Al-Shabaabka Galgaduud oo lagu dhawaaqay in laga saarayo halkaasi

January 5, 2013 12:03 AM0 commentsViews: 1

Ururka Ahlu sunna ee gobolada Dhexe dalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Alshabaabka ku sugan deegaanada gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya,gaar ahaan deegaanada gobolka Galgaduud.

Sheekh Maxamed Cartan Shuuriye,oo ka mid ah masuuliyiinta Ahlu sunna ayaa  sheegay inay ku dhawaaqeen dagaal ka dhan ah Alshabaabka ku sugan deegaanada gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Shuuriye, ayaa sheegay in ciidamada Ahlu sunna ay diyaariyeen ay yihiin kuwo dagaal lagalaya Alshabaab ,isagoo xusay in dhawaan guud ahaan ay ka saari kadoonaan dalka gaar ahaan gobolada Dhexe ee dalka.

Wuxuu sheegay inay jiraan dhibaatooyin dadka ay ku hayaan Alshabaab,taasina ay ku dhalisay inay isku abaabulaan dagaal ka dhan ah Alshabaab.

Alshabaab iyo Ahlu sunna ,waxaa ka dhaxeeya dagaal soo jireen kaasi oo la sheegay in qasaarooyin kala duwan ay soo kala gaareen dhinacyada dagaalamay iyo dadka rayid ah ee ku sugan gobolada Dhexe ee dalka.

VIDEO NEWS


Source: Fubo

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks