aanku wuxuu ahaa xaqiiq cusub oo cilmi ah. Tani waxay noqotay mid weligeed taagan: cilmibaaris oo dhan waxaa looga baahan yahay in ay soo kordjiso xaqiiq cusub;
  3. Assal ahaanta (originality): cilmibaaris oo dhan waxaa looga baahan yahay in isha akhbaarteedu ay tahay mid qura, taasoo ah in ay ka yimaaddaan kuna dhamaadaan qofka ama kooxda barista samaysay, ama ayan horay u jirin iyadoo qaab kale ah. Qur’aanka iyo Sunnada nebigu (CSWS) waxay lahaayeen hal il oo keliya, Nebi Maxammed (CSWS). Sidaa awgeed, Qur’aanka iyo Sunnaduba waa original sida looga baahan yahay cilmibaarista cusub ee casrigan;
  4. Xaqiiqnimada (scientific truth): wax kast oo farsamo ahaan xaqiiq u ah (technically true), ama xisaabin ahaan xaqiiq u ah (mathematically true), ama caqli ahaan xaqiiq u ah (logically true), ama adeegsi ahaan xaqiiq u ah (practically true), waxaa la yiraahdaa saynis ama scientific. Haddaba, Qur’aanka Kariimka iyo Sunnaduba si walba waa xaqiiq sayniseed oo aan weligii isbedellin ama aan isburin sida looga baahan yahay baariscilmiyeedka xaqiiqda ah;
  5. Saamaynta nolosha (effect on one’s life): mabaadii’da sayniseed ee Qur’aanka iyo Sunnadu waxay saamayn aad iyo aad u weyn ku yeesheen nolosha aadanaha oo dhan. Waxay ku dhaliyaan qofka iyo qoomiyaddaba isbedel aan jujuub ahayn, isbedelkaas oo qurux iyo qiime gaar ah ku soo kordhiyey tayada nolosha aadanaha. Wuxuu isbedelkaasi abuuraa in qofku yeesho dhaqan cilimiyeysan (scientific culture), in uu yeesho shakhsiyad wanaagsan iyo mustawe nololeed oo sarreeya.

Sida muuqata, mabaadii’da aasaaska u ah cilmibaaris oo dhan waxaa laga soo minguuriyey Islaamka. (Macluumaadkan oo aad u faahfaahsan waxaad ka heli kartaa cadadka saddexaad ee NOLOLI WAA BIYO, cinwaanka 15.4). 

4 Qaar ka mid ah daahfuryada sayniseed ee casrigan ee Islaamku (some of the modern scientific discoveries of Islam) Mabaadii’da sayniseed ee Islaamku aad iyo aad ayey u fara badan yihiin, waxaanse ka bixineynaa 3 tusaale oo keliya.

  1. A) Microbiology & epidemic control

Nebi Maxammed (CSWS) wuxuu yiri sidatan:

 “Qofkiinna yuusan ku kaadin biyaha fadhiya ee aan soconnin dabadeedna  yuusan ku qobeysan. (waxa wada weriyey: Bukhaari, Muslim, Tirmidi,  Ibnidauud, ikk).

Sida ka muuqata xadiiskan, muddo laga joogo 14 qarni, Islaamku wuxuu mammnuucay in lagu kaadiyo ama lagu saxaroodo biyaha fadhiya ee aan soconin oo haddana uu qofku doonayo in uu dib u isticmaalo biyahaas. Sababta loo mamnuucay waxay salka ku haysaa in saxarada iyo kaadida ay la socdaan baktiiriya aad iyo aad u fara badan, cadad ahaan, una kala duwan, noocyo ahaan, kuwaas oo halis geliya caafimaadka basharka iyo beesha oo idil. Wuxuu xadiisku tilmaamayaa farqiga u dhexeeya biyaha fadhiya (sida harooyinka) iyo kuwa qulqula (sida webiyada, ceelasha). Wuxuu kale oo xadiiskani tilmaamayaa habka isnadiifinta dabiiciga ah (natural depuration) ee biyaha qulqulaya  massafo dheer, marka loo eego kuwa fadhiya ee aan iska nadiifin baktiiriyada. Wuxuu xadiiskani bulshada ku baraarujiyey 3 arrimood oo aad muhiim u ah:

  1. Tilmaamidda ilaha biirowga (indicating the sources of polution),
  2. Dareengelinta ummadda (public awareness) iyo
  3. Kahortagga ciribxumada (outbreak and epidemic control).

Wuxuu Islaamku arrimahan ka digey xilli uusan aadanuhu waxba ka garanayn dulinka cudurrada dhaliya ama fidiya (pathogenic microorganisms).

Sida xaqiiqdu tahay, biyaha fadhiyaa iskama nadiifiyaan baktiiriyada, hase yeeshee, biyaha qulqulayaa way iska nadiifiyaan dulinka ayagoo adeegsanaya habab kala duwan sida:

Floating, assimilation (isku-dhexbaabi’inta biireeyaha biyaha dhexdooda), sedimentation (ruushiyeynta salka la fariisiyo), precipitation, perculation (qulqulinta biireeyaha masaafo fog ee dhulka dushiisa ama dhexdiisa), oxidation, dilution (barxidda iyo biyeynta biireeyaha), dispersion (kalaluminta biireeyaha), dissociation (kalasoocidda atamada danabaysan ee biireeyaha); dissolution (milidda iyo kala daadinta biireeyaha biyaha dhexdooda) ikk.

Xadiiskani wuxuu gunaanad  u yahay takhasusyo gaar ah oo lagu barto laamaha kala duwan ee sayniska sida:

Public Hygiene and Sanitation,

Public Protection and Epidemic Control,

Microbiology and Infective Diseases,

Water quality: prevention and control etc.

Mabda’an sare wuxuu ka mid yahay mabaadii’da sayniseed ee Islaamka oo aad u awood weyn, wuxuuna aad iyo aad sare ugu qaadayaa tayada nolosha aadanaha. Sidaas oo ay tahay, mudada dabagalkiisu wuxuu qaatay wax aan ka badnayn sekenno, looma isticmaalin sheybaarro waaweyn, qalab aad u horumarsan oo qaali ah, iyo dhaqaale xooggan toona sida lagu yaqaan daahfuryada iyo dabagallada cilmiga ah ee dadsameegu. Xaqiiqdii, nebigeennu ma uusan ahayn Microbiologist, hase yeeshee, wuxuu ku hadlayey ayaa ahaa Waxyi loo waxyoodey.

  1. B) Brain chemicals/Hormones:

Mabaadii’da sayniseed ee Islaamka ee aad muhiimka u ah waxaa ka mid ah kan soo socda. Nin saxaabi ah ayaa rasuulkeenni (CSWS) weydiistey talo wanaagsan oo uusan qof kale weydiisan. Wuxuu rasuulku ninkii 3 goor ugu jawaabey: 

Ha xanaaqin! … Ha xanaaqin! … Ha xanaaqin!                  (waxaa weriyey: Bukhaari,

Muslim, Tirmidi, Ibnidaa’uud ikk).

Waxaa mabda’an oo kale la mid ah:

Bashaashada wejiga walaalkaa waa sadaqo (Xadiis)!

Waxaa isweydiin leh: maxay tahay dhibaatada ku jirta haddii qofku xanaaqo?

Waxaa si sahlan loo oran karaa, masiibo oo dhan waa xanaaq.

Marka qofku xanaaqo ama cabsado, xaaladdiisu waxay gaari kartaa meel halis ah. Marka qofka lagu yiraahdo hadal gef ah, ama uu helo khabar foolxun, ama bulshoweynta ay uga timaado cabsi aad u daran, wuxuu qofku bilaabaa in uu jawaab ka bixiyo, taas oo macneheedu yahay hormoonka jawaabta (reaction/responsive hormones), loona yaqaan Norepinephrine, Cortisol, Adrenaline ikk. Wuxuu qofku noqonayaa mid didsan; mararka qaarkoodna ay weheliyaan welwel, wadne-garaac, neeftuur iyo gacan-ka-hadal.

Marka qofku xanaaqo ama cabsado, hoormoonnadani waxay la wareegaan shaqooyinkii xubnaha iyo habdhisyada jirka oo dhan si ay qofka u samatabixiyaan, waxayna jirka geliyaan xaalad gurmad degdeg ah (emergency). Waxay kordhiyaan garaaca wadnaha si maskaxda loo gaarsiiyo dhiig iyo ogsijiin, waxayna kiciyaan cadaadiska dhigga. Waxay kordhiyaan sonkorta dhiigga (glucose) si loo kordhiyo tamarta qofka. Waxay heegan geliyaan habdhiska dheefshiidka, neefsiga, dhiigwareegga ikk. Marka falkii ama khabarkii kiciyey xanaaqa ama cabsida laga gudbo, hoormoonnadu waxay ku noqdaan heerkoodii caadiga ahaa. Hase yeehsee, marka xaaladdii kicisay xanaaqa ama cabsidu ay dabadheeraato, waxaa joogto noqonaya shaqada adrenaline, cortisol ikk. Taasi waxay sababtaa in ay kala gooyaan shaqooyinka habdhisyada jirka oo dhan, waxana qofka ku bilowda dhibaatooyin caafimaad oo aad iyo aad u qallafsan sida:

  • Wadne xanuun, dhiig-kar iyo sonkorta dhiigga oo cirka isku shareerta;
  • Quus iyo qalbijab (Depression) iyo culays-saar/culayslun (Weight gain/loss);
  • Himilo xumo, hurdo xumo, iyo Dareen joogto ah (Anxiety);
  • Xasuus xumo, timaha oo hoobta ama cirrooba iyo kuwo kale oo aad u tiro badan. Marka qofku waayo bashaashada wejiga ee walaalkiis/walaashiis waxaa islamarkiiba ku bilowda cabsi iyo feker, waxaana samaysma hoormoonnada loo yaqaan sad hormons, waxaa ku bilowda daal, xusuus luminta, iyo cilmiga oo ka tirtirma.

Weedha ah: bashaashada wejiga walaalkaa waa sadaqo ama ha xanaaqin waa weedho aad u kooban oo sahlan, hase yeeshee, waxay xambaarsan yihiin awood sayniseed aad u weyn. Haddaba, waxaa qof walba lagu waaninayaa in uu qaato talada Nebigeenna (CSWS), uuna iska ilaaliyo xanaaqa iyo cabsigelinta, waayo waxay soo jiidi karaan dhibaatooyin caafimaad oo aad iyo aad u qallafsan. Mabda’an sare wuxuu ka mid yahay mabaadii’da sayniseed ee Islaamka ee leh awood  aad u weyn (powerful scientific truth), wuxuuna aad iyo aad sare ugu qaadayaa tayada nolosha aadanaha.

(Macluumaadkan oo aad u faahfaahsan waxaad ka heli kartaa cadadka saddexaad ee NOLOLI WAA BIYO, cinwaanka 15.5).

  1. C) Qur’aanka iyo dacallada qaaradaha (Plate tectonics):

Mabaadii’da sayniseed ee Islaamka waxaa ka mid ah kan soo socda. Allah ayaa Qur’aanka Kariimka ku sheegay sidatan:

            Miyeyan arkayn in aan la imaanayno dhulka annagoo dacalladiisa soo    gaabinayna2.

                                                                       (Qur’aan Kariim, Al-Anbiyaa’, A: 44).

Haddii Aayaddan  si toos ah loo fasiro, waxaa looga jeedaa in dhulku soo gaabanayo kana soo gaabanayo dacallada. Haddiise lagu fasiro aragti iyo indho geology-yeed, waxay Aayaddani yeelanaysaa faham aad u ballaaran oo ku saabsan Plate tectonics iyo dacallada qaaradaha (plate tectonic boundaries).

Dhulku wuxuu leeyahay meelo ama dacallo uu ka kala fuqo oo uu ka fido, iyo dacallo uu iska hardiyo, ama uu ka burburo oo uu ka soo gaabto, waxaana dhammaantood la isku yoraahdaa dacallada qaaradaha – margines of plate tectonics ama Plate Tectonic Bounderies.

Aayadda sare waxay gaar ku tahay oo keliya dacallada qaaradaha ee dhulku ka burburo ama ka soo gaabto, waxaana loo yaqaan converging margines. Dacallada qaaradaha ee dhulku ka soo gaabto waxaa lagu yaqaan dhulgariir aad u tiro badan iyo Tsunami sida Japan iyo cirifka kale ee badweynta Pacific. Sida xaqiiqdu tahay, dhulku wuxuu leeyahay dacallo uu ka fido iyo kuwo uu ka soo gaabto sida uu sheegay Qur’aanka Kariimku. Haddaba, Qur’aanka Kariimku waa xaq, wixii uu sheegaana waa xaqiiq awood weyn leh, dhulku wuxuu leeyahay dacallo uu ka soo gaabto (power scientific truth, eeg shaxanka hoose). (Macluumaadka ku saabsan Plate Tectonics ee Qur’aanka Kariimka oo dhammaystiran waxaad ka heli kartaa cadadka saddexaad ee NOLOLI WAA BIYO, cutubka 16aad).

Mabda’an sare wuxuu ka mid yahay mabaadii’da sayniseed ee Islaamka ee awoodda weyn leh, hase yeeshee, aan lagu baraarugsanayn, ama aan la siinin fiiro gaar ah. Islaamku waa isbedel cilmi ah oo kor u qaadaya tayada nolosha aadanaha, caqliga ogol, haddana aan wakhtiga iyo waayuhuba bedelin (ever truth).

Shaxanka 1: Dacallada ay qaaraduhu ka soo gaabtaan (Warfa Abdi, in preparation). 

shax

Reference: NOLOLI WAA BIYO, Cadadka Saddexaad: Islaamka iyo aqoonta biyaha

La soco qeybta 2-aad Insha Allah

]]>
http://caasimadda.com/xaqiiqooyinka-sayniseed-ee-islaamka/feed/ 0
Mucjisada meeraha Mars (Magaca محمد NNKH oo ku qoran) + DAAWO VIDEO http://caasimadda.com/mucjisada-meeraha-mars-iyo-wixii-allah-uu-ka-yiri-video/ http://caasimadda.com/mucjisada-meeraha-mars-iyo-wixii-allah-uu-ka-yiri-video/#comments Fri, 03 Oct 2014 04:16:14 +0000 http://caasimada.com/?p=13448 More »]]> Run buu sheegay Illaah markuu yiri 

سَنُرِيهِمْ آيَاتِنَا فِي الْآفَاقِ وَفِي أَنفُسِهِمْ حَتَّى يَتَبَيَّنَ لَهُمْ أَنَّهُ الْحَقُّ أَوَلَمْ يَكْفِ بِرَبِّكَ أَنَّهُ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ شَهِيدٌ } فصلت:53

 ”Waxaan tusin doonaa iyaga calaamooyinkayaga kamuuqda koonka iyo nafahoodaba jeer ay noqota wax cad inuu yahay (Qur’ aanku) xaq. Ma waanu ku filleyn Rabbigaa inuu wax waluba ka yahay marqaati”? Suuradda Fusilat: 53.

Mucjiso cajiib ah ayaa lagu arkay meeraha Mars (Mariikh). Intaanse kuusoo bandhigin mucjisadaasi, bal wax ka ogow Meerahani kamidka ah sagaalka Meere ee koonkani.

MARS (Mariikh)

Meeraha Mars oo ah meeraha ugu abtirsiinta iyo asalka dhow dhulka, Somaliduna u taqaano Faraare Carabtuna Mariikh waa meeraha ugu abtirsiinta dhow meerayaasha hab qorexeedkeena, taasoo loola jeedo muuqaalka iyo samayska oogadiisa sare.in kastooMars uu cadceeda kaga wareego majiire kabaxsan ka dhulkeenu kaga wareego Qorraxda, baaxadiisuna la’ egtahay dhulkeenna badhkii ayaa ilaa casru jaahiligii waxaa lagu mataanayn jirey dhulka.

Labadii sanadood iyo labadii biloodba hal mar ayay Mars iyo Dhulku aad isugu soo dhawaadaan waqtiyadaas oo kalena waxaa suurta gal ah in aaldaha fudud ee wax lagu jeedaaliyaa ay kuu suurta geliyaan inaad dushiisa wax kadheehan karto, xiliyadaas ay aadka isugu dhaw yihiin labadan meere waxuu Mars habeenkii oo dhan kamuuqda cirka isagoo xiddig casuus if weyn leh ah, isku soo dhawaanshaha laba Meere waxay xeel dheerayaasha culuumta Astronomy-gu ugu yeeraan opposition.

Marka laga soo tago waqtigaa ay aadka isugu dhow yihiin dhulka iyo Mars wuxuu isagoo aan sidii hore u iftiin badnayn waaberiga  hore uga muuqdaa dhinacabari halka maqribkiina laga arko dhinaca galbeed, sababtoo ah masaafada ay xiligan dhulka iyo Mars isu jiraan ayaa ah mid aad ukala durugsan.

Ilaa hada waxaa gaaray dayax gacmeedyo xadi leh, waana meeraha loogu aqoonta badan yahay ama waxa ugu badan laga og yahay marka loo eego kuwa kale ee soo haray.

Mars guudkiisu waa lama degaan engegan oo aad u qabow badan, hawo aad khafiif u ahina kuxeeran tahay, mana jirto ilaa hada wax muujinaya in Mars nololi kajirto, waxaan iyana weli laysku waafaqsanayn hadii Cimiladiisa maanta oo balaayiin sano kahor u eg mid Rays lahaan jirtey in markay u yartahay Microbs kasuurtoobayey.

Inta Aadamuhu garanayo wuxuu Meerahan dhulka ugu soo dhowaadey sanadkii 2003Mars oo lagu tilmaami karo lamadegaan qabow, heerkulkiisuna mar walba aad uga hooseeyo Eberka, hadana waxa sawirada ay dayax gacmeedyadu kaqaadeen muujinayaan Volkaanooyin laxaad lahaa oo haddeer xasilay Gebiyo aad udhaadheer iyo togag aad moodo inay mareen daadad wixii is hortaagaba xambaaranaya, dhul usansaan eg in daadad laxaad lihi kusoo rogman jireen iyo weliba dhu-dhubo iyo weliba ilo daad mareena ah, kuwaasoo lagu macnaystay in mudo haatan laga joogo 3 bilyan oo sano kahor inay meelahani ahaan jireen dhul qoyan.Waxa hadaba jira qaybo kale oo kamida meerahan oo aan waxba kaduwanayn Dayaxa dhulkeenan kuwaasoo ay si aan xad lahayn ugasii muuqdaan haarihii ay gaadhsiiyeen Commets kudhacay, taana waxaa lagu macneeyey in qaybo kamida Meerahani aanay is doorinba taniyo maalintii Eebe dhidibada utaagey.

Iyadooy sidaa tahay ayaa hadana Meerahani dhanka kale aad uga duwan yahay Dayaxeena, sababtoo ah wuxuu leeyahay xilli waqtiyeedyo iyo weliba cimilo,mararka qaarna waxoogaa baraf ah ayaaba ka da’a.

Dayax gacmeedka Viking-2-Landers 1997 (© NASA, JPL), ayaa sidaasi soo sawiray.

Mars waa meeraha ugu mucjisooyinka badan Meerayaasha hab qorraxeedka, Johanes Keppler ayuu ahaa aqoonyahankii ugu horeeyey ee bartamihii qarnigii 17d ogaadey isagoo kashidaal qaadanaya baaritaano fara badan oo uu xaga xiddigiska kusameeyey inaanay Meerayaashu si masaafadoodu isku mid tah ugu wareegin Cadceedda  ee marna ay kadheeraadaan marna kusoo dhowaadaan, markii lasoo gaaray qarnigii 19d iyo 20dna waxaaba dadka intooda badani aaminsanaayeen inay dur-duro waaweyn oo biyo mareena ahi kajiraan oogada sare ee Mars.

Haddii aad wax ka ogaatay meerahani bal immika daawo videogan hoose si aad u aragto mucjisada Rabbaaniga ah ee ku qoran meerahan, Waxaad arki doontaa in magaca sayidkeena Nebi Muxammed (NNKH) oo Carabi ahaan ah uu ku dul qoran yahay meerahan, taasoo caddeyneysa weynida iyo sha’niga uu Ilaahay siiyey. Waxay kaloo mucjisadani ayidaysaa xaqnimada risaalada Nebi Muxammad (NNKH). Bal adbo, oo eeg insha Allaah.

Runbuuna sheegay markuu Eebbe yiri

سَنُرِيهِمْ آيَاتِنَا فِي الْآفَاقِ وَفِي أَنفُسِهِمْ حَتَّى يَتَبَيَّنَ لَهُمْ أَنَّهُ الْحَقُّ أَوَلَمْ يَكْفِ بِرَبِّكَ أَنَّهُ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ شَهِيدٌ

 فصلت:53 

 Eeg Video-gan!!  

WD: Mohammed Dahir Abdi
Email: mohamed1@live.fi

_______________________________________________
Afeef: Qormadani waxay u gaar tahay qoraha iyo webka caasimada.com, lama copy-yeysan karo idan la’aan.

]]>
http://caasimadda.com/mucjisada-meeraha-mars-iyo-wixii-allah-uu-ka-yiri-video/feed/ 0
DHAGEYSO: Sacuudiga oo ka fekeraya rarista qabriga nabi Muxamad NNKH http://caasimadda.com/dhageyso-sacuudiga-oo-ka-fekeraya-rarista-qabriga-nabi-muxamad-nnkh/ http://caasimadda.com/dhageyso-sacuudiga-oo-ka-fekeraya-rarista-qabriga-nabi-muxamad-nnkh/#comments Sat, 06 Sep 2014 00:00:51 +0000 http://caasimadda.com/?p=132284 More »]]> Madiina (Caasimada Online) – Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay waxaa si weyn looga hadalhayay warbixnno ay qoreen wargeysyo waaweyn oo ka soo baxa dalka Britain, kuwaas oo lagu sheegay in dowladda Sacuudiga ay ka fekereyso qorshe looga rarayo qabriga Nebi Muxammad NNKH halka uu kaga yaalo magaalada Madina.

Wargeysyada the Independent iyo Daily Mail oo warbixintan qoray 1dii bishan ayaa soo xigtay daraasad 61 bog ka kooban oo  wada tashi ku jirta, oo uu qoray aqoonyahan la shaqeeya dowladda Sacudiga tasoo lagu sheegay in qabriga nabiga loo raro qabuuraha al-Baqi ee ku yaala magaalada Madina.

Halkan ka arag warbixinta The Independent 

Waxyaabaha qorshahan loo sababeeyey, ayaa waxaa ka mid ah in laga hortaggo in dadka qaar ay jaceyl dartiis u caabudaan qabriga nebiga NNKH, sidaa darteedna loo rarayo meel aanay cidna aqoon.

Dowladda Sacuudiga, oo arrintan wax laga weydiiyey waxa ay sheegtay inaysan go’aan ku gaarin inay rarto qabriga nebiga Muxammad Calayhi Salaam, balse arrintan wada tashi uu ka socdo. Si kastaba, culimada Islaamka ayaa qalad weyn u arka in xittaa arrintan lasoo hadal qaado.

Dowladda Sacuudiga waxa ay horey u bur-burisay dhismooyin taariikhi ahaa oo ku dhex yaallay masjidka Medina, ayada oo sheegtay inay ballaarineyso oo dadka uu qaadi waayey.

Qabriga Nabiga NNKH, ayaa muslimiinta u ah halka labaad ee ugu barakada badan marka laga reebo kabcada magaalada Makka.

Sheekh Maxamed Ileeye oo imaam ka ah Masjidu Nuur oo ku yaala magaalada Seattle ee gobolka Washington ayaa idaacadda VOA-da ay wax ka weydiisay arrintan iyo xukunkeeda shareecada Islaamka..

Halkan ka dhageyso wareysiga

]]>
http://caasimadda.com/dhageyso-sacuudiga-oo-ka-fekeraya-rarista-qabriga-nabi-muxamad-nnkh/feed/ 0
Daawo: Sheekh SUDAYSA oo ka hadlay arrin aan looga barran oo muhiim ah http://caasimadda.com/daawo-sheekh-sudaysa-oo-ka-hadlay-arrin-aan-looga-barran-oo-muhiim-ah/ http://caasimadda.com/daawo-sheekh-sudaysa-oo-ka-hadlay-arrin-aan-looga-barran-oo-muhiim-ah/#comments Tue, 19 Aug 2014 04:00:08 +0000 http://caasimadda.com/?p=129622 More »]]> Makkah (Caasimada Onine) – Sheekh Cabdi raxmaan Sudeysa, Imaamka Xaramka ayaa khudbadii Jimcaha waxaa uu aad uga hadlay arrin inta badan soo hadal qaadin oo ah siyaasadaha cusub iyo kooxaha Islaamiyiinta caalamka.

Sheekh Sudeysa ayaa ka hadlay khatarta iyo Fasaadka Khawaarijta ay ka wadaan Caalamka Islaamka, waxaana uu aad uga digay dhalinta khayrka jecal in aysan ku kadsoomin beenta iyo hadalka macaan oo ay Khawaarijta ka dhigtaan dabin ay ku dabtaan dhalinta aan diinta wax badan ka aqoon, si ay danahooda ugu fushaan.

Dhibaatada ay kooxaha Khawaarijta ka wadaan dunida Muslinka iyo daadinta dhiiga Islaamka waxaa kugu filan wax ka socda Caalmka Islaamka gaar ahaan Shaam, sida uu soo hadal qaaday Sheekha.

Sheekh C/raxmaan Sudeysa, ayaa waxaa kale oo uu ka hadlay xasuuqa iyo dulmiga ay Yahuudu ka wado Gaza, waxaana uu wax lala yaabo ku sheegay aamuska madaxda dowladaha Islaamka iyo munudamaanka ku wardiya xuquuqda Insanka.

Sheekh C/raxmaan Sudeysa ayaa waxaa kale oo uu umada Islaamka uga digay khilaafka iyo kooxeysiga wiiqay awoodoodii. Sheekh C/raxmaan Sudeysa ayaa sidoo kale u duceeyey dhamaan muslimiinta gaar ahaana waxaa u uduceeeyey muslimiinta Falastiin ee Gaza iyo Muslimiinta Shaam (Suuriya).

Hoos ka Daawo Khudbadii الشيخ عبدالرحمن بن عبدالعزيز السديس uu ka jeediyey Jimcihii la soo dhaafay Khatarta Khawaarijta

]]>
http://caasimadda.com/daawo-sheekh-sudaysa-oo-ka-hadlay-arrin-aan-looga-barran-oo-muhiim-ah/feed/ 0
CADCEEDDU WAXA AY KU SUJUUDDAA CARSHIGA HOOSTIISA (Mucjisada Alle) http://caasimadda.com/cadceeddu-waxa-ay-ku-sujuuddaa-carshiga-hoostiisa-mucjisada-alle/ http://caasimadda.com/cadceeddu-waxa-ay-ku-sujuuddaa-carshiga-hoostiisa-mucjisada-alle/#comments Tue, 12 Aug 2014 00:00:44 +0000 http://caasimadda.com/?p=128554 More »]]> Waxaan maalma aan fogeyn aan aqriyey maqaal uu qorey nin Carbeed oo Mulxid ah, oo diiddan xaqiiqada xaddiiska nebiga (NNKH) uu tilmaamaya ee ah in cadceeddu ay ku sujuudda Carshiga hoostiisa.

Maqaalkaasi wuxuu ninkaa kusoo qaatay inuu ka manaaqashooda xaddiiska nebiga (NNKH), ee ahaa markuu ku yiri Abuu Dar

”Ma garanaysaa Abuu Darroow!! halka ay Cadceeddu aaddo”? Wuxuu yiri ”Allaah iyo Rasuulkiisa ayaa u ogaal badan”. Wuxuu yiri ”Way dhaqaaqeysaa, jeer ay ku sujuudda Carshiga hoostiisa. Taasuna waa

قوله تعالى: (وَالشَّمْسُ تَجْرِي لِمُسْتَقَرٍّ لَهَا ذَلِكَ تَقْدِيرُ الْعَزِيزِ الْعَلِيمِ)
[يس: 38]،

Macnaha aayadda (”Cadceedduna waxay ku oraddaa sugnaanteeda (jid toosan), taasuna waa qadaridda Eebbaha cisiga badan ee cilmiga badan”).

Waxaa soo weriyay Al Bukhaari.

Wuxuu leeyahay, xaddiiskaasi wuxuu ka hor imanayaa xaqiiqada cilmiyeed ee immika laga ogaaday koonka. Waayo waxaanu ognahay in meerayaasha BAHDA AY CADCEEDDU mideysay ay ku wada wareegtaan cadceedda, Cadceedduna ay tahay ta iyada lagu wareegto.

Arrintaasi baa igu qasabtay inaan qormadani baxthiya oo aan soo badhiga sida ugu wanaagsan ee Mulxidiinta noocaasi ah looga raddin karo shubhada mowduucaas.

Ugu horreyn waxaynu ognahay amaba inoo muuqdo in aayadda uu nebigu (NNKH), xadiiskiisa usoo daliishaday ay ku dhammaato labo magac oo kamid ah magacyada Ilaahay (Al Caziiz iyo Al Caliim). Taasuna waxay inoo caddeyneysaa labadii shey ee lagu ogaan kari lahaa cilmiga arrinkaas oo kala ah awood iyo cilmi in Allaha u saaxiibka ah labadaasi aaladood uu inooga qisooday arrinkaasi.

Ee taa ka dib, xaggee baad ka dooneysaan cilmi iyo aqoon?

Xaddiiska nebiga (NNKH) ee tilmaamaya inay dhaqaaqdo Cadceedda ayna sujuudda, wuxuu inoo caddeynayaa labo xaqiiqa oo mud-hil ah.

Xaqiiqada koowaad, waxay tahay in cadceeddu ay dhaqaaqdo, taasina culimada falak-ga ayaa qiray, marka ay yiraahdeen in Cadceedda iyo Bahdeeda (BAHDA AY CADCEEDDU MIDEYSAY) ay ku wareegtaan Mujarradka (Galaxy) ay ka tirsan yahiin ee loo yaqaan Diilinta Gureey, eng; MilkWay , arabic; Mujarrat Darb Addabana. Waxay Cadceeddu ku qaadanaysaa halmar inay kusoo wareegato buqcada dhexe ee Diilinta Gurey 250 million oo sano. Galaxyga Diilinta Gurey oo aanan ahayn midda ugu weyn ee kamidka ah malaayiinta Galaxy ee koonkan ayaa waxay kulmisaa 200 000 000 oo xiddig. Subxana-Allaah!!

Halkaasi, waxaanu u jeednaa in socodka Cadceedda ee xaddiiska iyo aayaddu ay tilmaameen aanu cilmiga ka hor imanayn. Waayo Ilaaha awoodda iyo cilmiga (Al Caziiz iyo Al Caliim) badan ayaa 1400 sano kahor uga qisooday nebigiisa. Waxaynu markaa kadib ogsoonahay in Carshiga Ilaahay uu ka sarreeyo toddobada samo. Sama walubana waxay hoos tagtaa oo ku dahaaran dusheeda samada ka sarreysa. Samada ugu hooseysa waxay ku dul wareegsan tahay koonka oo idil. Koonka oo idil iyo samooyinkana waxaa ku dahaaran Carshiga oo oo Carshiga baa dhan waliba ka jira oo ku dahaaran. Waxaanuna ognahay in wax waluba ay Ilaahay u sujuudaan. Cadceedduna ay Ilaahay u sujuuddaa.

Xaddiiska nebiga wuxuu tilmaamayaa in cadceeddu inta ay socotaba ay mar u sujuudeysa Ilaahay, kadib ay haddana mar kale kusoconeysa idinka Allah. Carshiga bay ku hoos sujuudi, waayo Carshiga koonka oo idil baa ku hoos jira oo u sujuuda. Cadceedduna koonka ayay kamid tahay.

والله تعالى يقول: (أَلَمْ تَرَ أَنَّ اللَّهَ يَسْجُدُ لَهُ مَنْ فِي السَّمَاوَاتِ وَمَنْ فِي الْأَرْضِ وَالشَّمْسُ وَالْقَمَرُ وَالنُّجُومُ وَالْجِبَالُ وَالشَّجَرُ وَالدَّوَابُّ وَكَثِيرٌ مِنَ النَّاسِ وَكَثِيرٌ حَقَّ عَلَيْهِ الْعَذَابُ وَمَنْ يُهِنِ اللَّهُ فَمَا لَهُ مِنْ مُكْرِمٍ إِنَّ اللَّهَ يَفْعَلُ مَا يَشَاءُ)
[الحج: 18].

Xaqiiqada labaad waxay tahay iyana arrin uu cilmiga casriga ka marag kacay. Taasoo ah in aakhirkii ay Cadceeddu marxalada badan oo ay mari doonta kadib ay ku sujuudi doonto halka ay ku dhammaan doonto aayaheeda. Taasuna waa gheybka la ina amray inaan rumeyno, amaba aynu nahay kuwa rumeeyo gheybka maqan. Waana sida kamid ah sifooyinka Mu’miniinta.

(الَّذِينَ يُؤْمِنُونَ بِالْغَيْبِ)

Waxaanuna dhahaynaa intaa dabadeed

(كُلٌّ مِنْ عِنْدِ رَبِّنَا)
[آل عمران: 7]

(رَبَّنَا لَا تُزِغْ قُلُوبَنَا بَعْدَ إِذْ هَدَيْتَنَا وَهَبْ لَنَا مِنْ لَدُنْكَ رَحْمَةً إِنَّكَ أَنْتَ الْوَهَّابُ)
[آل عمران: 8].

WD: Mohammed Tahir Abdi
Email: mohamed1@live.fi
________________________________________________________________
Afeef: Qormadani waxay gaar u tahay qoraha iyo webka caasimada.com

 

]]>
http://caasimadda.com/cadceeddu-waxa-ay-ku-sujuuddaa-carshiga-hoostiisa-mucjisada-alle/feed/ 0