137 Tuhmanayaal Al-Shabaab ah oo maanta lagu qabtay Muqdisho.

January 14, 2013 1:07 PM0 commentsViews:

Ka dib howlgalo wadajir ah oo maanta ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay ka sameeyeen degmooyin ka tirsan waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa waxa kusoo qabqabteen dhalinyaradii ugu badneyn oo lagu eedeeyay amni daro inay wadeen.

Labo degmo oo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir oo maanta howlgalka laga sameeyay ayaa waxaa lagu soo qabtay dhalinyaro gaarayso 477 ruux ,kuwaasi oolaga soo qabtay degmooyinka Heliwaa iyo degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Khaliif Axmed Ereg,taliyaha hayada nabad sugida gobolka Banaadir oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in dhamaan dadka lasoo qabtay ee gaaraya 477 ,137 kamid ah ay yihiin Alshabaab ,ayna ku ogaadeen kadib baaritaano ay sameeyeen.

Howlgalka maanta ayaa ahaa mid ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay isku qeybiyeen labada degmada iyadoo degmada Yaaqshiid ay tahay goobta ugu badan ee howlgalka maanta laga sameeyay.

Taliska Nabad sugida ayaa sheegay inay sii socon doonaan la dagaalanka dadka amni darada ka wada magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks