Caasimada Online | Isha Wararka Sugan » Caafimaadka http://caasimadda.com Wed, 01 Apr 2015 10:27:03 +0000 en-US hourly 1 http://wordpress.org/?v=4.1.1 Carruurta kusoo ciyaarta banaanka oo ka indho wanaagsan kuwa guryaha lagu hayo (Warbixin) http://caasimadda.com/carruurta-kusoo-ciyaarta-bannaanka-oo-ka-indho-wanaagsan-kuwa-guryaha-lagu-hayo/ http://caasimadda.com/carruurta-kusoo-ciyaarta-bannaanka-oo-ka-indho-wanaagsan-kuwa-guryaha-lagu-hayo/#comments Thu, 19 Mar 2015 21:30:36 +0000 http://caasimadda.com/?p=153349 More »]]> WD Yusuf Shuqale Hassan

yhamari@gmail.com

Carruurta ayay qasab tahay in lagu dhiirrigeliyo iney dibadda guriga ku soo ciyaaraan si ay uga gaashaantaan aragga indhahooda oo yaraada.

Xaaladda aragti ee ugu daran oo loo yaqaano Myopia ayaa ayadu sababta in waxyaabaha fog fog ay u muuqdaan kuwo cawiran “Blurred” , halka waxyaabaha kugu dhowna aad u arki kartid si waadax ah, laakin tani, waa Myopia’e, waxey kugu hoggaamineysaa indho la’aan.

Inkastoo kiisaska Myopia ay awalba sarreeyeen ayaa hadana qabiir indhaha ku taqasustay oo Australian ah waxey ka digeysaa iney dhaqsa u kordheyso cabsida laga qabo Myopia.

Cilmi baaris ayaa muujineysa in Myopia ku badaneyso dalalka ay ka jirto nidaamka waxbarashada deg degga ah “Intensive Education Regime” kuwaaso carruurta ku qasba iney waqti badan ku bixiyaan joogitaanka guriga.

Prof. Kathryn Rose oo madax ka ah qeybta Orthopedics ee University Of Technology Sydney, ayaa tiri “Waxaanu ogaaneynaa inuu koritaan sare oo Myopia ah jiro, taaso dhibaato weyn nagu keeneysa”

Waxey sidoo kale sheegtay in qodobo xagga deegaanka quseeya ay door weyn ku leeyihiin kobcitaanka Myopia.

“Wey caddahay in arrimo xagga deegaanka ah ay xowli u yeelayaan Myopia, maxaa yeelay baahsanaanta koritaanka ee waddamada qaar ay cirka isku shareertay muddoo tobaneeyo sano ah” ayey tiri Prof. Rose.

“Inkastoo dadku u malayn jireen in Myopia ay tahay Hiddo, laakin haatan waa waadax iney aad u kordheyso, sidaa darteed ma dhihi karo waa wax la iska dhaxlo laakin waxaanu dhihi karnaa waxaa jira qodobo xagga deegaanka ah”.

Waddamada waxbarashada u qiimeeya sida deg degta ah ee carruuta aan inta badan siinin fursad ay bannaanka ku qaataan, ayaa iminka kaalimaha hore kaga jira kuwa helay Myopia, sida ay sheegtay Rose.

Warbixin dhowaan isbar-bardhig ku sameysay ilmaha Chineseka ee ku nool Australia iyo kuwa ku nool Singabore ayaa lagu ogaaday in carruurta Chineseka ee Australia ay ka hooseeyaan heerka cudurada indhaha marka loo eego kuwa ku nool Singabore.

Carruurta Chineseka ee Sydney ku nool ayaa ah 3% kuwa qaba Myopia halka kuwa Singabore ku noolna ay qabaan 29%.

Australia carruurta Chineseka ah ayaa toddobaadkii waxey dibadda ku soo qaataan 13 saacadood, halka kuwa Singabore ay 3 saac oo qura ay dibadda ku qaataan.

“Myopia wax shaqo ah kuma laha Jinsiga qofka ee waa wax la socda qaab nololeedkaada.” Ayey Prof. Rose sheegtay.

Fallaaraha ama waxyaabaha la arkayo ayaa intii ku dhici lahaayeen qeybta dambe Nudaha Iftiinka dareema ee loo yaqaano Retina, waxey ku dhacayaan qeybta hore ee Retina taaso ka dhigeysa in waxii la arki lahaa ay cawir yeeshaan “Blurred”.

Waddanka Australi ayaa 20% dadku qabaan Myopia, UK mid ka mid ah saddexdii qofba waa uu aragti gaaban yahay halka Ameerika ay 24% saameysay shacabka.

Dunida kale, sida Bariga Asia aad bey qubaradu uga digayaan oo wey ku badan tahay.

Wargeyska Nature ayaa sheegay dhalinyarada dalka China ee ka yar 20ka sano ay 90% aragtidoodu gaaban tahay, ayadoo 60 sano ka hor dalkaas China ay ahaayeen 10-20 boqolkiiba dadka aragtida gaaban dhamaan dalka oo dhan.

Sidoo kale qiyaas la sameeyey ayaa sheegeysa in dunida oo dhan saddex meelood hal meel (1/3) ay qabi doonaan Myopia dhamaadka sanadka 2019ka.

Padmaja Sankaridurg oo ah madaxa barnaamijka Myopia ee mac-hadka Brien Holden Vision Institute ee magaalada Sydney ayaa isagu ku dooday “Waxaanu iminka ciriiri gelineynaa waddadii ay mari lahayd Myopia.”

Laakiin Prof. Rose ayaa ka digtay in macluumaadka la heli karo ay aad u xaddidan tahay loona baahan yahay in baaritaanka la sii wado.

“In badan oo ka mid ah tani waa wax aan rasmi aheyn, waxeyna ka imaaneysaa dhaqaatiirta indhaha oo ayagu aad ay u quseyso koritaankan Myopia ee carruurta yar yar”

“Waxaanu ku talineynaa in carruurta ay da’doodu ka hooseyso lix sano jir ay qasab tahay iney bannaanka guriga ku soo qaataan 10 saacadood toddobaadkii taasoo ka caawineysa iney ka hortagaan Myopia” ayay ku soo gabagabeysay Prof. Kathryn Rose.

DHAMAAD

]]>
http://caasimadda.com/carruurta-kusoo-ciyaarta-bannaanka-oo-ka-indho-wanaagsan-kuwa-guryaha-lagu-hayo/feed/ 0
Internetka oo xilli dhow lagu ogaanayo xaaladda caafimaad ee wadnahaaga http://caasimadda.com/internet-ka-oo-goor-dhow-lagu-ogaan-doono-xaaladda-caafimaad-ee-wadnahaaga/ http://caasimadda.com/internet-ka-oo-goor-dhow-lagu-ogaan-doono-xaaladda-caafimaad-ee-wadnahaaga/#comments Sat, 14 Feb 2015 12:39:17 +0000 http://caasimadda.com/?p=149744 More »]]> In shabakadda internet-ka lagu xiro qof wadnihiisa ayaa goor dhow noqon doonta arrin dhab ah ka dib markii ay dhaqaatiirtu soo saareen qalab wadnaha qofka lagula xirayo WiFi si loo ogaado xaaladdiisa taam ahaanshiyo.

Reveal Linq Monitor, waa qalab jooga 2 kun oo ginni, waana qalab yar oo la gelinayo maqaarka meel ku dhow wadnaha si loo helo jawaabta xaaladda caafimaad ee wadnahaaga.

Waxaa uu qalabkaani awood u leeyahay in laga daalacdo wadnaha ka hor inta uusan akhbaarta uu uruuriyey u dirin dhaqaaqiirta iyadoo la isticmaalayo WiFi, waxaana haatan loo istcimaalayaa masrixiyad caafimaad.

Qalabka sarre oo kaa caawin doona inaad internet-ka ku hubiso xaaladda caafimaad ee wadnahaaga
Qalabka sarre oo kaa caawin doona inaad internet-ka ku hubiso xaaladda caafimaad ee wadnahaaga

Waxaa la rajeynayaa inuu qalabkaani noqdo mid muhiim ah oo ay isticmaalaan dadka bukaan socodka ah dhammaadka sannadkaan 2015ka maadaama ay tahay fikrad sahlan.

Doreen Van Der Vliet, oo 77 sanno jir ah, ayaa noqday qofkii seddaxaad ee British ah ee isticmaalay qalabkaan ka dib markii uu wadne xanuun ku dhacay isaga bishii January 2014kii.

Qalabkaan ayaa awood u leh inuu ku siiyo warbixin la xiriirta xaaladda caafimaad ee wadnahaada muddo 46 ilbiriqsi gudahood ah.

Halkaan ayaa waxaad ka arki kartaa waxyaabo kuu sharaxaya sida uu qalabkaani u shaqeynayo
Halkaan ayaa waxaad ka arki kartaa waxyaabo kuu sharaxaya sida uu qalabkaani u shaqeynayo
]]>
http://caasimadda.com/internet-ka-oo-goor-dhow-lagu-ogaan-doono-xaaladda-caafimaad-ee-wadnahaaga/feed/ 0
Doorka ay darmaanta ka qaadan karto xalinta kacsi la’aanta odaygeeda (Aqri) http://caasimadda.com/doorka-darmaanta-ka-qaadan-karto-xallinta-kacsi-laaanta-odaygeeda/ http://caasimadda.com/doorka-darmaanta-ka-qaadan-karto-xallinta-kacsi-laaanta-odaygeeda/#comments Fri, 10 Oct 2014 00:00:25 +0000 http://caasimada.com/?p=9132 More »]]> Ciniinnimada ninka haysaa haddaanay ahayn mid cusbitaal iyo qalliin u baahan, balse tahay mid nafsiyadeed oo waqti ku xiran, u heli meyno ninkaasi dhakhtar kaga wanaagsan darmaan uu jecel yahay iyana jecel oo ku daaweeysa istiimin iyo dhiirri gelin.

Haweeneydu kolka ay aragto in ninkeeda degganaan la’aani hayso, waa inay isweydiisaa haddii ay iyadu sabab u tahay iyo inkale, waana inay tamar iyo taag waxay leedahay isugu geysaa sidii ay gacalkeeda u badbaadin lahayd. Waa inay raaxadeeda qayb kamid ah u hurtaa sidii ay wax waliba dabeecigoodii ugu soo laaban lahaayeen. Waa inay dib ugu hurisaa qalbigiisa dab jacayl isaga oon dareemin, tiiyoo intay mar waliba miraayadda hor tagto oo hadba meel iska jebiso dhar cusubna qaadato, beddesha habkii ay u shanleysan jirtay iyo barafuunnadii ay isticmaali jirtay. Waa inay ku dadaashaa cuntada ay siiso, iyada oo wax waliba ka hor marinaysa cuntooyinka rabitaankiisa kiciya sida; kalluunka, hilibka, beerka, ukunta, cabitaannada la miiro, iwm.

Sidoo kale waa inay guriga quruxdiisa ku dadaashaa, kolka ay ninkeeda la joogtana si waayo aragnimo ah isugu dartaa ereyo jacayl, xodxodasho iyo kaftan. Haweeneyda uu ninkeedu ciniin noqdo waxaa lagama maarmaan ah inay waqtiga galmada u dhaqanto si xilkasnimo ku jirto, sababta oo ah ninka caynkaasi ah oo ka dareema xaaskiisa degganaan la’aan waxaa u kordha dhaawac iyo quus dheeraad ah. Waa inay ismoogeysiisaa ciniinnimada ninkeeda, kaftan iyo faracayaarna ugu dhaqaaqdaa. ninku kolka uu arko xaaskiisa isku darsatay qurux, soojiidasho iyo furfurnaan, waxaa markaasi sare u kaca rabitaankiisa jinsi.

Waxa la’isku raacay in dumarka waqtiga galmada reema, ereyada ay dheguhu ku raaxaystaanna ku aadaaraa ay toosiyaan dareenka ragga kuwa ugu ciniinsan. Waxa la yiri nin baa mid kale weydiiyey: “Dumarkiinna ka warran”. Markaas buu ugu jawaabay: “Waxay ku daran yihiin dhunkashada, dhuuqmada iyo lugo dhinac ka marinta”. Markaas buu kii su’aasha keenay intu yiri: “Kol haddaanay inta aad sheegtay qaylo dhaan ku dereyn aniga way iga dhinteen” halkii uga dhaqaaqay.

Waxaa la yiri: (Nin baa u yimid Cali bin Abii-Dhaalib (RC), kuna yiri: “Amiirul-Mu’miniinow waxaan qabaa naag markaan utegayo tiraahda: (Waad idishay..waad idishay!). Markaas buu Cali (RC) ku yiri: “Dil anigaa diyadeeda bixinayee”).

Haddaba haweeneyda, ha qabo nin ciniin ah ama mid calaacul sitaaye, waxaa laga doonayaa inay ninkeeda dareensiido inuu khatar yahay oon ragannimo u laabnayn, geedkiisana xumaan iska daaye aanay asagaba xamili karin, xitaa  haddaanay ayadu xaajo ka lahayn.

W/D: Sabriye Macallin Muuse.

]]>
http://caasimadda.com/doorka-darmaanta-ka-qaadan-karto-xallinta-kacsi-laaanta-odaygeeda/feed/ 0
Asalka Cabista Sigaarka oo la ogaaday meesha uu Salka ku Hayso. http://caasimadda.com/asalka-cabista-sigaarka-oo-la-ogaaday-meesha-uu-salka-ku-hayso/ http://caasimadda.com/asalka-cabista-sigaarka-oo-la-ogaaday-meesha-uu-salka-ku-hayso/#comments Sun, 10 Aug 2014 21:49:25 +0000 http://caasimadda.com/?p=128445 More »]]> Hadii aad Sigaarka Cabto marka hore ugow Meesha laga keenay Cabista Sigaarka, kadibna Go’aan gaar.

Cabista Sigaarka waxay nooga Timid dhaqamo shisheeye, mana ka mid aha dhaqamadii wanaagsanaa ee soomalidu lahayd.

Dhaqan kasta oo aynu aragno waxa uu hoos tagaa Diin ama Caado umad leedahay.

Sigaarku waa Shay Dab ah oo afka laga Cabo, kadibna Sanka laga soo Daayo Qiiq Madow oo soo dhex maray sambabka Qofka Binu aadamka ah.

Hadaba Rumayso ama ha Rumaysan  Cabista Sigaarka waxa laga keenay mid ka mid Diimaha  aduunka ugu Waaweyn, Dhiintaas oo ah Diinta  Kiristaanka.

Qofkii Cabana waxa uu Fulinaya mid  ka mid ah Dhaqamada Xunxun ee ku qoran Bible-ka Gaalada.

Kitaabka Gaalada ee loo yaqaan Bible-ka ayaa si Xun oo anshaxa ka Baxsan u Caayey ilaahay isagoo ku sifeeyey in uu afka Shay Dab ah Gashto kadibna uu Sankiisa kazoo Daayo Qiiq oo waliba Qiiqaas uu kazoo Baxo Labada Dalool ee Sankiisa !!!!.

Sidaas Daraadeed ayaa Culimadi Kiristaanku ay u soo saareen Sigaarka si ay U sameeyaan waxay aaminsan yihiin oo ah in ilaahay sidaas sameeyey !!!.

Hadaba Akhriso Meesha ay kaga Qorantahay Bible-ka Arintaas, iyadoo Saddex Luqadood ah, Luqadda Carabiga, Luqadda English-ka iyo Luqadda Soomaliga.

Buuqa SAMUEL 2, Chapter 22, Farqadiisa 9:

صَموئيلَ 2 : الأصحَاحُ الثَّانِي وَالْعِشْرُونَ

9صَعِدَ دُخَانٌ مِنْ أَنْفِهِ، وَنَارٌ مِنْ فَمِهِ أَكَلَتْ

2 SAMUEL 22:9

Smoke went up from his nostrils and devouring fire from his mouth

Hadii la Somali Gareeyo waxay noqon:

“Qiiq ayaa kasoo baxay sankiisa, afkiisana waxa uu galiyey dab la cunayo”.

Hadaba Sigaarka oo ah Wax dhib mooyee aan wax Anfac ah lahayn ayaa hadana waxa intaas u sii dheer in uu salka ku hayo Cayda ilaahay ay gaaladu Caayeen (Casa Wajalla).

Fadlan Hadii aad Sigaar Cabto marka hore ogow Asalka Sigaarka meesha uu ka yimid Kadibna Go’aan ka gaar in aad Rumayso oo aad Raacdo Waxa ku qoran Bible-ka iyo in aad Beeniso Waxa ku qoran Bible-ka oo aad joojiso Cabista Sigaarka.

Hadii aad Joojiso Cabista Sigaarka, Asxaabtaadana u sheeg si ay uga Joogsadaan aafadaas nalooga dhigay dhaqan suuban laakin ah dhaqan iyo diin shisheeye.

W/Q: Maxamud Xasan Naagadoon

E-mail: Jamaalxm@gmail.com

 

 

]]>
http://caasimadda.com/asalka-cabista-sigaarka-oo-la-ogaaday-meesha-uu-salka-ku-hayso/feed/ 0
VIRUS-KA HIV OO DAWO LOO HELAY !! http://caasimadda.com/virus-ka-hiv-oo-dawo-loo-helay/ http://caasimadda.com/virus-ka-hiv-oo-dawo-loo-helay/#comments Fri, 04 Jul 2014 00:15:42 +0000 http://caasimadda.com/?p=123511 More »]]> Saddex carruur ah ayaa shaaca laga qaaday in laga daaweeyey viruska HIV ee dhaliya cudurka AIDS-ka ka dib markii si kacdoon leh loogu daweeyey nooc cusub oo dawo ah saacado yar uun ka dib dhalashadooda. Waxaa jira ilmo afaraad oo heerka awoodda virusku uu aad u hooseeyo marki ayaguna la siiyey dawo la mid ah tan saddexdan carruur ay ku bogsoodeen.

Helitaanka dawadani cusub ayaa noqon doonta qodobka ugu weyn ee looga hadli doono kulanka bishan July 20keeda ilaa 25keeda lagu qaban doono magaalada Melbourne ee dalkaasi Australia, kaasoo looga hadli doono cudurka halista ah ee AIDS-ka. Saynisyahanada ayaa rajo weyn ka qaba in tani ay hirgali doonto.

Wali lama oga da’da ilmahan yar laakiin waxaa la filayaa in laga shaacin doono marka 14 kun oo ergo oo ka kala socda 200 oo dal ay isugu yimaadaan Melbourne si ay u wadaagaan horumar iyo cilmi baaris kuwii ugu dambeeyey ee quseeya HIV-AIDS.

La guddoomiyaha kulanka AIDS 2014 ayaa warbaahinta ugu sheegay Australia in inkastoo ay dad ku sifeeyeen tani Dawo, hadana aan wali si rasmi loo gaarsiin Karin heer Dawo.

hiv treated“Haatan dhaqaatiirtu war kama hayaan haddii carruurtaasi ay dawoobeen iyo in kale. Arrinta kaliya ee ay sheegi karaan ayaa ah haddii ay joojiyeen viruskii HIV” ayey tiri Prof. Shaaroon.

“Aad baan ugu faraxsanahay maxaa yeelay afar carruur ah ayaa dhaqsaba la daweeyey markii dhasheen kadib, markii ay dhaqaatiirtu isku dayeen mar kale waa ay soo heli waayeen in virus ku jiro dhismaha jirka ee carruurtan.”.

“Dadka qaar laga yaabee 10% oo goor hore qaatay dawo ayaa hadda viruskoodu yahay mid la ilaalin karo.”.

“Si walbo ha ahaatee waa inaynu maanka ku heynaa in waddada kaliya ee carruurta looga daweyn karo HIV ay tahay in hooyada lala tacaalo xilliga ay uurka leedahay.” Ayey hadalkeeda ku soo gabagabeysay Prof. Shaaroon.

Ka dib markii viruska laga yareeyey hooyooyinka carruurtaasi , ayaa afarta carruur ee reer Canada waxaa la siiyey tan ama dosage aad u sarreeya oo dawoantiretroviral ah (waa dawo looga hortago retrovirus sida HIV).

Warka ku saabsan afarta carruur iyo arrintoodan guusha leh ayaa yimid sanad ka dib marki la shaaciyey ilmihi ugu horreeyey ee laga daweeyo HIV..

Ilmo ku dhashay Mississippi, USA sanadkii 2010, ayaa laga cirib tiray viruska 2013-kii.
Hooyada dhashay ilmahaasi ayaa ogaatay in ay qabto HIV markii ay usoo dhowaatay in ilmaha dhasho kolkaasoo ay ka gaari Karin in ay sameyso ficil ka hor tag ah oo caawin kara ilmaha aan dhalan ineysan qaadin HIV.

Dr Hannah oo associate professor ka ah University Of Mississippi qeybta cilmiga pediatrics  ee caruurta, kuna taqasusay HIV-ga ayaa siiyey saddex dawo oo antiretroviral ah markii ay 30 saacadood ifka joogeen.

29 cisho ka dib markii la baaray ilmahan reer Mississippi ah waxaa laga waayey wax virus HIV ah dhismaha jirkooda, wax dib ugu soo laabtayna ma jirin markii laga joojiyey dawadii dhaqtarku siinayey.

Si kastaba ha ahaatee afartan carruur ee reer Canada ee aan kor ku soo xusnay ayaan wali laga joojinin dawadii ayadoo dhaqaatiirtu aysan awoodin in ay go’aan ka gaaraan in virusku soo laaban karo iyo in kale haddii ay dawada ka joojiyaan.

Qalinkii Yusuf Hamari
yhamari@gmail.com ]]> http://caasimadda.com/virus-ka-hiv-oo-dawo-loo-helay/feed/ 0 Kaalinta ay GAAJADA iyo DHEREGTA ku lee yihiin Galmada (Keebaa ku fiican?) http://caasimadda.com/kaalinta-ay-gaajada-iyo-dheregta-ku-lee-yihiin-galmada-keebaa-fiican/ http://caasimadda.com/kaalinta-ay-gaajada-iyo-dheregta-ku-lee-yihiin-galmada-keebaa-fiican/#comments Sat, 31 May 2014 23:30:41 +0000 http://caasimada.com/?p=15985 More »]]> Cunto la’aan ama qofka oo baahan (qofka oo qatan) wuu galmoon karaa haddii uu caafimaad qabo oo uu xooggan yahay, inkasta oo aysan fiicneyn.

Inta badan waxa fiican in uu san qofku galmo sameynin, haddii uu:-

– Gaajeysan yahay ama uu san cunto fiican soo cunin 6dii saac ee ka horeysay waqtiga galmada xaadirka ah.
– Haddii uu aad u dharagsan yahay oo uu cunto waqtigaas ka fara meydhay.
– Haddii uu kaniini xoojiya liqay waqtiga galmada ay bilow tahay.
– Haddii uu daalan ama uu xanaaqsan yahay ama uu werwersan yahay .

Marka, waxaa haboon in mar walba hal saac ka hor loo diyaar garoobo galmada.
Tusaale ahaan: in marka la cunteeyo hal saac ka dib hawsha la bilaabo, in marka la qaato daawo, irbad IWM… Iyana saacad ka dib la bilaabo.

Mar walbana waa in ay labada dhinac yihiin kuwo diyaar ka ah dhan walba sida ayagoo dharag dhacsan, soo qubeystay, gogol diyaarsan, caruurtii oo goor hore la habeeyey… IWM.

W/D: Xiriirka Caafimaadka Soomaaliyeed.

]]>
http://caasimadda.com/kaalinta-ay-gaajada-iyo-dheregta-ku-lee-yihiin-galmada-keebaa-fiican/feed/ 0
RAGGIINA lisa idinkuna RAAXAYSTA!! http://caasimadda.com/raggiina-lisa-idinkuna-raaxaysta/ http://caasimadda.com/raggiina-lisa-idinkuna-raaxaysta/#comments Fri, 23 May 2014 01:15:51 +0000 http://caasimada.com/?p=7878 More »]]> Layli loogu magac daray Layliga Kegel (Kegel Excercises) baa ahaa kii ugu horreeyey ee gacan la mahadiyay ka geystay siday haweenku ku gaari lahaayeen heer biyabbax. Waxaa Layligaasi lagu tiriyaa inuu kamid ahaa horumarradii ugu muhiimsanaa ee uu gaaray Cilmiga Jinsigu, waxaana markii hore loo isticmaali jiray daaweeynta dadka ay kaadidu ka fara baxsato ee aan suuliga gaarsiin karin.

Waxaa jira saddex muruq oo ku yaal sinaha hoostooda kuwaasi oo kantaroola godka saxarada, godka cambarka iyo kaadi mareenka. Shaqada murqahaasi waxa weeye miirid, majuujin iyo joojin kolka uu qofku kaadinayo ama saxaroonayo. Mar hadday murqahaasi dabcaan, ma awoodaan inay kaadi mareenka u xiraan sidii looga baahnaa, qofkuna isagoon isogayn bay kaadidu ka baxsataa. Haddaba Layliga Kegel waxa looga gollahaa inuu xoojiyo murqahaasi si ay hawshooda habsami ugu gutaan.

Muruqa Gumaarka oo isagu kamid ah saddexdaasi muruq ee aynu soo sheegnay, waxa hawsha uu ka qabto kaadi mareenka u dheer isaga oo kantaroola cambarka naagta. Haweenka saddex dalool oo dalool in kayar ayuun buu muruqa gumaarkoodu xooggan yahay una shaqeeyaa sidii laga filayey. Iyadoo ay taasi jirto, bay misna tirada haweenka qaba kaadi baxsadku ay aad u yartahay. Kolka uu muruqa gumaarku adag yahay waa uu isku laablaabmaa oo isku majuujismaa, kana dhigaa cambarka mid adag oo wada seed ah, arrintaasi oo lagama maarmaan ah kolka la doonayo galmo laga dhergo, haddiise uu muruqaasi dabacsan yahay cambarku awood ma laha uu ku majuujismo oo ku laablaabmo, geedka ninkana ku liso.

Haddaba kolka uu cambarku ballaaran yahay muruqa gumaarkiisuna dabacsan yahay, geedka ninku ma yeelanayo awooddii ciriirinta iyo lisanka lagama maarmaanka u ahayd galmo lagu wada raaxaysto, haddiise muruqaasi adag yahay, kolka geedka ninku ku lismo ayuu sii kacaa oo kordhiyaa majuujiskii iyo lisankii, sidaasina haweeneydu ku gaartaa istiin iyo gariir kan ugu sarreeya.
Xoojinta awoodda muruqa gumaarku waxa ay haweeneyda u suura gelisaa:

1- U adkaysiga Dhalmada.
2- Xukumista kaadida.
3- Yaraynta dhabar xanuunka.
4- Kordhinta raaxada galmada (iyada iyo ninkeeda labadaba).

Layliga Kegel ee lagu xoojinayo muruqa cambarku waxa uu leeyahay faa’iidooyin la hubo, ma dhib badna barashadiisu, mana daaliyo haweeneyda xilliga galmada. Waxaa weliba intaa dheer isaga oo gacan ka geysta inay sinaha, gumaarka, iyo godka hoose ee xubinta taranku ku toosnaadaan halkii loogu talagalay, sidaasina haweeneyda ay fooshu ugu fududaato xilliga dhalmada oo aanay iyada iyo uurjiifkuba dhibaato kala kulmin.

Dumarka bartay Layliga Kegel wuxuu u leeyahay faa’iidooyin ka badan caafimaad iyo nabad-ku-dhalid. Waxay dumarkaasi si ulakac ah u kordhisan karaan istiinka iyo macaanta galmada, waase hadday Layliga u bartaan sida soo socota:

Haweenku intooda badan awood bay u leeyihiin inay xukumaan muruqa gumaarka, wuxuuse uga baahan yahay inay si fiican ugu fiirsadaan uguna feejignaadaan. Waxaan hore u soo sheegnay in shaqooyinka muruqa gumaarka ay kamid tahay inuu kantaroolo kaadida. Haddaba kol hadday haweeneydu awoodi karto inay joojiso burqadka kaadideeda, taa micneheedu Waxa weeye in muruqii gumaarku majuujismay oo isku uruuray. Aan idin xusuusiyo inay jiraan murqo kale (waa taynu hore usoo niri murquhu waa saddex) oo tamar daran kuna jira afka kore ee cambarka oo iyaguba kaadida sidaasi si la’eg u celin kara. Si ay taa meesha uga saarto waa inay haweeneydu kolkay kaadshayso labadeeda lugood intii karaankeed ah kala fogeysaa, kolkaasi oo celinta kaadidu ay u baahanayso dadaal iyo awood dheeraad ah, awooddaasi oo isku soo uruurinaysa muruqa gumaarka. Taa lafteeda dumarka badankiisu wuu yeeli karayaa, ha yeeshee hadda faa’iido kaadi joojin ka weyn bay haweeneydu huwantahay, oo ah inay sidaa ku baranayso waxa uu yahay muruqa aynu ka hadlaynaa, lana socon karto kolka uu isku soo duubmayo oo uu majuujismayo, haddii ay dhowr maalmood sidaa yeeshana waxay kasbataa khibrad, waxaanay awood u yeelataa inay waqti kasta muruqaasi majuujiso oo isku dhuujiso, iyada oo weliba tababarkii kaadi joojinta halkii kasii wadata.

Drs. Marry Ford oo ku takhasustay Cilmiga Ummulisanimadu waxay leedahay: (Kolka aad baratid majuujinta muruqaasi, wixii markaa ka dambeeya kaagama baahna wax awood ah oo ka badan indhaha ood isku qabatid kalana qaaddid, waxase loo baahan yahay in halka jeer ay muruq majuujintu socoto muddo aan ka yarayn laba sakan).

Kol hadday haweeneydii baratay kantaroolka muruqa gumaarka, waa inay aroortii intaanay sariirta ka toosin majuujisaa 5 – 10 jeer, waqtigaasi oo ay muruq majuujintu sahal tahay. Sidoo kale mar kasta oo ay kaadshayso waa inay samaysaa layligaasi. Haweeneyda uu layligu u hor leeyahay waxaa lagula talinayaa inay ku billowdo lix fadhi, halkii fadhina ay samayso toban majuujis, sidaasina waxay ku samaysaa lixdan majuujis maalintii. Waxaa laga yaabaa inuu layligaasi qofka ula muuqdo wax dhib badan, kol haddiise aynu ogaanno in halkii majuujis aanu qaadanayn wax ka badan laba sakan, halkii fadhina labaatan sakan, layliga oo idilna laba daqiiqo maalintii, markaa haweeney kastaa way samayn kartaa bay ila tahay.

Haweeneydu waxay u baahan tahay siddeed usbuuc si ay u qaybto Layliga Kegel. Usbuuca saddexaadba way dareemi kartaa horumarka la taaban karo ee ay ka gaartay raaxada galmada kana dhashay layligaasi. Waa inaanay joojin layliga ilaa iyo inta koorasku ka dhammaanayo, isticmaashaana mar kasta oo ay kaadshayso ama galmo ka qaybqaadanayso. Waqtiga galmada, waa inay si ulakac ah isugu qabataa oo u majuujisaa muruqa inta lagu jiro hordhaca galmada, taasi oo hadhowto kolka cambarka iyo geedka ninka la’is geliyo, sahal ka dhigaysa inuu iskii isu majuujiyo.

Muruqa gumaarka oo laga qaybgeliyo galmadu, waxa uu shaqada cambarka ka dallacsiiyaa qaabbile aan waxba qaban una dallacsiiyaa ka qaybgale isagu goobta maamula.

Gunaanadkii iyo gebagebadii, waxaa dumarka uurka leh lagula dardaarmayaa inay sameeyaan Layliga Kegel dhalmada kahor, si uu u xoogeysto kanaalka cambarku, una barto siduu iskii isugu uruursan lahaa uguna kala bixbixi lahaa, kala baxbaxaasi oo keenaya inay haweeneydu si fudud ku dhasho. Sidoo kale waa inay Layliga samaysaa dhalmada kadib, si muruqii gumaarku uu awooddiisii iyo shaqadiisii u soo ceshado.

W/D: Sabriye Macalin Muuse.

]]>
http://caasimadda.com/raggiina-lisa-idinkuna-raaxaysta/feed/ 0
CILMI-BAARIS: Xiriirka ka dhaxeeya bur burka qoysaska iyo kacsi la’aanta http://caasimadda.com/xiriirka-ka-dhaxeeya-burburka-qoysaska-kacsi-laaanta/ http://caasimadda.com/xiriirka-ka-dhaxeeya-burburka-qoysaska-kacsi-laaanta/#comments Sat, 17 May 2014 23:00:51 +0000 http://caasimada.com/?p=8541 More »]]> Himid la’aanta waxaa loo aaneeyaa burbur qoysas badan taasoo ay sababtay raga oo ay ku adag tahay inay aqbalaan inay ku fashilmeen qancinta marwooyinkooda dhinaca sariirta. Meeshii laga waajihi lahaa dhibka waxaa jira rag isku qariya boor iyo qiiq meeshana keena dood aan meeshaba ku jirin. Xeeladaha ay isticmaalaan waxaa ka mid ah iyagoo sariirta yimaada marka marwado seexato. Arintu waxay circa isku shareertaa marka xaqiiqda la wajaho ama runta loo sheego. Dhibkaan waxaa kaloo la ogaaday inuu sababi karo niyad jab & murugo iyo kalsoonida qofka oo hoos u dhacda

Himad la’aantu waa cudur ka mid ah cudurada hase yeeshee raga qaarkiis waa ku dhib inay qirtaan si kastaba dhibku ha u darnaadeene. Ninka oo wax laga sheego awoodiisa galmada waxay dadka qaarkii si toos ah ugu fasirtaan in wax laga sheegay raganimada. Intaas waxaa dheer ka hadalka galmada oo dhaqanka Soomaalida ku ah ceeb lagama hadlaan ah, taasina waxay sii murjisaa arinka maadaama ay tahay qarso ha ku qarsatee.

Inkastoo dhibkan saameeyo qawmiyado kala hadana waxaa Soomaalida u dheer qaadka oo isaguna caanku ah galmo aan raaxo lahayn. Cilmi-baaris lagu sameeyay Soomaalida Sweden ayaa qaar ka mid ah haweenkii la waraystay soo bandhigeen cabashadooda. Waxay ku calaacaleen inay arintu meel xun gaartay oo dalbadeen furiin haddii aysan nimankoodu joojin cunida qaadka. Waxyaalaha ay ku eedeeyeen qaadka waxaa ka mid ahaa biyo-baxa shahwada oo soo degdegta ama waqtigeeda ka soo hormarta (premature ejaculation).

Wadanka Hollanda oo ay dhibkaas qabaan in ku dhow hal malyan waxaa la sameeyay bas loogu magac daray “erection bus” kaasoo ku wareega magaalooyinka si ay u geesinimo galiyaan raga diidan inay qirtaaan hawl-gabnimada galmada.  Waxaa la yaab noqotay markay safka hore ee baska buuxiyeen rag da’doodu aysan sidaa u sii waynayn. Waxaa kaloo lagu arkayay rag ay soo khasbeen lamaanahooda oo ay safka kula jiraan. Baskaasi Holland kuma ekaane wuxuu isku soo maray wadamo kale oo dhibkan ka yahay lagama hadlaan “taboo” sida Portugal.

Cilmibaaris lagu sameeyay sababaha furiinka ayaa waaxaa lagu ogaaday tobanka sababood ee ugu badan sababaha burburka qoyska waxaana hogaanka markiiba u qabtay dhibaatooyinka la xiriira galmada iyo gogol dhaafka ay arintaasi sababto. Hadaba si aan amuurahaas wax uga ogaano ayaanu sababaha keeni kara waydiinay Dr Mohamed Abdullahi oo ah dhakhtar ka shaqeeya Waqooyiga London aqoon durugsana u leh kacsi la’aanta, dhibka gudniinka & xakamaynta dhalmada, wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay sidatan:

Kacsi la’aanta (Himad la’aantu) waxaa loo aaneeyaa inuu sababo burburka qoysas badan, wuxuuna si gaar ah dhibkiisu u soo shaac baxaa marka da’da ragga ay sii waynaato. Waxaa lagu qiyaasaa inuu dhibkaan saameeyo kala bar ragga da’doodu u dhaxeyso 40-70 sano. Lambarkaasi wuxuu noqdaa 70% markii 70 sano kor loo dhaafo. Waxaa kaloo lo ogaaday in 90% raga qaba dhibkan aysan raadsan wax daawo ah iyagoo dhibkooda iska qarsada.

Mararka qaarkood waxay u dhacdaa si ku meelgaar ah waxaana loo aaneeyaa daalka, murugada, walwalka & walbahaarka. Hase yeeshee waxaa dhici karta inuu noqdo cilad joogto ah ama soo noqnoqota. Waxaa sababi karo dhawr arimood waxaase ugu badan marka xididada dhiiga u qaada xubinta galmada raga ay wax qaadkoodu hoos u dhacdo ama ay ciriiri noqdaan. Waxay u badan tahay raga qaab nololeedkoodu ay liidato sida kuwa cunada xun, khamriga badsada ama sigaarka caba.Waxaa kaloo keeni kara daawooyin loo qaato in lagu daweeyo cudurada qaarkood. Haddii dhibkaan aad isku aragtid waxaad u baahan tahay inaad u tagtid dhakhtar si laguu baaro ama lagaaga daaweeyo waxa keenay. Ogow dhibkan wuxuu noqon karaa calaamad cudur sida sonkorowga, dufanka dhiiga (Cholesterol) oo badata ama dhiig-karka.

Daaweynta

Daawooyinka casriga ah ee lagu daaweeyo waxaa ka mid ah Viagra, Cialis iyo Levitra, waxaana loo sameeyay iyagoo kala awood duwan. Faahfaahin dheeraad oo ku saabsan daawayntiisa fadlan  soo booqo  www.dhakhtar.com

]]>
http://caasimadda.com/xiriirka-ka-dhaxeeya-burburka-qoysaska-kacsi-laaanta/feed/ 0
Virus dilaa ah oo dilaacay lagana digay & talooyin ku socda wasaaradaha DF http://caasimadda.com/virus-dilaa-ah-oo-dilaacay-lagana-digay-talooyin-ku-socda-wasaaradaha-df/ http://caasimadda.com/virus-dilaa-ah-oo-dilaacay-lagana-digay-talooyin-ku-socda-wasaaradaha-df/#comments Sun, 04 May 2014 23:00:19 +0000 http://caasimadda.com/?p=116575 More »]]> Bismillaah, waxaa bilihii ugu dambeeyay dhibaato badan ku hayay umadaha daga bariga dhexe gaar ahaan dalka Sacuudiga Fayras (virus) dilaa ah oo loogu magacdaray coronavirus, fayraskan oo heerka dhimashada uu sababo lagu qiyaasay ku dhawaad 30% daka uu ku dhaco, ayadoo meelaha qaar ey dhimashadu gaartay in kabadan 75% ayaa wuxuu billaabay in uu ku fido dunida inteeda kale ayadoo wadamada qaar ey billaabeen dajinta qorshooyin caafimaad oo looga hortagayo Fayraska korona.

Fayraska Korona wuxuu sababaa xaalad halis ah oo loogu magacdaray Middle East Respiratory Syndrome (MERS) oo lagu yaqaano calaamado la xariira neef-mareenka sida qunfac, curnaan, san-biyood, neefta oo qofka ku yaraata, feera xanuun, feebaro ama xumad, iyo sidoo kale hawlgabka kelyaha (kidney failure).

Fayraska Korona waxaa lagu kala qaadaa hawada, fursada in laga badbaadane kama badna surtagalnimada in loo geeriyoodo, sidaa darteed ayaa wadamada aduunka waxey bilaabeen kahortaga halista Fayraskan, laakin dalka Soomaaliya yaa umaqan?

Dalka Soomaaliya wuxuu xiriir dhaw la leeyahay boqortooyada Sacuudiga oo uu cudurku ka dillaacay ilaa iyo hadane uu u geestay dhibaatada ugu badan, maalin kasta waxaa u kicitima boqortooyada kanasoo laabta dhowr duulimaad oo sida boqolaal Soomaali ah, hal bukaan oo kamid ah rakaabka boqolaalka ah ee maalin kasta kasoo daga garoomada dalka ayaa halis galin kara nolosha kumanaan muwaadiniin Soomaali ah, waxaa igu dhaliyay qeylo-dhaantan hordhaca ah baqdinta aan ka qabo in hadii cudurkan uu dalka soo galo aanan la awoodi doonin in la xakameeyo sababo laxariira liidnaanta adeegyada caafimaad ee dalka, sidaa darteed ayaan warbixintan kusoo jeedinayaa talooyin kuwada socda sadaxda jaho ee ey quseyso arintan, wasaarada caafimaadka, waaxda socdaalka, iyo wasaarada arimaha dibada.

Waxaan ku talinayaa qorshahan ka kooban labada qodob:

1. Ayadoo la raacayo mar kasta adeega “Corona map” ee uu hirgaliyay ururka caafimaadka aduunka WHO, in Safaarada Soomaalida uga furan dowlad kasta ee uu cudurku gaaray, gaar ahaan Sacuudiga, ku waajib yeesho muwaadiniinta Soomaaliyeed ee doonaya in ey ku laabtaan dalka iyo ajaaniibtaba warqad caafimaad oo cadeyneysa in muwaadinkan ama ajnabigan uusan xambaarsaneyn Fayraska Korona, islamarkaane shirkadaha duulimaadyada lagu waajib yeelo in eysan qaadin axad aanan heysanin warqad caafimaad oo safaarada ama qunsuliyada magaaladiisa eysan tiimbareynin. Qorshahan waxaa mustaqbalka loo ballaarin karaa guud ahaan cudurada fida sida ey safaaradaha aduunkuba sameeyaan.

2. In gudaha dalka laga hirgaliyo wacyigalin guud oo laxariirta cudurkan iyo calaamadaha lagu garto, islamarkaane sheybaarada Soomaalida loo sameeyo aqoon-korosi la xariira Fayraskan.

Talooyinkan kor ku xusan waxey ilatahay in eysan adkeyn hirgalintooda, waxaan ka warhayaa in qunsuliyadaha iyo safaaradaha Soomaalida intooda badan ey haawanayaan islamarkaane eysan laheyn howl ey qabtaan, hadaba hadii ey jiraan howlo noocan ah oo muhiim u ah bulshada, maxaa diidaya in safaaradaha iyo qunsuliyadahane loogu shaqo abuuro, bulshadane wax loogu qabto?

W/Q: Dr.Axmed Xalaal

U dhaq-dhaqaaqe arimaha caafimaadka bulshada

Caadle2@hotmail.com

]]>
http://caasimadda.com/virus-dilaa-ah-oo-dilaacay-lagana-digay-talooyin-ku-socda-wasaaradaha-df/feed/ 1
CAAFIMAADKA XUBNAHA TARANKA (2) http://caasimadda.com/caafimaadka-xubnaha-taranka-2/ http://caasimadda.com/caafimaadka-xubnaha-taranka-2/#comments Wed, 09 Apr 2014 00:00:28 +0000 http://caasimada.com/?p=7600 More »]]> Halkan ka aqri Caafimaadka Xubnaha Taranka Ragga

Xubnaha taranka dumarku waxay u baahan yihiin in loo daryeelo si ka daran kana feejigan kuwa ragga sababta oo ah. Xubnohooda taranka waxaa ku hoos jira qanjirro soo daaya dhidid iyo dheecaanno keena ur laga dido. Qolfada kintirku sida tan geedka ninka aan la gudin oo kale ayay usoo deeysaa dareere si dhaqsa ah isu beddela, si aad ahna usoo ura, kaasi oo loo yaqaan (baaro = dooro) Cambarku waxa uu soo daayaa dareere aysiidh ah oo hadduu xaddigiisa dhaafo jirka iyo dharkaba halleeya. Afka daloolka kaadidu waxa uu ku yaal meel dedan, taasi oo keenta in dhibco kaadi ahi ay ku hooraan cambarka, keenaanna inuu uro.

Cambarku waxa uu xiriir la leeyahay micnaha quruxda, ninkuna kolka ay haweeneydiisu isu dhiibto oo ay hor dhigto, waxa uu cambarka u eegaa sidii isaga oo hor fadhiya shey xurmo mudan. Lama xisaabi karo inta dumar daqiiqaddaasi ku waayey jacaylkii gacalkoodu u qabay, sababta oo ah “Albaabkii Jannada” ee uu wax badan dhawrayey baa kolkuu kala furay qurmoon aanu filayni kaga soo baxay.

Hooyada waxaa xil gaar ahi ka saaran yahay hubinta nadaafadda xubnaha taranka inanteeda yar kahor intaanay qaan-gaarin iyo kadib intaba. Kolka ay gabadhu qabto cudurro sida jabtada oo kale ah, waa in si dhaqsi ah loo daaweeyaa. Gef weyn bay ku tahay ehelka inaanay xil iska saarin daryeelka xubnaha inantooda iyaga oo ka baqaya inay ka xumaato amaba ay ku kacsato taataabashada goobahaasi, natiijaduna waxay markaasi noqonaysaa siday qiyaasayeen si ka duwan, maadaama dareeraha ka yimaada cambarka ee ay daryeel la’aani keento ama cudur sida jabtada oo kale ahi uu keenaa yahay kan isagu kiciya dareenkeeda jinsiyeed kuna dhaliya kacsi iyo gariir joogta ah.

Hooyada waxa la gudboon inay inanteeda ku baraarujiso sidii ay nadaafadda ugu dadaali lahayd gaar ahaan xilliga caadada, fahamsiisana in mustaqbalka haweeneydu uu ku xiran yahay nadaafadda jirkeeda, haddii ay ku dadaashana aanay farxad gelineyn nafteeda iyo dadka la nool oo qura, balse ay damaanad qaadayso mustaqbalkeeda, fahmeysana ugu dambeynta in maalinta ay adduunka ugu farxadda badan tahay ay tahay maalinta ay xabadka u furto gacalkeeda, una soo bandhigto jir qurux, udug iyo soo jiidasho badan, qiimayn iyo qaddarinna mudan.

War nin yahaw heedhe intaas oo sanadood baad Yurub, Carab iyo meel walba mareeysaye maxaad mid waloo cad u guursan weyday, waa adigaan Soomaaliya iyo carri aad waa hore ka dhooftay guur usoo doontaye? Saaxiibow waa runtaayoo waan soo arkay dumar badan oo cadcad, welibana quruxdooda haddaad indhaha saartid aad halkaaga iskula shubeysid, guurna igu baryayey, ha yeeshee naagihii Soomaalida ka sokow afkii, dhaqankii, diintii iyo dhiiggii oo aynu wadaagno, waxa aan marnaba lagu gaareynin tii nadaafad ahayd.

Waa sheeko dhab ah oon dhif iyo mar la’arag ahayn, aniguna shakhsi ahaanteyda waxaan sheekadaasi mid la mid ah ka maqlay nin ajnabi ah oo gabar Soomaaliyeed qaba. Arrinkaasi runtii waa mid ay haweenka Soomaalidu ku ammaanan yihiin, annaguna haddaynu raggii nahay ku faani karno.

Haweeneydu waa inay xubnaheeda taranka mayrto maalintii ugu yaraan hal jeer, markaasi oo intay kaadi-haysta faaruqiso, ay dabeeto ku mayrto biyo kulul iyada oo isticmaaleysa gabal saabuun ah oo loogu talagalay. Dabeeto waa inay xubnahaasi ku qallajisaa shukumaan ama gabal mara ah oo u gaar ah, isticmaashaana boolbire. Waxaana intaa dabadeed haboon inay goobtaasi ku carfiso (Deodorant) oo ah barafuun udgoon isla markaasina shiir bi’iye ah.

Fiiro gaar ah: Haweenka Soomaalida qaar baa aad nadiif u ah kolkay arrintu jirkooda joogto, ha yeeshee aan xil sidaasi ah iska saarin nadaafadda guriga ay ku noolyihiin iyo tan jikada ay wax ku kariyaan intaba. Jikadu gaar ahaan, waxa weeye halka ugu muhiimsan ee dumarka ajnabiga ahi ay kaga libin heli karaan dumarka Soomaalida, haddii nadaafad lagu beretamo.

Maacuunta, gidaarrada iyo daaqadaha jikada oo aan sidii loo baahnaa loo nadiifin, daaqadaha qolalka gaar ahaan qolka jiifka iyo kan carruurta oon la nadiifin, si maalinle ahna aan loo furin si hawadu isu beddesho nakhaskuna uga baxo, dharka carruurta oo inta la mayro, dabeeto meel lagu raseeyo iyadoon la kaawiyadeyn iwm., waa sifooyin ay kasiman yihiin guryo badan oo Soomaaliyeed. Dumarka Soomaalidu waa inay haddaba waxyaabahaasi oo dhan u fiiro yeeshaan, waa hadday doonayaan in koobka nadaafadda aanay cidi kula beretamin.

W/D: Sabriye Macallin Muuse

]]>
http://caasimadda.com/caafimaadka-xubnaha-taranka-2/feed/ 0