Al-Shabaab oo sheegtay in uu dhintay askari kale oo Faransiis ah

January 14, 2013 6:28 PM0 commentsViews:

Buulo-Mareer (Caasimada Online) Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegtay in uu geeriyooday askarigii labaad ee Faransiiska kaasoo la qabtay isagoo dhaawac ah, kaddib markii uu guul-darreysatay howgal lagu soo badbaadin rabay sarkaal Faransiis ah.,

Afhayeen u hadlay Al-Shabaab Sheekh Cabdicasiis Abu Muscab ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters in askarigii labaad ee Faransiiska uu dhintay kaddib markii labo cisho ka hor ku dhaawacmay rasaas iska horimaad ah oo ka dhacay deegaanka Buulo-Mareer.

Wuxuu kalooo sheegay in dhowaan ay soo bandhigi doonaan meydadka labada askari ee Faransiiska iyo ninkii la soo badbaadin rabay ee Denis Allex .

Abuu Muscab ayaa sidoo kale xaqiijiyay inuu weli nool yahay Denis, isla markaana ay go’aan ka qaadan doonto halka uu ku dambeyn doono.

Ciidamo qaas ah oo ka socda waddanka Faransiiska ayaa howgal guul dareestay ka sameeyay habeenkii Jimcaha deeganka Buulo-Mareer ee koonfurta Soomaaliya halkaasoo lagu hayay Denis Allex oo laga afduubtay Muqdisho sanadkii 2009.

Dowladda Faransiiska ayaa sheegtay in howlgalkaas uu uga dhibtay labo askari, isla markaana  Al-Shabaab ay dishay la hayste Mr. Allex.

Sidoo kale waxa weerarkaas ka qayb qaatay diyaarado iyo ciidan ka socda dowladda Maraykanka sida uu sheegay madaxweyne Brack Obama.

Illaa hadda si rasmi ah looma ogga khasaaraha soo kala gaaray labada dhinac inta uu socday howgalka oo lagu sheegay 24-daqiiqo, laakin dadka deeganka waxa ay lee yihiin illaa 5 qof oo ay ku jirto haweeney uur leh ayaa ku dhintay howgalkaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Tags:

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks