Dagaallo ka dhacay Kismaayo.

Dagaallo ka dhacay Kismaayo.

2
SHARE

Kismaayo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Al-Shabaab weerrar madaafiic ku qaaday xaley xarumo ay joogeen ciidamada huwanta ee ku sugan magaalada dekedda leh ee Kismaayo.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay xaafada Farjano oo kamid ah xaafaddaha magaalada Kismaayo, waxaana Al- Shabaab ay ku beegsadeen halkaas madaafic, dadka ka salaliyay huradada.

Dhowr saacadood ayaa la soo sheegayaa  in dagaalka uu socday waxaana laga maqlayay magaalada oo dhan sida ay lee yihiin dadka ku sugan magaalada.

Dadka magaalada ayaa khal-khal ka muujiyay madaafiicda xaley ku soo dhacday magaalada gaar ahaan xaafadda Farjano oo ka mid shanta xaafad oo ay ka kooban tahay magaalada Kismaayo.

Lama Sheegin karo Khasaaraha ka dhashay labada dhinac inta uu la egyahay, laakiin ciidamada Jabhada Raaskambooni ayaa howlgalo waxaa ay ka sameynayaan Xaafada Farjano oo uu dagaal ka dhacay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

SHARE