Al-Shabaabka Gedo oo ilaa Janaayo loo qabtay, kadib maxaa dhici doona

January 3, 2013 8:51 AM0 commentsViews:

Saraakiisha ciidamada dowlada ee gobolka Gedo ayaa ka hadlay kulan ka dhacay degmadaasi kaasi oo looga amaanka degmooyinka gobolka iyo dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Diyaad Cabdi Kaliil,oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowlada ee ku sugan gobolka Gedo,ayaa sheegay in kulankaasi uu kasoo baxay qorshe uu ka mid yahay la dagaalanka Alshabaabka Gedo.

Diyaad,ayaa sheegay in Alshabaab ay fursad u heystaan muddo kooban oo ah maalmaha ka harsan bisha Janaayo ee sanadkaan cusub ee 2013,wuxuuna xusay inay fursadaasi ay ka faa’ideystaan oo ay isku soo dhiibaan ciidamada dowlada.

Isaga oo ka hadlay Alshabaab codsiga haddii aysan aqbalin waxyaabaha ay sameyn doonaan ayuu sheegay in ciidamada dowlada ay isku diyaarinayaan dagaal ay ku qaadaan fariimaha Alshabaab ay ku leeyihiin guud ahaan gobolka Gedo.

Diyaad Cabdi Kaliil, ayaa ugu dambeyn sheegay in ciidamo badan oo ka tirsan dowlada uu usoo dhamaaday tababar ciidan,kuwaasi oo diyaar u ah sida uu sheegay dagaal ka dhan ah Alshabaabka ku suga Baardheere iyo Buurdhuubo.

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks