Axmed Madoobe oo ku qeyliyay in si deg deg ah maamul rasmi ah loogu sameeyo gobollada Jubbooyinka

January 14, 2013 10:27 AM0 commentsViews: 1

Nairobi (Casimada Online) Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee gacanta ku haya magaalada Kismaayo Axmed Maxamed Islaam {Axmed Madoobe} ayaa ugu baaqay waddamada caalamka iyo dowladda Soomaaliya in loo baahan yahay siddii maamul rasmi ah loogu sameen lahaa gobalada Jubbooyinka.

Wareysi uu siiyay Wargeyska The Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa ku sheegay in uu codsanaayo siddii maamul dhameestiran loogu sameen lahaa gobalada Jubbooyinka.

Wuxuu yiri : “ Waxaa loo baahan yahay in si degdeg ah maamul loogu sameeyo gobalada Jubbooyinka, marka arrintaas ayaan codsan lahaa”

Wuxuu kaloo sheegay in maamul u sameenta gobalada Jubbooyinka hadda loo baahan yahay, maadama dadka gobalada ka jooga ay doonayaan siddii maamul dhameestiran ay u arki lahaayeen.

Axmed Madoobe ayaa hadda ku sugan magaalada Nairobi, halkaasoo uu kulamo kula qaatay dadka ka soo jeeda gobalada Jubbooyinka iyo madaxda waddamada dariska sida Kenya.

Shir looga hadlaayo maamul u sameenta gobalada Jubbooyinka ayaa dhawaan ka furmi doona magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Magaalada weli ammaan ma ahan, oo waxa ka dhacay dilala iyo qaraxyo, waxa soo weerar magaalada Al-Shabaab oo laga saaray.

Waxa kaloo magaalada ka jirta bandow xilliga habeenka ah, waa ay adagtahay in magaalada uu si caadi ah ku tago magaalada Kismaayo.

Ammaanka ayaa loo adkeeyay dadka magaalada galaya iyo kuwa ka soo baxaya aad ayaa loo baaraa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

VIDEO NEWS


Source: Fubo

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks