Aroos Soomaaliyeed oo 84 sano ka hor ka dhacay Jarmalka! + Sawir.

December 5, 2012 11:59 PM4 commentsViews: 32

Inteenii aqrisatay asbuucii hore waxa aan soo qaadanay dhacdo qabsatay Soomaali degeneed magaalada Berlin ee Jarmalka sanadii 1910-kii oo aynu haatan ka joogno in kabadan 100 sano.

Dulucda sheekadu waxa ay eheyd in Sooomaali badan ku noolaayeen halkaas oo weliba shukaansi ay samaynayeen dhallinyaro Soomaaliyeed ay sababtay in xaafaddii Soomaalidu ka deganaayeen Berlin hal maalin ay xireen boolisku si loo hakiyo buuqa iyo falceliska Soomaalida ay ka samayn lahaayeen arrinkaa qabsaday.

Haddaba asbuucaan waxa aynu ku madalsanayn in aynu wada aqrisano aroos ka dhacay isla Berlin sanadii 05-09- 1928.

Sheekada arooska waxa boggiisa 4aad ku daabacay joornaalka “Amersfoortsch Dagblad” oo ka soo bixi jiray xilligaas magaalada Amersfoort ee waddanka Holland isagoo cinwaan uga dhigay “ Aroos Soomalaiyeed oo ka dhacay Berlin”.

Wargeysku waxaa uu sheegay sida uu ka soo xigtay madaxii xadiiqada xayawaanka( Dierentuin) ee magaalada Berlin in arooska lagu soo bandhigay , oo uu weliba ka dhacay xadiiqada gudaheeda isla markaana ay joogeen dad badan oo soomali ah oo weliba ku lebisan dharkii hidaha iyo dhaqanka soomalidu ab iyo isir u lahaan jirtay sidaba uu wargaysu ku soo bandhigay sawir laga soo qaaday arooska. Joornaalku waxa uu intaa raaciyey in caruusaddii oo gebi ahaanba asturan oo qarsoon ay soo aaday meeshii uu ku sugnaa caruusku.

Runtii markii si dhab ah u fiirisid muuqaalka laga soo qaaday arooskaas waxa kuu muuqanaya faras, dumar Soomaliyeed oo mid ka mid ah u egtahay hooyada, mid ka mid ah 2-da is aroostay iyo weliba qof ay iila ekaatay in uu ahaa caruuskii oo ay ka muuqatay kalsooni iyo dhiiranaan inkastoo la iiga fiicanyahay sawir aqrinta haddana aqristayaasha ayaan u daynayaa wixii ay kala soo dhex bixi karaan sawirka iyo muuqaalka wargeyska lagu soo bandhigay 1928-dii oo aynu haatan ka joogno 84 sano, laga yaabee caruurtii ay kala heleen in qaarkood noolyihiin oo ay daaha nooga qaadaan qaabka wax u dheceen iyo sida waalidkood meesha ku soo gaareen iyo weliba soomaalidii kale oo halkaa kula nooleed. Waa inoo asbuuca danbe iyo salaadiintii reer Luuq waraaq ay u qoreen talyaaniga hal qarni ka hor in shaa allah.

C/llaahi Khadar, Amersfoort, Nederland

VIDEO NEWS


Source: Fubo

4 Comments

  • oo soomaalida maxaa sanadkaas geeyay meesha? ma rumaysan leheen hadaanan sawirkan akrin; waayo waa macquul in afrika ay ka dhici karto dhacdadaan laakin yurub ma fahmin. mida kale ma warkii sheegayay Hitler ayaa ah soomali ama barabari maa dhab ah? Bal noo soo xaqiijiya soomaalida sida ay ku soo gaari karaan kolay ma aaminsani in la adoonsaday laakiin ma ciidamadii baa soo qortay? fadlan noo soo baaro iyo halka soomaalidaan ku danbaysay waa arin cajiib ah. waxaa jira qof qof iska bixi jiray oola wayn jiray malaha daadkaas ayay ahaayeen. aniga awoowaheey ayaa la waysanyahay ilaa hada meel uu ku danbeey waa abahay adeerkiis. wuxuu iska tagay 50 sano ka hor.

    • ASCWW, Salaan ka dib, waxaan idinla socodsiinayaa in ay jirto oo ay dhabtay qisadaan taariikhda ah. Waxaa jiri jiray nin Jarmal ah oo shirkad Carwo(Cirkus) ku lahaa dalka Jarmalka magaciisuna ahaa Karl Hegenbeck oo uu aabihii ka dhaxlay. Ninkaas wuxuu heshiis la galay nin Soomali ah oo reer Bullaxar oo magaciisu ahaan jiray Hersi Egeh oo dhaqanka Soomalida ku soo bandhigi jiray Carwooyinkas.Sidoo kale Geela u iibin jiray ninkaas si loo geeyo South Africa. Ninkaas wuxuu geeriyooday 1913. Karl hegenbeck wuxuu qoray “Man and Beast”. Kadib waxaa ka dhaxlay wiilkiisa waxayna magaalada aan degganahay ay booqasho ku yimaadeen 1929 dalka Sweden. Wixii faahfahin waad ila soo xiriiri kartaan.

      • @abdullahi

        walaal waxaan la yaabanahy anigoo holandeeska ku hadla luuqada ku qoran german ma aha. waxaa aad iiga nixiyay in dadkaan ay ku jiraan meel “dierentuin” oo english lagu dhaho ZOO ama meesha xayawaanka kala duwan lagu hayo si bila aadanku u daawado. waxaa aad iiga yaabisay in lagu suubinayo “tentoonstelling” oo english u dhigan “exhibition” ama afkeena hooyo bandhig!!!!!!! anigu waxaan u arkaa in dadkaan sida afrikaanka kale lagu soo “bandhigi” jiray meelaha xoolaha

        marka walaalayaal tani aroos run ah maahan waa aroos bandhig. ma ahan aroos caaadi ah.

        kalmadaha meesha ku qoran waxay ka dhigan taha isku celcelis “waqtigaas oo meesha xayawaanka lagu hayo magaalada baarliinoo lagu soo mandhigayo “aroos” somali ah oo markaas dhacaya iyo naagtoo qarsoon oo u socota ninkii” cajiiiiiib

  • SINAAN.CADAALAD,MINIMO

    as.war.wabr.Salaan kadib waxaan arinkan ama qoraalkaan aan ku raacsanahay walaakeen Puntlander. aniga oo ku hadla luuqada nederlaanka qiyaastii waa runtii oo waxa ay ku qorrantahay luuqada nederlaanka oo saaxiibkay Puntlander wuxuu si fiican u aqrin qoraalka dusha ku qoran kaasoo u qoran joornaal ka soo baxa magaalo nederland ku taala oo la yiraahdo amsfoort sidaa awgeed waa dhacdo ka dhacday jamalka meesha ama carwada xayawaanada loogu daawasho taga.Arinkuna waa bandhig ama caro (TENTOONSTELLING) Laakiin waxaa su,aal ah bandhigaan ku saabsan habka guurka dhaqanka soomaaliyeed waxa loogu soo bandhigay cawada xayawaanka inkatoo xiligaas ama taariikhdaas aynaan xornimada wali qaadan

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks