ALLA RAJIIMYADU ISU RAAD EKAA!

December 8, 2012 2:25 AM9 commentsViews: 8

Dadka qaar eraga RAJIIM maqalkiisa ma jecla, inay dhibsanayaan kuma ekaystaan, ee waxay la soo boodaan inay difaac aan loo joogin la soo shir tagaan, sax iyo qaladba, eraga RAJIIM qof gaar ah tilmaam uma ahan, haddii uusan u dhaqmin sida lagu yaqaan, marka waxaan dhihi lahaa CAADI iska dhiga, idinkoon ku xiiqin difaac aan la idiin ogayn, UJRO iyo AJAR midna aad ka helaysan aan la aqoon.

Faalladan oo aad u koobnaan doonta, waxaa igu diray qoraalkeeda, waa waxa ka dhacaya Masar, oo Soomaali badan iyo REER GALBEEDka qaarkooda oo dan  ka lahaa taageray KACDOONKA CARABTA! dab badan baa qoraal iyo qawl ku soo jeedshay xilligaa in sida Carabta oo kale la sameeyo KACDOON anigu waan dhaliilsanaa, wax kalana ma ahayn, dhacdadaa waxaa dabada ka waday oo taageero dhaqaale, dhan walba kala taagnaa, markii ay TAANGI tagtana ugu Tabarrucay.

Intaa kaliya ma ahayn, oo waxaa loo sahlay adeegsiga waxan loogu yeero Social Network, maxaa yeelay marka laga reebo HAYE RAACNIMADA iyo inta ISLAAN aan jirin ka urinaysay KCDOONKAA waxaa Siroodnka Maraykanku qorshyeynayey in ka badan laba sano, oo haddaa maxaa u fududeeyey? LUQMADDII CAYSHKA oo noqotay mid LUUQ gashay, ayna u sii dheer tahay markii hore oo aanba XORRIYAD jirin! Qofkii Carabiga wax ka fahmaya liilkan hoose ha ka sii dhigto

http://www.alawan.org/%D8%A7%D9%84%D8%B1%D8%A8%D9%8A%D8%B9-%D8%A7%D9%84%D8%B9%D8%B1%D8%A8%D9%8A%2c10792.html

Intaa haddaan uga haro, maanta maxaa Masar ka socda? Haddii ISLAANKII guulaystay, waliba nin Xabsi ku jiray markii KACDOONKU dhacayey Madaxweyne loo doortay, maxaa xigay? Sidii caadada ahayd, ee laga filan karay WADAAD walba ayuu u dhaqmay, oo ah inuu AWOODDII dhan isagu isa siiyey, kaaga darane xitaa laalay MAXKAMADDA SARE, oo ah unugga kaliya ee duri karta WAREEGTA MADAXWEYNE ahna xarunta ugu dambaysa e lagu kala boxo!

Hadduu taa yeelay maxaa xigay? Adba TVyada daawo, bal sooyalka dib aan u eegno, Ina Cabdille Xasan oo dadka qaarkii yaqaan HALYEEY iyo HALGAMAA weyn ayaa ah RAJIIMKII ugu horreeyey ee Soomaali soo balleeya, una noqday HALDOOR ay ku daydaan, bal adba ma aragtay KALI TALIYE aan isagoo kale noqon ama aan aadeegsan HABDHAQANKIISII oo kale? Waa ninkii laga dhaxlay eraga ah: WAA XUJOWDAY! Bal hadday aragtidaadu XUJO iyo QAAN kugu noqoto, maxaa nolosha ka haray?

Sidoo dadka u dhibaayey, xoolahoona u dhacaayey, Geelooda u boobayey, caay iyo aflagaaddana ugu sayrinayey, ayuu markii dambe wuxuu ku dambeeyey GALBEED U CARAR! Maadaama uu ISLAAMkuu isku sheegayey inuu dadka Allahood u daayo u diid, illeen waa KALI ISLAAME!

Waxaa noo xigay AABBII GARASHADA, Maxamed Siyaasad Barre, isna sidii loogu heesayey ayuu u maleeyey inuuba yahay MAHDIGA aan dhicin iyo MAGANKA aan la moodi karin, hadduu garan waayey in xilku meerta yahay, markii horana marooqsi ku yimid, ayuu ku darsaday duqayn, dil, afduub iyo bara kicin, isna barqa cad ayuu isaga cararay, kuna geeriyooday dal shisheeye, malaha taa marna niyaddiisa kuma soo dhicin?.

Haddi ha illoobin inta QABQABLE afduubka nagu haysatay muddada dheer, iyagu RAJIIMNA ma gaarin RAQNA kama kacaan! Soomaalidu waxay isla dhex maraan in Qaddafi yiri: “In KACDOONKAYGU ma xalaalsanaa kii Siyaad Barre waxaa u daliila inuu ka cimra dheeraa!” kaba dhige, inta uu ka dambeeyey inuu ahaa Caws geeriyaade, isna xaggee ku dambeeyey? Isagoo GOD ku jira sidii KASHIITADII oo kale oo madax ku raamo leh laga soo qabtay, taa ma inuu kali ku yahay baad mooddaa? Bal xasuuso Saddam oo isna GOD laga soo qabtay inta timihii ku bexeen aad moodda Geed Hindi, kaba darane afka Toosh iyo Nolal looga hayo, sidii Tahriib shan maalin bad ku so jiray oo aan biyo iyo baad arag!

Haddii Bin Cali loo baxshay “ORDAAYE”, haddii Cali Cabadda Saalax xilka isaga tagay, haddii Bashaarka Suuriya uu Ciddi ku taagan yahay, oo waliba hadda Mucaaradkana lagu hubaynayo, ayuu Madaxweynaha Masar ee Mursi ku dhaqaaqay tallaabo aad u qallafsan, keentayna dhimashada toboneeyo qof, halka dhaawacu kor u sii dhaafayo 800 oo qof, bal adba maanka gali ISLAAMKII ahaa: “Qofka AFKIISA iyo ADDINKIISA in lana nabadgalo?” Marka ay rabaan ayey sidaa dhahaan? Marka ay dadka siyaasad, maamul iyo awood qaybin ku dilayaan ku silciyanayaan intaa iyo inta la midka ah ee diinta ku jira dhammaan ma shaqeeyaan, haddii aan si ku meel gaar ahba diinta looga tirin, maya loogaba saarin!

Haddaba, Masar haddii RAJIIM Mabarak laga ceyrshay, ee waliba sariir caafimaad korkeed lagu maxkamadeeyey, maanta inta dhimanaysa saw xil kama saarna madaxweyne Mursi, ee dalkii ka soo kabanayey RAJIIMKA iyo KALI TALINTA loogu badalay RAJIIM kaba sii daran? Hadduusan sidan wax ka badalin, kolleey isna ka dambayn maanyo Mubarak.

Kor kaliya ha eegin, ee bal eeg Xamar, Haddii kuwii isqabqabsi iyo QANDI aan buuxsamin waqtigii ku dhammaystay, lagu badalay kuwo kale ayaa waxaa la gaaray sida la yiri: ISBADAL, maadaama Madaxda dawladda ugu sarraysa maalmihii xilka looga tanaasulay ama loogu shubay ama loo magacaabay, BAARLAMAANkiina ay galeen dad badan oo AQOON YAHANNO u badan, hadda maxay ka badaleen DHIIG MIIRAHSADA waligeedba jirtay, ee aan wali la arag qof yiraa war sidan wax ha laga badalo iyo sida ha la isu dhaamo.

Waxaan uga jeedaa, RAJIIMNIDA ma ahan kaliya in qofku xil isku dhagiyo, ee waxay noqon karta inuu qofku u soo jeesto inuu masruufto maal qof kale leeyahay, maxaa yeelay waxa Muqisha ka socda waa taaye. Oo kaalay BEELAYSIGA XUBAHA DAWLADDA lagu qaybsaday, maxaa ka reebay in XOOLAHANA laguma qaybsado? Aqriste, warcelin ma u haysaa?.

W/Q: Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

VIDEO NEWS


Source: Fubo

9 Comments

  • SAYID CABDULLE HASSAN HALYEY somaliyeed ayuu ahaa waa ninka kuu diidey in lagu adoonsado maanteyna waxaad ku tilmaamtey rajiim…somali ba tahy waxba kama dhahayo lakin SAYID CABDULE HASSAN WUXUU LAMID YAHEY mahadma gandhi India…nelson mandela soth africa… sayid cabdulle hassan wa geesi naftiisa wakhtigiisa usoo horey in uu aan somali la guumeysan…… sayid cabdulle wa halyey wuuna ahanaya waligiisa.. somalida magac iyo sharaf buu uga tagey….

    • Kan la baxay MJprince waa nin hurda! war hanti lakala heysto waxaa hadda u hatsta iney reer magaal ku noqonayaan kuwa aan weligood xamar tegin oo yiraahda gurigeenni waxaa xoog ku deggan kuwa reer hebel ah. Adeer waxaan u maleynayaa adna inaad reer magaalnimo raadinayside cid guri laga heysto waxaa u dambeysay markey maxaakiimtii timid, oo qof kasta oo reer muqdisho ah cidduu doono ha ahaado hantidiisii loo celiyey illaa la waayey qof wax laga haysto. Wax kale sheeg kolleey Qabiili baad tahay, qabiilna god kula gelimaayo ee Alle ka cabso.

  • lakin aniga waxan la yaabey maxaad uga hadli weeydey muqdisho hawiye ayaa qabsadey dadkii guryohoogii dhacey,,, hanti xaraan ah baad ku nooshahey markaas ayaad ka hadleysaa rajiim iyo wadaninimo somalinimo.. dont ever talk wadani wax la yiraahdo.. firska haka baxaan dadka guryaha muqdisho bililiqeystey ”then talk.

  • mjprince allaha ku caafiyo waad xanuunsaneysaa intaas kuma dhafayo………wiilka qoraalka diyaariyay sxb waxa dhan waad isku yaacisay aad looma fahmi karo in aad kala qodobeyso ayeey aheed laakiin dhamaan qolooyinka aad sheektay waa rajiim wana runtaa waayo sayid cabdule xasan dadka somaliyeed ayuu gumaadi jiray xoolahoodana wuu ka dhici jiray qabaa iladana gabay ayuu ku caayi jiray intaas kadib dadkiibaa nacay oo garab ayuu ka wayay dani wexey ku qasabtay in uu qaajo u dhinto meel duur ah marka gaalo wuu la dagaalay lakin amudan nafteeda wuu gumaadayay weliba culumo badan oo ka cilmi badan ayuu dilay

  • ( 40 jir alle garaadsiiyey hadaa tahay sidaa umaad hadasheen ninka maqaalkan qorayoow ) ciddaa doontaba soomaali ka ahoowe sayid maxamedna kumaad fududaateen

    waanka sarriiganayaa inaan wax sheegsheego walaalayaal ee allaha qabriga u nuuriyo isaga iyo intii la jaadka aheyde xornimo’doonka aheyd Aamiin…

    S.M “hadaan waayey calan laynashiro tan iyo nairobi, miyaan waayey naamuus jannaad iyo naxariista eebahay” hala xurmeeyo awyaaloow ee yan lagu fududaanin.

  • Mukaram Kaafi

    Waxaan weydiinayaa qoraagaa muxuu ula jeeda ereyga (aragti ISLAAN JAANKA wadata ) islaamkeena hadiii uu wax jaan yahay adiga diintaadu waa maxay qof waliba wax ka sheeg adiga ayaa ku danbaabaya lkn makaa ogolaanayno inaad wax ka sheegto diinteena ra’yigaagu waa xunyahaye

  • waad ku mahadsan tahay qoraalkaaga waana fahmay dhamaantee maxamed cabdule xasan ilaa siyaad bare ilaa hogaamiyo kooxeedyadii soomali bey xasuuqayeen waxa ay qabeena waxa ay bi.iyeen baa kaweynaa hadaad guri dhisto deetana dumisaa mawax baad qabatay mise zero ayaad taagantahay kooxahaasi waa wabi bacaad ku dhamaaday iyo xoog doofaar lagu raacay waxba kama soo baxaan
    waxaan filayaa qoraagu qabiil uma jeedin uma jeedin in uu cid gaara iftiimiyo e dhacdo lasoo maray buu sheegay ujeedkiisuna waxa uu ahaaIN AAN LA AAMININ KU DIINTA KU QARAABTA EE LA JOOJIYAANA BANAAN CAADADU UTAHAY MACNAHA IN AAN WADAAD XIL UMADED LO DHIIBIN ILEYN CUQDAD BUU QABAAYE WUUNA KU SAXAN YAHAY WELIGEEY MAAN ARAG WADAAD AAN QALAFSANEYN ILEYN DIINTABA SIFIICAN UMA BARTAANE

  • ISLAAM JAAN
    subhanalaah caasimada.com qof walbaa wuxuu rabaa oo islaamka wax looga dhimaayo hadaad tiraahdaan qoraaga ayey u gaar tahay caqli maahan .
    ninkaan diinta islaamka iyo culimada duraya ee ku hadlay afkii gaalada ee caqligiisa la filyahay tv oo kaliya plz ha soo gudbinin plz
    dadka kale shaqo kuma lihin laakiin ISLAAM JAAN PLZ STOP

  • I am so pleased with the response “against” the writer, there is 40 behind but that is age is he who has 40 years ‘few’ learned
    mjprince, wat ben je dom , en rasistisch.
    een mond is een heel gevaarlijk wapen
    Denk toch eens na voordat je wat zegt , of schrijft.

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks