50 Sano iyo Nolosha qurbaha! (Qiso iyo qeexid cajiib ah)

January 30, 2013 2:00 AM0 commentsViews: 17

Xaaji Maxamuud Muuse Xirsi oo ku magac dheer Kabtan, waxa uu ku dhashay degaanka loo yaqaano Dooxo Gurayo ee hoos tago baadiyaha dhulka Hoowd ee Waqooyiga Somaliya, qiyaastii 1941 ee qarnigii hore 19-aad.

Waxuu Xaaji Maxamuud asaga oo dhalinyaro ah soo galay magaalada Hargeysa, asaga oo halkaa ku soo dhaafay noloshii Reer miyinimo, waxuuna isla markiiba uga sii gudbay Hargeysa, magaalada Jabuuti markaa uu Xaajiga da’diisu aheyd 19 jir, waxuuna sidoo kale uga sii talaabay dhanka wadanka Yemen, gaar ahaan magalada Cadan oo ay Somali badan xiligaa ku nooleyd.

Xaajiga waxuu sheegay in ujeedkiisu ahaa in uu soo shaqeysto, ka dibna dalka dib ugu soo laabto dalka, laakin maalinba maalin ayaa ay u isu dhiibtay, sidoo kale dhulna dhul kale.

Markii Xaajiga Yemen soo galay, ayuu arkay in aysan nolol wacan ka jirin iyo shaqaba, waxuuna go’aansaday inuu u gudbo dhanka Dubay 3 sano ka dib, waxuuna galay safar kale oo badda ah oo aanan sahlaneyn.Dubay markii uu soo galay, ayuu waxuu la kulmay dad dhibaato badan ka muuqato oo buulal cows ka sameysan ku jiro, waxaa la oran karay Sheekha ayaa guri fiican ku jiray isna aqal dhoobo ka sameysan ayuu degenaay.

Waxuu sheegay in magaalada Dubay uu xiligaa joogay nin somali ah oo la oran jiray Cali Caamiri oo dadka Somalida ah aad u saacidi jiray kana ilbaxsanaay carabta waagaa joogtay Dubay, ninkii ayaa la sameeyay asaga iyo raggii ay saaxiibada ahaayeen ee la socday warqadahii ay Dubay uga dhoofi lahaayeen, waxaa ayna qabteen ama galeen safar dhanka badda ah, ayaga oo markaa sheeganayo in ay yihiin dadka loo yaqaan Meheri ee dega intooda badan Cuman, markii ay Kuweyt gaareen, ayaa loo diiday in ay galaan waddanka, waxaa aakhirkii ogolaasha siiyay sargaalkii haystay dakadda, markii uu ogaaday in ay sheeganayaaan qabiilka Meheri oo markaa ahaay dad aamin ah, shaqana badan, Kuweyt ayaan sidii ku galnay, waagaa Kuweyt oo dhan waxaa deganaay Somali aanan ka badneyn 200 oo qof oo 40 ka mid ah ay yihiin darawaliin, ka shaqeeyso ciraaq iyo kuweyt dhaxdooda, 40-kaa nin ayaa biisha inta kale ee aanan shaqada haysan.

50 sanoXaajiga waxuu helay shaqo, waxuu yiri shaqada aad ayaa u dhib badneyd, maalin maalmaha ka mid ah, ayaa nin injineer oo u dhashay Denmark, ayaa waxuu igula taliyay in aan Yurub aado, waayo waxuu igu yiri, waxaad heli xuquuq ka wanaagsan midda aad hadda haysato ee nin dhalinyaro ah ayaa tahay ee halkaa iyo Yurub qabo gaar ahaan Denmark.

Ninkii warkiisii wax weyn ayaa iiga baxay, waxaana bilaabay qorshahii aan yurub ku imaan lahaay, waan ka soo tagay Kuweyt waxaan iamaaday Ciraaq, ka dib waxaan soo galay Urdun, Beyruut oo Lubnaan, Dimishiq, Xalab oo Suuriya ah, ka dib Istanbuul ilaa Giriiga oo aan ka imaado Denmark.

Sanadka waxuu ahaay marka aan imaanayo Denmark 1969, waagaa waxaan Denmarka ku joognay 47 ay labo yihiin dumar, Sweden waxaa joogay 7 qof, Filand waxaa joogay hal qof, Norway waxaa joogay 7 qof.

Waxaan shaqo ka bilaabay shirkad dhisto maraakiibta, waxaa helay shaqo ka wanaagsan kana dhib yar sida uu ninkii ii sheegayba, laakin waxaan soo galay waddan wax badan ka gadisan dhaqankii aan ka imaaday, waxaa nasoo maray wax yaalo badan oo aanan soo koobi karin, waxaa inoogo darney markii uu naga geeriyay nin dhalinyar ah waayo dadka Muslimiinta ah waa ay yaraayeen, marka aakhirkii waxaan helnay nin Carab ah, ninkii ayaa noo geeyay nin dheenish ah oo muslim ah, markaa ayada ah muslimiinta asalkooda dheenishka yahay waxaa ay aheeyn labo nin, marka Cumar ayaa noo dhaqay, anigana biyaha ayaan u hayay raggii kale waa ay baqdeen.

Raggaaynii soo galay xiligaa ma aynu keeni jirin dumarka halkaan, sidoo kale ma aysan guursan jirin dumarka dheenishka ah, laakin waxaa jiro rag aanan badneyn oo guursaday dheenish iyo kuwa keenay dumar Somali ah, raggii guursaday dheenisha iyo kuwii keenay dumar Somaali ah, waxaa la oran karaa waxaa wanaagsanaaday kuwii dheenishka guursaday kuwii soomalida guursaday qoys burbur ayaa ku dhacay, halka la helayo raggii waagaa guursada dheenish in ay wali la noolyihiin dumarkii dheenishka ahaay.

Waxaan aad u naxnay markii ay nasoo galeen soomaali badan oo magangalya doon ah, waxuu arrinkaa nagu abuuray welwel iyo dal tabyo dheeri ah.

Maraan weydiiyay dadkii qaxoota ahaay ee idiin imaaday, wax ma idin ku kordhiyeen, waxuu yiri hal sheey ayaa ay nagu soo kordhiyeen oo ah cibaado, wax kale oo aan ka kororsanay ma jiraan.

Waxuu Xaaji Maxamuud ii sheegay maraan weydiiyay, haddii maanta dib nolosho loo celin lahaay, qurba ma imaan laheyd, waxuu yiri xitaa Hargeysa ma imaadeen, oo waxaan joogi lahaay miyigeygii aan ku soo koray, nolosha waxaa ay xaraga iyo qiimo ku leedahay dhulkaada hooyo.

Maraan weydiiyay, haddii dib laguu celiyo maanta yurub waddankee ayaad degi laheyd halka aad Denmark ka timid, waxuu yiri waxaan dooran lahaay England waayo waa waddan aqoon u leh ajnabiga wax badan naga og.

Xaaji Maxamuud waxuu intaa ku daray, war raggiina jooga oo ka shaqeysta laakin dumarka iyo ciyaalka inta ay goori goortahay ka wata dhulkaan, waa haddii aysan suuragal idiin wada aheyn in aad noqotaan.

Marka aan arko dadkaan aan la joogno sida ay dhulkooda u jecelyihiin ayna u dhisteen iyo midkeenii sida aan u galnay waan xanuunsadaa, waagii hore ma aynu ogeleyn in aan qaadano jinsiyadda waddanka haddana waxaad arki soomali ku faaneyso waxaan haystaa jinsiyada waddanka marka waxaa inoo dhaxeeyo wax badan, aaway soomalidii aan naqiinay, dadnimadii xagee ayaa ay martay, duulkaan maxuu yahay, maxaa adeer dadkii ku dhacay iyo dalkii?

waa su’aal u baahan jawaab .

Ahmed-haadi Muhumad

Haadi30@hotmail.com

VIDEO NEWS


Source: Fubo

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks