Al-Shabab oo weerartay Afmadow.

December 7, 2012 7:36 AM0 commentsViews:

Afmadow (Caasimada Online ) Wararka naga soo gaarayo degmada Afmadow ee gobalka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in dagaal yahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerrar ku qaaday saldhi ciidamada dowladda ,AMISOM  ay ku lee yihiin halkaas.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Al-Shabaab ay ku sigatay in ay la wareegto magaalada sida ay lee yihiin goob joogayaal ku sugan Afmadow.

Weerrarka ayaa waxa isku badalay dagaal dhowr saacadood socday, waxana markii dambe dib loo riixay Al-Shabaab.

Sida ay lee yihiin illo madax bannaan Al- Shabaab doonayay inay gudaha u galaan degmada.

Ma jiro faah-faahin laakin illo kala duwan ayaa ku soo waramaya in ay jiraan khasaaro soo kala gaartay labada dhinac ee halkaas ku dagaalamay.

Sarkaal u hadlay ciidamada dowladda oo lagu magacaabo Kornayl Cabdulaahi Xersi ayaa u warbaahinta u sheegay in ay guula  ka gaareen dagaalkii ka dhacay Afmadow isla markaana ay ku dileen  tira Al-Shabaab ah, sida uu hadalka u dhigay.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan weerrarkii ka dhacay Afmadow oo ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada isbaheesanay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

VIDEO NEWS


Source: Fubo

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks